Been Abuurkii laga sameeyey Shiikh Maxamuud Shible oo daaha laga qaaday.(Cod + Video)

February 7, 2012 - Written by

Shabakadda wararka Halgan.net ayaa ogaatay been abuur lagu sameeyey Shiikh.Maxamuud Shible iyada oo la soo googooyey muxaadaro uu ka jeedshay Shiikhu magaalada Garisa taas oo uu Shiikhu wacdigisa ku soo qaatay dhowr Xadiis oo tusinaysa sida Nebigeen Muxamed Naxariisi korkiisa ha ahaatee  loo siiya Jawaamic Kalimah iyo su,aalo dhowr ah oo Shiikha laga wiidiiyey Ururka Al-Qaacida jamaacada tabliiqa iyo dagaalada ka socda dalka Afgaanistaan , Ciraaq iyo Soomaaliya

Muxaadarada Sheekh Maxamuud Shible ayaa waxaa la isku dayey in la soo jarjaro oo Sheekh Shible laga sameeyo wax uusan oran taas oo aan ula yaabay markii aan dib u baaray waxaana alle fadligiis ii suurto gashay in aan helo muxaadarada Sheekh Maxamuud Shible markii aan dhageystay waxaan aad ula yaabay rag culumo iyo ducaad sheeganaya sida ay amaanada cilmiga iyo naqliga uga been sheegeen.

Somaalida ayaa horey waxaa u sheegtay oo tiri wax la eryo been baan u gaabisa Muxaadarada Sheekh Maxamuud Shible ayaa inta la kala reebay waxaa laga dhigay in Sheekh Maxamuud Shible uu yiri Sheekh Usma Bin Laden allaha u raxmadee waa Jaasuus u shaqeeya dowlada Sacuudiga. Sheekh Maxamuud Shible ayaa xili uu jeedinaya Muxaadarada waxaa uu sheegay in qaar ka mid ah ururka Al-Qacida ay yiraah  deen Usmaan Bin Laden in uu yahay Jaasuus Dowllada Sacuudiga u Shaqeeya isagoo soo xigtay oo sheegay in uu hayo qoraal uu Dr. Ayman Dawaahiri qoray uu leeyahay Bin laden waa Jaasuus sacuudiga u shaqeeya  xiligaas oo u ku sheegay Sheekh Shible in ay ahayd 1993-1994 .

Shiikh Maxamuud Shible ayaa waxaa uu muxaadaraan uu ka jeediyey magaalada Gaarisa ku xusay in Guddoomiyihii Jamaacada Jihaad ee Masar Sayid Imaam Shariif qoraalo uu sameeyey dhowr sano ka hor uu ku tilmaamay Dr Ayman in uu yahay Jaajuus halka sidoo kale uu Dr Ayman Dawaahir yiri Sheekheenii Sayid Imaan Shariif waxaa uu ahaa  Jaajuus. arrinkaan ayaa waxaa uu Sh Shible u soo qaatay mar uu tusaalo ka bixinayey kuwa culimada ku tuurada hadal ah waa Jaajuusiin , gaalo bay la shaqeeyaan iyo wax la mid ah.

Muxaadaro jawaab u ah axaadiis lagu qabsaday Sh. Xassan Takar ayaa mar uu ka jawaabaya isaga iyo  wadaad kale oo magaciisa ku sheegay Abu Yasir Al Muqdishi ayaa waxaa muxaadarada dhexdeeda lagu sheegay in Sheekh Shible uu leeyahay Sheekh Binladen baa Jaasuus Sacuudiga u shaqeeya taas na waa been cad iyo buhtaan ay ka sameeyeen Sheekh Maxamuud Shible .

Wax lala yaabo maaha qolo ka dhigatay diin been iyo buhtaan iyo in ay been ka sameeyaan Culimada Soomaaliyeed waxaana u danbeysay beentii ay ka sameeyeen Sheekh C/qaadir Nuur Faarax taas oo ay yiraahdeen wuxuu u mahad celiyey Mahiga waloow qaar ka mid ah ay been taas ka laabteen markii  Halgan.net ay keeneen khudbadii Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo Maqal iyo Muuqal ah  balse waxaa la sugi doonaa ma ka laaban doonaan beenta ay hadda ka sameeyeen Sheekh Maxamuud shible  iyo culimada kale.

