Xumaanta ururka Al-Shabaab maxaad awal noogu sheegi weydeen? W/Q Sh.Axmed C/samad

January 18, 2012 - Written by

Boosaaso:-Culumada iyo ducaadda jamaacada Ictisaam way dareensanaayeen in qallooc ku jiro fikirka iyo camalka aasaasayaashii kooxda Alshabaab tan iyo xilligii ay bilaabeen ololaha ay ku unkayaan ururkan markii dambe ku hirgalay magaca Xarakatu shabaab, wayna ka digeen fahamka leexsan ee ay xambaarsanyihiin. Sidaas oo ay tahay nina kuma fakareyn in raggaas ay ka suurtowdo qallooca iyo fasaadka ballaaran ee markii dambe summadda u noqday caqiidadooda, hab fakarkooda iyo hab dhaqankoodaba; sidaa darteed culumadu af-labadi ma yeerin ee si cilmi ah ayay uga hadli jireen marinhabowga kooxdaan iyo khatarta ay diinta iyo ummadda ku keeni karto ama ku hayso.

Habka ay uga hadlayaan wuxuu ahaa “ maa baalu aqwaamin” iyo caddaynta xaqa ay barbar mareen, hoosna looguma daadagin daah ka feydista wax badan oo ay maro-diimeed huwinayeen. Dhinaca kale dad badan oo ka mida culumadii iyo waxgaradkii ku sugnaa gobolada koonfureed gaar ahaan Muqdisho ayaa xilligii maxkamadaha ku baraarugay diinxumada kooxdaan iyo hagaardaamada ay diinta iyo ummadda ku hayso laakiin waxay ku soo beegantay xilli dadka xamaas badan hayey, lagana horjeeday cadowyo badan oo isbiirsaday oo ay xilligaas ducaadda iyo dadweynahaba la ahayd inay kooxdaani ka sharyartahay, taas oo keentay inay fursad u helaan inay ummadda daakhilka ka dumiyaan, madaxana isugu wada dhuftaan.

Dhawaan mar culumada iyo rag ducaadda ka mid ah ay ka hadleen xaqiiqada hawsha kooxdaani ummadda ka dhex wado, ayna soo bandhigeen tusaalayaal dadweynuhu ka marag-fureen ayaa aad la isu weydiiyey maxaa awal oo dhan naloo ku sheegi waayey xumaanta iyo khatarta kooxdaan?. Mar aan muxaadaro ka jeediyey Jaamacadda Bariga Afrika faraceeda magaalada Galdogob oo aan ardayda fikrad ka siiyey kooxdaan ayaa gabari i weydiisey: maxaad awal oo dhan noogu sheegi weydeen?. Waxaan ugu jawaabay anigu kama fakareyn dumarka iyo caamada ayaa raacaya, wiilashase bishii shanaad 2008 ayaan u sheegay in Jihaadkii dhamaaday oo hadda ka dib Soomaalidu is dili doonto, loona baahanyahay in nin walba uu diintiisa la gabbado, waliba waxaan ku iri: waligiin ma gasheen dagaal qabiil, kaalmase ma geysateen, haddase diyaar ma u tihiin inaad ka qaybgashaan?. Waxaan ku iri: ninkii Xamar u aadi lahaa inuu dadka lagu laynayo wax ka laayo dadka meelahaan dagan ha laayo muxuu xamarta fog isugu dhibayaa?. Wiilashiina arrintaas waa iiga maragfureen!. 

Waxaa kale oo soo qaadis u baahan in aysan dadku marxaladaha qaarkood u bislayn in la siiyo xogta noocaan oo kale ah; waayo dad badan ayaa u qabey in kooxdaani diinta dan u hayso ama qabillkoodu ku meelgaari doono ama qolo ay u ciilqabaan kaga aarsan doonaan iwm. Laakiin hadda ninkii aan sharkoodu taaban wuxuu arkay ummad kale oo ay luufluufiyeen, wuuna ku qanacsanyahay in aysan cidna khayr u galayn ee ay yihiin DABAQALLOOC (hangarale) ninkii hoosta gashada isaga uun qaniinyada ka bilaabaya.

