Xafiiska UNPOS oo saaka laga furayo magaalada Muqdisho

January 24, 2012 - Written by

Muqdisho:-Waxaa maanta laga furayaa magaalada Muqdisho xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan siyaasada Soomaaliya UNPOS, Xaflada lagu furayo xafiiska UNPOS ayaa waxaa ay qaban qaabadeedu ka socotaa xerada Xalane oo ah Taliska ugu weyn ee ciidanka shisheeye ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho.

Xaflada lagu furayo Xafiiska Qaramada Midoobay ee UNPOS ayaa waxaa la filayaa in ay ka soo qaybgalaan Madaxda ugu saraysa DFKM iyo Ergeyga gaarka ah ee qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Dr. Augustine Mahiga  iyo xubno ka tirsan beesha caalamka.

Ciidanka DFKM iyo kuwa AMISOM ayaa saaka bilaabay howl galo ay ku sugayaan amaanka guud ee xerada Xalane iyo xaafadaha ku xeeran iuagoo aad u adkeeyey dhaqdhaqaaq dadweynaha iyo gaadiidka, Xafiisa UNPOS oo la filayo saaka in lagu fura Muqdisho ayaa noqonaya xafiiskii ugu horeeyey mudo 21 sanno ah oo UNPOS ay ku yeelato dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online