Waxaan ku soo afmeerayaa qoraalkeyga Axaadiista ay isku heystaan Culumada iyada dhex gali maayo oo culumada ayey u taal laakiin ha ogaadeen kuwa culumada beenta ka sheegaya in beentooda laga daba tagi doono xisaabtii aakhirana ay u danbeyso.
Hoos ka fiirso Muxaadaradii Sh Maxamuud Shible ka jeediyey Gaarisa ee la soo kala jaray qayb ka mid ah ka dib laga sameeyey in uu isagu yiri Sh Usama Ibnu Ladin allaha u raxariistee waa Jaajuus caamil ah oo dowllada Sacuudiga u Shaqeeya

 

Hoos ka Dhagayso Muxaadaradii Shiikh Shible ka jeediyey magaalada Gaaris oo dhamaystiran

[audio:https://www.halgan.net/Mp3/sh shibil.mp3]  Halkaan ka rogo Mp3

 

Qoraalka waa isku soo dubariday
Cabdicasiis Maxamed Faarax
Halgan.net, Nairobi

 

43 Comments so far

Leave a comment

  1. ascwrw.
    Allaahu akbar walaahi waan ogaa iney been abuur tahay warka sh shible oo lasoo googooyay, inteysan arintaas dhicina waxaan ka war helay in la waday abaabul noocaas ah waanan kala taliyay ninka asagu iska leh websiteka somalimemo oo ah Faarax Siciid Maxamed (faaraxdeeq) waxaan ku iri ka joog wuuna igu gacan seyray. waana lala xisaabtami hadii alle idmo oo maalin baa jirta hadii aad dunida ku baxsato aadan Alle ka baxsankarin

  2. SCW HALGA.NET ILAAHAY HAYDIN BARAKEEYO WAA DADAALAYSAAN KU DAALIDA DIFAACA CULIMADA WAXANSE LAYAABAY DADKA CULIMADA SHEEGANAYA EE BEENTA IYO BUHTAANTA DHAQAN KA DHIGTAY WALEE DHIBAATAA IDIN HAYSATA SHABABOW HADAY CULIMADIINU TAHAY KUWA BEENTA CAADAD KA DHIGTAY WAR DIINA WAX TARI MAYSAAN SHACAB SOMALIYEEDNA WARKIIBA DAA WAR ILAAH KABAQA OO SIDA ISU DHAAMA UMADII WAXAD KU HALAAGTEEN BEEN IYO BUHTAAN IYO XABAD WAA LAYDIN BARTAY KHAWAARIJ BAAD TIHIIN LUGOOYADA DADKA LA DHAAFA
    VIVA HALGAN.NET NOOLAADA

  3. To: nasteex
    Walaal.sh shible mar hore ayuu su’aashaas ka jawwaabaye dib ugu noqo cajaladihiisa. Waxaase in la xuso mudan adigu hadaad qolyaha dagaalka qaaday ee xarakadaas ka midka ahaa dee dhiig muslim ee aad daadiseen waa lagaa rabaaye sii dadkii.xaqa ulahaa, waxba sh shible ha isku qaadine illeen suaashu adigay kuutaalaaye. Mida kale waxaad ugaataa xarakada al itixaad way waynayd qofkasta oo xarakada ku jirayna macnaheedu maahan dhiigii xaaraan ah ee la daadiyaayi mas.uul buu kayahay. hadaba suaashaada jawaabteedu waxaa weeye ama al itixaad ahow ama shabaab ahow hadaad dhiig ka xaaraam ah daadiso aduun iyo aakhiraba adaa ka masuul ah. marka adigu walaal adigu is cadee meesha aad ka imaanaysid iyo meesha aad ku socotid. Waxaa layaab ah waxa aad sh shible suaashaas ugula soo ordaysid. Ma waxaad aragtau isagoo dhahaya dhiig ay niman itixaad ah si xaaraam ah u daadiyeen waa ku sax sanyihiin? Walaal warkaaga iyo waxa aad sheegaysidba iska eeg.
    Wabillahi towfiiq