Haddaba markii aan maqlay dad kala duwan oo isku cilkaambiyaya maxaan xaqiiqadooda hadda ka hor u ogaan weynay ama u hadlaya in aan masiibadaan ummadda loo cadayn ayaan jeclaystay in aan soo bandhigo qoraallo badan oo arrintaan si toos ah ama si dadban uga hadlaya, in kastoo aan markii hore loogu talagalin in qoraal ahaan loo faafiyo. Waxaan horay u faafiyey qormo aan ugu magacdaray: Wadaadada is dilaya ma wada saxyihiin? Oo aan rag gaara oo talo i weydiiyey u qoray, haddana waxaan jeclaystay inaan ku xijiyo talooyin ay culumada iyo ducaadda Hargeysa ugu naseexeeyeen maxaakimtii islaamiga iyo dadweynaha reer Muqdisho bartamihii sannadkii 2006 ka dib markaan warbixin faahfaahsan ka siiyey xaaladdii meesha ka jirtey, su’aalihii ay i weydiiyeena aan uga jawaabay. Talooyinkaas waxaan u soo bandhigayaa sidii aan culumada afkooda uga qoray xilligaas. Ninka talooyinkaas maanta akhriyana wuxuu is oranayaa: culumada ma waxaan baa Ilaahay u sii daaliciyey oo ay ka hordagayeen!.

Axmed C/samad – Boosaaso

Naseexooyinka culumadu sidaan ayay u qornaayeen: 

Talooyinka culimada iyo ducaadda Hargeysa 

Waxaa lagu qabtay xarunta maamulka dacwada ee magaalada Hargeysa kulan ay isugu yimaadeen culumada iyo maamulka dacwada 08/06/06. Kulankaas waxaa  warbixin ku saabsan xaaladda Muqdisho ka soo jeediyay Axmed C/samad oo socdaal dacwadeed ku yimid gobolada woqooyi,  ka dibna waxaa culumada iyo guddiga dacwadu soo jeediyeen hambalyo, duco iyo talooyin aad u qiima badan oo ay u soo jeediyeen maxaakimta islaamiga iyo guud ahaan dadweynaha reer Muqdisho. Talooyinkii, hambalyadii iyo ducadii ay walaaluhu soo jeediyeena waa kuwaan:

 

