Xasuuqii Masjidka Al-Hidaaya oo lagu eedeeyey ciidamada dalka Jabuuti ee ku sugan Muqdisho
January 9, 2012 - Written byMuqdisho:-Xasuuqii loo geystay culumadii Tabliiqa ee ku cibaadeysaneysay Masjidka Al-Hidaaya ayaa waxaa lagu eedeeyey ciidamada dalka Jabuuti ee ku sugan magaalada Muqdisho waxaana eedaas dusha uga tuuray waaliga gobalka Banaadir ee Ururka Al-shabaab Sheekh Max’ed Abuu C/raxmaan.
Sheekh Max’ed Abuu C/raxmaan waaliga Ururka Al Shabaab ee gobolka Banaadir oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in duqeynta loo geystay Masjidka Al-Hidaaya ay geysteen ciidamada dalka Jabuuti ee ku sugan Muqdisho waxaana ku shahiiday alaha u naxariistee duqeynta Sheekh Cabdi Raxmaan Tabaruc 7 kalana way ku dhaawacmeen.
Masjidka Al Hidaaya ee degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa duqeyn ula kac ah u geystay ciidamada AMISOM oo ay qeyb ka yihiin ciidamada dalka Jabuuti. Dowlada Jabuuti ayaa safka hore kaga jirta wax ay reer Galbeedka ugu yeeraan la dagaalanka argagixisada waxaana ku sugan Jabuuti ciidamo badan oo Mareykan ah kuwaas oo diyaaradahooda dilal khaarajis ah ka fuliyey Yemen iyo Soomaaliya.
A/Cawale
Halgan.net

.gif)