  4. To abuu hamzaa: asc walaal. Waxaan rabay inaan kuxasuusiyo in dagaalku mar hore bilowday, oo sheekadu isradis dhaaftay. Ha ilaawin dilkii Dr Axmad xaaji cabdiraxman, yarxamhullaah. Adiguse maxaad isku dayeysaa cadow horor ah oo af iyo adinba adeegsanaya inaad noo af qabato. Nimankaas culimada 247 caynaya oo ku been abuuranaya qabo marka hore markaasna wixii nasiixo ah iskugu kaaya keen.
    P.S. Anigu kuma hadlayomagaca halgan laakiin waxaan u hadlayaa magaca taageerayaasha halga, khayr badanilaahayha siiyyee

  5. ALXAMDULILLAAHI WAXDAH WASSALAATU WASSALAAMU CALAA MAN LAA NABIYYA BACDAH

    ASSALAAMU CALAYKUM

    ALLAAH WAXAAN KABARYAYAA IN WALAALAHA HALGAN.NET IYO MUSLIMIINTA DHAMAAN INTA UTAAGAN INAY DIINTA ALLAAH KOR NOQOTO UU ALLAAH ADUUN IYO AAKHARABA SIIYO HANUUN IYO NUUR AY MAR WALBA XAQQA KUTAAGNAADAAN.

    CULIMADA OO AH WARATHATUL ANBIYAA AYAA BARYAHAAN QANDARAAS LAGUSOO QAATAY SAA SOOMAALI SIDII KALE OO LOOGU TUMAN KARAY WAA LOOGU TUNTAY. MARKA WAXAA LAYIRI XAGEE U HARTAY OON KADILNAA, WAXAA LAYIRI SOOMAALI MA ANAGAABA DILNAY HEE! WALI DIINTII KAMAY WADA TAGIN, XOOGAA INKASTOO LA ISKU DAYAY IN LADUUFSADO HADANA WALI MAYNAAN GAARSIININ HEERKII LARABAY,SAA ALLAAH FADLIGIISA – ALXAMDULILLAAH CIRIFKA ISKAANDANEEFIYAANKA HADAAD JOOGTID YACNI TAQRIIBAN WOQOOYIGA ADUUNKA WAXAAD ARKAYSAA GABADH SOOMAALIYEED OO XIJAABAN OO HADANA NIQAABAN YAA SALAAM AMA WIIL SOOMAALIYEED OO SHACAA’IRTII ISLAAMKA AY KAMUUQATO. SI TAAS LOOGA HOR TAGO WAA IN LA ISWEYDIIYAA SEE LOO TIRTIRAA RAG BAA YIRI MARKA NAGU HALEEYA JIRRIDDA AAN KASIIBAYNAA OO DADKII WANAAGAAN KU TARBIYEEYEY OO AH CULIMADDA SOOMAALIYEED AYAA SHAQO LAGA QABANAYAA. SAAS DARTEED DUULAANKII DIINTA AYAA LABILAABAY HADANA CULIMADDA AYAY MARAYSAA QAAR WAA LADILAY SIDA SH.DR. AXMAD XAAJI CABDIRAXMAAN ALLAAH WAXAAN KABARYAYAA SAMIR IYO IIMAAN INUU NAGAWADA SIIYO SHEEKHANA ALLAAH WAXAAN KABARYAYAA FARDAWSAL ACLAA INUU DAJIYO, WAXAAN RAJAYNAYAA INUU DHIBKA ADUUNKA KA RAYSTAY KALIGIISNA MA AHANE CULIMADDA XAQ DARRADA LAGU DILAY OO DHAN ALLAHA FARDAWSAL ACLAA DAJIYO.
    QAAR KALE OO CULIMADDA AHNA WAXAA LAGU BILAABAY DACAAYAD, CAYTIN BEEN ABUUR IYO BUHTAAN AAN JIRIN WAXAANA AYAAN DARRO AH IN QANDARAASKA RAGGA SOO QAATAY EE CULIMADDA QAARNA DILAAYA QAARNA KUBEEN ABUURANAAYA AY YIHIIN DAD KITAABKA IYO SUNNADA WAX KA GARANAYA MAXAA OOGA EG KUWAAS CULIMADII REE BANII ISRAA’IIL EE ANBIYADDA ILAAHAY QAARNA DILAAYEY QAARKA KALANA BEENINAAYEY.