  1. Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay guusha weyn ee ay gaareen walaalahayo oo runtii guul u ah ummadda oo dhan. Waxaan mar kale ugu hambalyaynaynaa walaalaha guushaas ay gaareen, Allaahna waxaan ka baryaynaa in uu u taam yeelo, uuna u hiilliyo muslimiinta meel kasta oo ay joogaan.
  2. In la badiyo wadatashiga iyo isku xirnaanta, lagana fogaado wax kasta oo keeni kara khilaaf iyo kala fogaansho.
  3. In xoogga la saaro sugidda amniga caasimadda iyo kala socodsiinta hawlaha bulshada.
  4. In la is raaciyo haraaga isbahaysiga ka jooga magaalada, isla markaana la isku dayo in magaalooyinka kale lagu qabto si nabadgalyo iyo is faham ah.
  5. In la dhiso maamul u gaar ah Muqdisho iyo mid dawlad goboleed ah.
  6. In loo xulo maamulka dad ku habboon awoodna u leh inay isku wadaan qaybaha kala duwan ee bulshada.
  7. Dhacdadaani waa imtixaan culus oo leh waxa ka dambeeya, waana arrin dad badan dhibaysa, sidaa darteed waxaa loo baahan yahay in la isticmaalo xikmad iyo ka fiirsi badan oo aanay dhicin in markiiba la soo dadajiyo iska hor-imaadyo lala galo dawladda FKMG iyo quwadaha shisheeye.
  8. In laga digtoonaado saamaynta ay camalka ku yeelan karto xinifta ka dhexaysa qabaa’ilku, lana hor-istaago tuhmooyinka imaan kara.
  9. In aan la isku dayin in wax walba lagu xalliyo qaraaro deg deg ah ee wax badan loo daayo waqtiga, marar badanna lagu dhaqmo siyaasadda kasb alwaqt.
  10. In la kaashado lana tixgaliyo dadka wax ka go’aan meel kasta oo laga hawlgalayo, isla markaana la soo dhaweeyo, lagana faa’iidaysto acyaanta qabaa’ilka.
  11. In xoog la saaro wacyigalinta bulshada iyo warbaahinta guud ahaan.
  12. In dawladda FKMG lala furo wada-hadal ku aaddan arrimaha dalka oo dhan wada khuseeya,  maxaakimtuna ay la gaar noqdaan arrimaha dawlad goboleedka koonfureed iyo maamulka Banaadir.
  13. In aan marna laga tanaasulin fulinta shareecada, lagana baaraandago habka, maraaxisha iyo fursadaha iclaaninta iyo fulinta.
  14. In deegaanka loo sameeyo maamul midaysan, isla markaana si buuxda maxkamaduhu gacanta ugu hayaan amniga, garsoorka iyo meelaha xasaasiga ah.
  15. In la iska ilaaliyo dhagarta iyo hagardaamaynta dabadhilifyada iyo ururada ka fuliya ajandayaasha shisheeye.
  16. In loo tanaasulo danta guud .
  17. In laga digtoonaado iska-hor-imaad ka dhex dhaca maxaakimta iyo qabaa’ilka.
  18. In bulshada lagu wacyigaliyo in guusha lagu gaaray shareecada, ayna lagama maarmaan tahay in lagu mitido.
  19. In loo dhiibo xarumaha danta guud dad xul ah.
  20. In qabaa’ilka loo kaashado ka hortagga khataraha ku wajahan bulshada.
  21. In wufuud loo diro dawladaha daneeya arrimaha Soomaaliya, si loogu sharxo xaaladda dhabta ah ee ka jirta Muqdisho, looguna qanciyo sida maslaxadda ummaddu ku jirto.
  22. In qabaa’ilka oo dhan loo sameeyo maxkamado; si ay uga qaybqaataan difaaca diinta.
  23. In madaalimta loo celiyo ahalkeedii, intii awood loo helo; si loo kasbado kalsoonida dadweynaha.
  24. In la isku dayo in la kala jabiyo xubnaha dawladda FKMG, haddii ay isku daydo in ay ku dhaqaaqdo wax ka soo horjeea maslaxadda diinta iyo dalka.
  25. In looga digo Maraykanka iyo Xabashida inay soo faragaliyaan arrimaha gudaha ee Soomaaliya.
  26. In aan lagu hawlgalin xamaasadda ee caqliga, kaadsiiyaha iyo xikmadda la adeegsado.
  27. In laga digtoonaado fashalka iyo asbaabtiisa.
  28. In loo sameeyo ummadda maamul daacad ah.
  29. In Allaah lagu kalsoonaado oo aan laga cabsan waxyaabo wahmi (ismoodsiis) ah.
  30. In aan wadaaddadu si gaar ah u bixin ee ay dadkooda dhexda kaga jiraan. Waxaa kale oo muhiim ah in aan bulshada lagu dhex milmin oo aan hadafka laga lumin.
  31. In la furo goobaha adeega bulshada, sida: dekadaha, madaarrada iyo waddooyinka.
  32. In dadka aan maxkamadaha tooska ugu jirin, kuna laban si rasmi ah loogu daro; si aysan sumacadda wax u yeelin.

