Xasuuqii Masjidka Al-Hidaaya oo lagu eedeeyey ciidamada dalka Jabuuti ee ku sugan Muqdisho

January 9, 2012 - Written by

Muqdisho:-Xasuuqii loo geystay culumadii Tabliiqa ee ku cibaadeysaneysay Masjidka Al-Hidaaya ayaa waxaa lagu eedeeyey ciidamada dalka Jabuuti ee ku sugan magaalada Muqdisho waxaana eedaas dusha uga tuuray waaliga gobalka Banaadir ee Ururka Al-shabaab Sheekh Max’ed Abuu C/raxmaan.

Sheekh Max’ed Abuu C/raxmaan waaliga Ururka Al Shabaab ee gobolka Banaadir oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in duqeynta loo geystay Masjidka Al-Hidaaya ay geysteen ciidamada dalka Jabuuti ee ku sugan Muqdisho waxaana ku shahiiday alaha u naxariistee duqeynta Sheekh Cabdi Raxmaan Tabaruc 7 kalana way ku dhaawacmeen.

Masjidka Al Hidaaya ee degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa duqeyn ula kac ah  u geystay ciidamada AMISOM oo ay qeyb ka yihiin ciidamada dalka Jabuuti. Dowlada Jabuuti ayaa safka hore kaga jirta wax ay reer Galbeedka ugu yeeraan la dagaalanka argagixisada waxaana ku sugan Jabuuti ciidamo badan oo Mareykan ah kuwaas oo diyaaradahooda dilal khaarajis ah ka fuliyey Yemen iyo Soomaaliya.

A/Cawale
Halgan.net

4 Comments so far

Leave a comment

  1. inaa lilaah wa inaa ileehi raajicuun
    allaah ha unaxariisto sheeqa ku dhintay kuwii dhibku gaarayna ha usahlo kuwii kadanbeeyayna waajibkooda ha mariyo

  2. ASCWB Allaha u naxariisto culimada dhimatay. Waaliga yaa u sheegay isaga in Jabuutiyaan yihiin kuwa dadka laayey mise ciidamada jabuuti waa MUSLIMIIN miyaa. kooxdiisana waxey ka adagtahay ciidama muslimiinta ah? fal kastaa waxaa loo eegaa sababtiisa yaa dadkan wax dhex kutuur tuurey oo ka cararay? si ay jawaabtoodu u wax yeesho dadka shacabka ah?

  3. salaamu Calaykum

    Ilaahay cuquubo ha ku rido kuwii laayey culumada Tabliiqa iyo kuwa sababta u noqday ee ku dhexdagaalamaya shacabka gudahiisa waxna aan ka difaaci karin

  4. inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun alaah ha u naxariisto muslimiinta ku waxyeeloowday duqayntii cadawga diintu ka gaystay mjasjidka AL- HIDAAYA culimadua tabliiqu waa culimo lugu yaqaano dacwad hufdan iyo cibaado badan siyaasadana lug kuma lahan haba yaraatee marka asbaabta loo duqeeyay waa maxaa?jawaabtu waa iska cadahay waa maxaad u tarbiyaysaan dadka .فصبر حميل وثأر عاجل يا أمة الدعوة

Leave a comment

*