    WALAALAYAAL WAXAAN NAFTAYDA IYO TIINABA AAN U DARDAARMAYAA INAAN TOOBAKEENKA IYO DUCADABA BADINO WAA LABA SHAY OON INSHAA ALLAAHU RAXMAAN AAN KU BADBAADAYNO
    ALLAAHUMMA ARINAA XAQA XAQAN WARZUQNATTIBAACAHU WAXABIBNAA ILAYHI WA’ARINAA BAADILA BAADILAN WARZUQNAJTINAABAHU WAKARIHNAA ILAYHI

    WAXAAN KU SAXNAHAY ALLAAH BAA I WAAFAJIYEY OO KUMAHADSAN WAXAAN KU KHALDANAHYNA WAA NAFTAYDA DAALIMADDA AH ALLAAHNA DANBI DHAAF BAAN WEYDIISANAYAA

    WALLAAHU CALAA MAA NAQUULU WAKIIL

  6. Shekha cadowtinimo uma qabo usama wayo wuxu iskudayay usama shaksi ahantisa wuxu yahay inushego madama isaguhugamio ururkan khaldan shekhu madihin waninxun oo jahil ah lakin sijilicsan ayu u iftimiyay shekhu wunanolamarkas. Sh.cumarfaruq alehaunaxariste aya hadakahor yiri adunka waxa khalad kadacayo jahli umbakadambeyo .qofkana marku arinjahil kayahay cudurdar ayu leyahay kawarama hadu shekh shible dihilaha ninkan wanin aqonsareysaleh khaladkana asago og ayu sameya. Xukunkisa marka muxu noqonlaha?

  7. halgan iyo hawlwadeenadeedu aad bay u mahad san yihiin

    laakiin ii waydiiya shiikh shibile al itixaad waxay rag gumaadeen inay ka toobad keeneen iyo inkale waana mahadsan tihiin

    ALLE YAQAAN

  8. AScwrwb

    Waxaan marka hore salaamayaa walaalaha halgan net shaqada wanaagsan ay hayaaan oo ah inay culimada difaacaan, Allaah swt miizaanka xasanaadka ha idin saaro, waxaanse idin su’aalayaa aaway cadaaladii uu Allaah swt na amray, bal ila fiiriya aayadahan iyo axaadiistan inta aanan u gudbin mawduuca aan u socdo.

    1- [ إن الله يأمر بالعدل والاحسان وإيتاء ذي القربى وينهى عن الفحشاء والمنكر والبغى يعظكم لعلكم تذكرون] النحل / 90 .

    2- [ لقد أرسلنا رسلنا بالبيناتت وانزلنا معهم الكتاب والميزان ليقوم الناس بالقسط ] الحديد / 25 .

    3- [ يا أيـها الذين ءامنوا كونوا قوامـين بالقسـط شـهداء لله ولو عـلى أنـفسكم أو الوالدين والأقربين ] النساء / 135 .

    4- [ يا أيها الذين ءامنوا كونوا قوامين لله شهداء بالقسط ولا يجر منكم شنئان قوم على ألا تعدلوا اعدلوا هو أقرب للتقوي ] المائدة / 8 .

    5- [ إن الله يحب المقسطين ] المائدة / 42 .

    6- [ إن الله يأمركم أن تؤدوا الأمانات إلى أهلها وإذا حكمتم بين الناس أن تحكموا بالعدل ] النساء / 58 .

    7- } وإذا قلتم فاعدلوا ولو كان ذا قربى { الأنعام / 152 .

    8- } وتمت كلمة ربك صدقاً وعدلاً لا مبدل لكلماته (الأنعام / 115

    9- [ وأمرت لأعدل بينكم ] الشورى / 15

    10- [ وإن حكمت فاحكم بينهم بالقسط إن الله يحب المقسطين ] المائدة / 42 .