    Axmed C/samad

    alwaqaar@hotmail.com

7 Comments so far

Leave a comment

  1. Asaalamu calaikum jazaaka alllahu khayra sh axmed talooyinkaan wax ku oolka ah ee aad noo soo gudbisay Aniga waxay ila tahay talooyinkaan, in inta la daabaco Guryaha la surto, runtii talooyinkaan waxay mudan yihiin in biyo dahab ah lagu qoro ilaahow culumada noo xifdi aamiin.

  2. ACWRWB,

    Runtii waa naseexooyin cajiib ah, Khayr aad u badan Allaha siiyo Culimada soo jeedisay 32-dan naseexo iyo Shiikha noosoo gudbiyayba Inkastoo aan la qaadan ilaa hadda, waxaan u arkaa kayd u yaal ummadda ayna maalin ka faa’iidaysandoonto in shaa Allaah.

    Xaqqa Allaha ina waafajiyo.

  3. acww
    Talo aad u qiima badan bay ahayd,waxaan filayaa in aan la qaadan.Hada waxa ummada anfici lahaa culimada jidka toosan ku taagan oo cilmigooda Nadariga ah (Theory) u badala Camali (Practical). Alshabaab fikirkoodu haba qaloocsanaadee waxay u tarjumeen camali,waana ta u suura galisay in ay afka jabiyaan nin kasta oo iyaga khilaafsan,waana sirta dad badan ku wareersan yahay oo ay leeyihiin nimanku xoog badanaa.
    Culimada waxa haboon iyaga oo xeerinaya duruufta maxaliga ah,tan gobolka iyo tan aduunkaba in ay camali u badalaan inta karaankooda ah fikirka saxda ah ee ay xambaarsan yihiin ee ka tarjumaya caqiidada iyo dhaqanka saxda ah.
    wcww

  4. Xafithakallahu yaa sheeykhanaa, dad badani ku garan mayaan, laakin waxaad xaqqan tahay “غني عن التعريف” dacwada iyo ducaadduna dhab bay u og yihiin muyuulkaaga saliimka ah oo daa’iman ku dhisan niyad samida, geesinimada, iyo himmad sarida,
    أكثر الله أمثالك في الأمة وحفظك عن حقد وعيون الحاقدين

    أخوك Fagare.

  5. Asalamucalaykum:Runtii talooyin aad uqiimobadan bay ahaayeen,hayeeshee weli fursaduhu way taaganyihiin,naseexadana halawado.
    Waxaan odhanlahaa culimadu yaanay kaquusan waanada,weliba kelmadaha qaarkood maslaxadi kuma jirto(dibqalooc iwm)waayo naseexada waxaa laqaataa markii si macaan loosheego.Kalimadaha qalafsani waxay keenayaan in lasiikalafogaado uun.Waad mahadsantihiin,Ilaahay qulubta muslimiinta hakulmiyo.Aamiin

  6. Markaasna maxaa dhacay? sheekadu ma qeyb kaley leedahay mise joogsigaas culus bey ku dhammaatay?

    Aan rajeeyo inay qeyb labaad leedahay, inta ka horreysana sheekhu waa mahadsan yahay.

  7. jazaakalaahu kheeran yaa Sh.axmed c/samad.waxaan hubaa inaad ka ogtahay geedi socodka dacwada somalia wax badan warkaagana waxaan uqaadan [leysa Alkhabaru kal mucaayana} ama maah maahdii carbeed eekale { saqadhta calal khabiir}.
    waxaa layiraahdaa talada adaa kunool ee iyadu kuguma noola, ala maa laqaato talooyinka culimada intaan waqtigu tagin,waxaan lahal maami karin talooyinkan culimada iyo ducaada hargaysa soo jeediyeen iyo talooyinkii culimadii kushirtay muqdisho xiligii dhaxdhaxaadintii doolada,xizbul islaam iyo Alshabaab dhago maqla mayna helin maanta maxaa laga joogaa qoomamo say ilatahay.

Leave a comment

*