Xafiiska UNPOS oo maanta looga furay magaalada Muqdisho(sawiro)

January 24, 2012 - Written by

Muqdisho, Muddo 18 sano ka dib ayaa waxaa maanta markii ugu horreysey Qaramada Midoobey si rasmi ah uga fura tay xafiiskeeda Siyaasadda (UNPOS) magaalada Muqdisho, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-Moon ayaa 09kii December yimid Muqdisho isla markaana ku dhawaaqay in Xafiiska UNPOS loo soo rari doono Muqdisho bisha Janaayo.

 Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey Ambassador Augustine Mahiga ayaa si heer sare ah loogu soo dhoweeyey saaka gegida Caalamiga ah ee dayuuradaha ee Aaden Adde, halkaas oo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali iyo wasiiro ay ku soo dhoweeyeen oo calankii UN ka si rasmi ah looga taagay caasimadda Muqdisho.

no images were found

Sidoo kale soo dhoweynta waxaa qeyb ka ahaa Diblomaasiyiinta EU, Italy, Norway, Jaamicadda Carabta, Djibouti, Sudan iyo diblomaasiyiin kale oo dhammaantood ku sugnaa gegida Dayuuradaha ee Aden Adde. Soo dhoweynta ka dib ayaa Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey waxaa loo soo galbiyey Madaxtooyada oo uu ku qaabilay Madaxweynaha Soomaaliya Sheikh Sharif Sheikh Ahmed. Halkaas oo waraaqihii aqoonsiga looga gudoomay Ergeyga Gaarka ah ee QM.

 Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin taariikh weyn u leh shacabka Soomaaliyeed oo muddo 18 sano ah sugayey in QM u soo guurto dalka gudihiisa. Dadaalkii Dowladda ee arrimaha amniga ayaa suurtogelisay in caasimadda maanta ay tahay meel ammaan ah oo hay’adaha Caalamigu ay ka howlgali karaan. Joogitaanka QM waxey kaalin weyn ka qaada neysaa dadaalka Dowladda ee geedi socodka nabadda iyo soo celinta amniga iyo kala danbeynta ee dalka.

—-Dhamaad—-

Garad Salad Hersi
Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-615536608
+252-6-2536608
Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
January 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online