    1- عن عبد الله عمرو بن العاص قول النبى صلى الله عليه وسلم : ” إن المقسطين ( العادلين ) عند الله على منابر من نور عن يمين الرحمن وكلنا يديه يمين الذين يعدلون في حكمهم وأهليهم وما ولوا ”

    2- عن أبى هريرة رضي الله عنه قول النبى صلى الله عليه وسلم : ” يا أبا هريرة عدل ساعة أفضل من عبادة ستين سنة قيام ليلها وصيام نهارها
    يا أبا هريرة جور ساعة في حكم أشد وأعظم عند الله من معاصى ستين سنة ”
    يحكى أن ملكا من ملوك الفرس : كان عادلاً في حكمه ونشر العدل بين ربوع دولته ، وخرج يوماً في سفر وفي الطريق توقفوا عند خيمة امرأة كانت لديها بقرة حلوب تدر لبنا غزيرا ، فحدث نفسه إن وصل إلى قصره أرسل جنوده فاقتادوا البقرة إلى مزرعته من أجل اللبن . وفي نفس اللحظة جاءت المرأة الريفية تشكو بأن اللبن المدرار قد توققف . فانتبه الملك إلى ما أضمره في نفسه فظهر قلبه وصحح نيته فإذا باللبن المدرار الغزير لا يتوقف .

    يقول صلى الله عليه وسلم : ” يوم من إمام عادل أفضل من مطر أربعين صباحاً أحوج ما تكون الأرض إليه ”

    سأل الاسكندر حكماء بابل : أيها أبلغ عندكم الشجاعة أم العدل ؟ فقالوا : إذا استعملنا العدل استغنينا به !!!

    waxaan aad uga calool xumaaday in sheekh shibile lagu been abuurtay, waxaana hubaal ah in kuwa culimada dhiba aysan liibaaneyn, waxaan kaloon aad uga calool xumaaday muxaadaradan oo uu sheekh shibile ku weeraray sheekh Shahiid Osama Bin Ladin, umana jeedo hadalka ah in Sheekh Maxamuud Shible uu yiri Sheekh Usma Bin Laden allaha u raxmadee waa Jaasuus u shaqeeya dowlada Sacuudiga, wayna caddahay inuu sheekh shibile hadalkaas oran oo lagu been abuurtay, laakin intaan muxaadarada dhagaysanay ayay dhagahayga ka maqleen sheekh maxamuud shibile hadal aan jeclaysan aadna aan ugaga calool xumaaday, hadalkaas oo ahaa inuu sheekh maxamuud shibile yiri:

    ( Wadaadka osaama ah dhinac waa nin caamo ah nin diin fiican yaqaana ma’ahan, waa nin iska miskeen ah magac u yaal weeye.)

    waxaan ka roonayd inuu ku ekaado manhajka Alqaacida, haduu u arko inuu qaldan yahay, laakiin inuu shaqsi weeraro, kuna tuuro hadal isaga qudhiisa uusan ka raali ahaadeen waa laga fiicnaa, Allaah swt sooma oran (( قوله تعالى ” يا أيها الذين آمنوا لا يسخر قوم من قوم عسى أن يكونوا خيرا منهم “)

    Kuwa xaqa rumeeyow yuuna yasin Ragna Rag (kale) waxay u dhawdahay inuu ka khayr badanyahaye,

    xaqa ayay nagu leeyihiin inaan difaacno culimadeena,sidoo kale mujaahidiintana xaq ayay nagu leeyihiin inaan difaacno, yeyasan idin qaadin caadifo iyo inaad dhinac u iilataan,sida websaadyada qaarkood, aan isku deyno sidaan isugu soo dhoweyn lahayn,oo aan dhexdooda u dhigi lahayn islaax, siduu Allaah swt na amray,

    (( إنما المؤمنون إخوة فأصلحوا بين أخويكم واتقوا الله لعلكم ترحمون ( 10 )

    waxaan kusoo gabagabeenayaa inuu Rasuulka csw yiri
    وفي الصحيح : ” مثل المؤمنين في توادهم وتراحمهم وتواصلهم كمثل الجسد الواحد ، إذا اشتكى منه عضو تداعى له سائر الجسد بالحمى والسهر ” .

    وفي الصحيح أيضا : ” المؤمن للمؤمن كالبنيان يشد بعضه بعضا ” وشبك بين أصابعه .

    (( حدثني أبو حازم قال : سمعت سهل بن سعد الساعدي يحدث عن رسول الله – صلى الله عليه وسلم – قال : ” إن المؤمن من أهل الإيمان بمنزلة الرأس من الجسد ، يألم المؤمن لأهل الإيمان ، كما يألم الجسد لما في الرأس ” . تفرد به ولا بأس بإسناده .

    Inta arinku taagan yahay in la is radiyo oo kaliya waa sahal in wax la islaaxiyo laakin hawsha waxay faraha ka baxaysaa maalinka hub la isu qaato cadwgana nadaawado, dagaalna wuxuu ka bilawdaa afka. wabilaaf tawfiiq

    Wixii aan xaqa kawaafaqo Alllah swt xagiisay ka ahaatay, wixii aan qaldayna
    waa naftayda iyo shaydaan Allaah swt ayaan denbi dhaaf weydiisanayaa.

    Abu-hamzaa/GEELLEYARE
    Abdinassir Geelle

  9. asc wr wb aad ayaaa ugu mahad celinayaaa dhamaan bahda halgan
    waxaana ku mahad santihiin difaaca aad difaacaysaan culumada somaliyed
    waxaan dhihi lahaa asbaabta culumada loo banaysanayo caydooda iyo been abuuradkooda waxay tahay
    waxaa ladoonayaa in labanesto dhiigooda maadama ay xaqa ka hadlayaaan waxaa ladoonayaa in la aamusiyo culimada waxaan dhihi lahaa shabaab nimanka labaxay illaahay haka baqaan hadala ay dhahayaan culumada ha dhaafaan hadii kale mucjiso ayaa ku dhici doonta insha allaah

  10. فريقا كذبو وفريقا يقتلون ‏bal aan wadasugno waxa ey kadaxlan cayda iyo dilka culumada ragan iskutilmamay magafan ee ayaga kaliya is hufayo naftoda weydhahiren

  11. مالا يستطيع أحد إنكاره هو ذلك التعامل الذى كان بين الشيخ أسامة رحمه الله وبين مخابرات أمريكا فى وقت من الأوقات وأعنى وقت الجهاد ضد السوفيت فى أفغنستان وأقول للأخ عثمان والذى لم يقتنع بعد بهذا التقرير وما زال يقول بأن الشيخ محمود قال تلك الكلمة ممكن أن الشيخ محمود كان يعنى تلك الحقبةوالتى فيها التعامل مع أمريكان كان حلالا

  12. Hambalyo bahda halgan.net, waxaan Alle idiin su,aali inuu idanka dhigo kuwo xaqa gargaarkiisa dhaqan ka dhigta, bilcagsi waxaa sidaa ka duwan somalimeo.net, oo banaystay cayda culimada, hadana bilaabay inay sidii reer banu israel xarafka bedelaan, ikhwaanii dacwada u gargaarkeeda iyo weliba sugida kalimada dhabta ah ku dadaala, nimankaan mooryaan qalinka ahna yaanan loo joojin
    wt

  13. Ascw,
    salaan kadin walaalayaal waad Mahadsantihiin dadaalkiina laakiin hal arin ayan idin xasuusinayaa difaca culimada dhameystira oo waxaa kamid culimadda dilka lagu xukumay oo uu kamid yahay Sheikh Dr.Ahmed Iiman oo wadaaka Xasaan labaxay uu leeyahay waxaa loo dilayaa fasaad oo adinku aad codkaas noo soo gudbiseen weliba codkii aan rajeynayo inaad heysaan culimadaas dhiigooda labaneyey sida qaladka iyo aqonyarigu sabatyay dadka u cadeeya Mahadsanidin

  14. Asc, to Cisman sxb waxad dhagaysatay cod ka jar jarka ahe bal waxaad dhagaysata maxadarada oo dhamaystiran , memory cardkayga bay ku jirta maxadaradaas hal sano ka badan marka brother maxadarada kalana dhagayso , waa been abuur is cad xataa uma baahna in laga doodo! Cidaaan anigu waanka yaabay beenta waxa ay ka hesho?!

  15. Asc shabab wadadadodi waxa indatiray dagalka iyo diigi ey qubayen wadadi kale ee banaka katagneyd dagalka ee rabtay somali oo dan ineymideyso shabab sey uladhaqmen? Qar hadalkodi ayey beniyen sida sh.cumarfaruq (RMA) iyo sh.umal qarna waba dilen sida dr axmad xaji

  16. sc wr wb walaalayaal waxaa su ;aa mudan sh.xasan axaadiistii nabiga lagu been abuurtey keen laysku ogaay? Ma usaama binlaadin Difaaciisa ayaa ka weyn? in lagu been abuurto nabimaxmed s.c.w ? wax kale maahin sh.m,shible waxaa loo jarjarey cajaladahiisa waa in ummada laga mashquusho axaadiistii laysku hayey? sh.xasanoow axaadiistii kaa sugaynaa waxba sh.shible cajaladiisa ummada haku mashquulin ? waxaan sugaynaa in sh.maxamed cabdi umal cajaladiisa sidaas oo kale yeeshaan? arin fog maahin hadaad saan sameeyseen alshaab aniga koley qariibsan maayo ilaahy ka cabsada ee keena axaadiista aad ku been abuurateen nabigeena suubanaay.

  17. Acs wr wb,
    Salaan kadib walalayaal wa wax laga xumaado in maanta wadaadi hormuudka u aha saxwada islaamiga ah ee soomaaliya lagu been abuurto, Dadkana dheegooda aayado quraan ah iyo axaadiis lagu banaysto.

    Waxaa iga yaabiyey nin magaciisa kuso gaabshay (WAANIYE) Alshabaab ayaan u doodaa inay wada saxdaha ku toosantahayna tibaaxay walal hadaad garasho leedahay dib isugu laabo ayaan ku dhihi lahaa maxa yeelay iska daa qof weyne lehe ilmaha sabiga ah ee xitta garashadu ku yartahay wa daremaya qaladaadka ay ku kacayaan alshabaab maanta oo cidna kama daahna,
    Gabagabadi arartayda waxaan kuso koobaya Laba eray ( ALLOW AQOON NOO SIYAADI)

  18. Sallaam,

    Horta waa sax in qof walba qaladkiisa laqabto oo lago saxo waana sida ay xaqu kujirto oo cadaalad ah, markaan usoo noqdo qoraalkan aniga waxay ila tahay waxa Sh Shibli lagu haysto waa kalmada uu yiri oo ah (Bin Ladin in uu jaajuus ahaa) marka dhinaca cadaalada la eego kalimadaa waa kalimad isaga kasoo baxday ilaa iyo inta uu keenayo cadeyn sheegaysa in looga hareeyay oo uu sheekha uu sheegay uu kalimaadkaas uu qoray sida uu yidhi in uu qoraal kahayo, Illaahay baana og wixii xaqa ah.

  19. asc wr wb been abuerka aad fashilisin kheryr aan dhamaad lahayn allaha idinka siyo wala halgan.net JIRO JOGA WALIGIN WALO DIFACA CULUMADA CIRDIGODA

  20. Asc walalaha halagan.net jazakumullhu khayran waxan idinkugu hambalyeyna difaaca cirdiga culimada taasna waa waajib ina wada saaran

  21. Salaamu Calaykum

    Walaalaha Halgan.net ilaahay khayr ha siiyo aad baan u naxay markii aan maqlay kalimada ay soo jarjareen oo ah in Binladen uu jaajuus yahay alaha u naxariistee aad baana u yaabay balse kuma qancin ileen reerka baan aqaane beenta kama ah xaaraanta ilaahay idin soo qabay been badanaa wuxu xitaa khawaarij waa ka liitaan saa beenta gaalnimo bay u arkeen axaadiistana waa laga warin jiray

  22. asc
    walaal waad ku mahadsantihiin denbi baarista aad ku guuleysatiin.
    anshaxa,xurmada iyo wanaaga yaan la baal marin.

    saman adag ayaan ku jirnaa oo runtii u baahan fiirsi fog, cadka ma aha e lafta yaan la jebin.

    ha laysku soo duceeyo.

  23. waan salaamayaa walaalaha dhamaantood,salaan kadib ;nin baa wuxuu yiri saaw sagaaro ima barato,waxaan uga jeedaa walaalaha qaarkood ood moodo ineysan wali nimankan baran,maalin walba waxaa iyo wax kadaran bay noo soo gudbiyaan,miyeyna habooneyn inaan niraahno waa beentii iyo borobogaankii aan idinku baranaye ee wax kale ma haysaan . runtii anigu isla daqiiqadii baan ujawaabay,una sheegay waxa aad noo sheegteen inay tahay been iyo rag iska celin ee aysan xaqiiqo ku fadhiyin nabiis darro way tuureen maqaalkaygii,malahayga koox isla xadraysa baa meesha laga rabaa.. ugu danbeyn walaalkey waaniye hortaa baan taageersaneyn shabaab laakiinse waxaa ku dhexmilmay afkaartii takfiirka ee dacwada laga horeyn jiray sidaa darteed walaalahiin waa in lasaxaa si

  24. ilaahay dhug iyo xifdin ha idiin siyaadiyo bahda halgan.net dadaalkiina.

    Amaano xumo waa diin xumo.

    ninka aadane hor taagan, oo sawt iyo suuradba laga duubay ku been abuuranaya, ilaahay iyo rasuulna waxba u reeban maayo…..
    ku quusta qudhaanjo….ku quusta kuwii taageerada indha la’aanta ku soconayayeyoow.

  25. maasha alah waa waa guul soo hayatey jabna ku ah canjalkii ey soo direen xasan takar iyo abuyaasir…
    ilaahey ha barakeeyo sh. shiiqeena maxamuud shible

  26. Asc,Walaalaha halgan.net horta kheyr farabadan ayaan Allaah idiinka rajaynayaa dadaalka aad ugu jirta garab istaaga Culumad iyo xaqa. Tan kale walaal xagee la idinkala soo xiriiraa, waayo dhowr jeer ayaan email idiin soo diray oo la iigama soo jawaabin marka bal taasna iiga soo jawaaba Ilaahay kheyr ha idin siiyee. Tan kale Walaalka la baxay Sunni Ilaahay kheyr haku siiyo sidaa Culumada u difaacayso, aanse kuu naseexeeyee magaca al mowduucatu attakariyah amay walaal kugu noqotaa gaf waayo Takar family waa qoys wadaado ah oo hadaan been iska ilaaliyo boqol inay gaarayaan hadaysan ka badnayn ayaan qiyaastayd, waxaana ka mid ah Dr.sh.C/razaaq Maxamuud Takar oo ka mid ah culumadeena qiimaha badan. Walaal waxaan ku oran lahaa ilaali walaalaha qalbigooda, qoyskaas inta aan arkayna aad ayay uga xunyihiin sida Xasan Maxamuud Takar u dhaqmayo. Jazaakallaaah walaal mar kale sida aad u jeceshahay difaaca culumada.

  27. Masha allah jzkh kheyr halgan.net waa mahadsan tihiin …. Sida wanaagsan aad u cadeeyseen Xaqa Allaah ha idinla garab galo hee

  28. Jasaaka Allaha Walaal Been Abuurka ragaas Wadanka Qaska kawado Aaad Cadeyseen Culumadeena Allaha Noo Xifdiyo Sh Maxamuud Shibile SH Umal Sh bashiir Shiil iyo Cabdiqadir gacmey Iyo Inta kale ee aan meesha ku xusin Dhamaan Ragga been Abuurka Diinta ka dhigtayoo Allaha ha naga Qabto

  29. Ilahay Ajar ha idinka siiyo, waxaa soo kale baa dadka diin looga dhigayaa, ruuxi warka daaya dhahana la isku dayayaa in dacaayaad iyo been abuur dusha lagasaaro. Ilaahow umada ka qabo dadkan caadaystay cirdiga iyo dhiiga muslimiinta. Amiin

  30. Asc
    Illahay ha idinka ajir siiyo in khaladka la qabto oo la cadeeyaa waa waajib dhinaca uu doono haka yimaadee qofka khaldama haloo naseexeeyo sifiicana haloo sheego khaladka uu galay sh takar khaladka wuu ku dhacay lakiin yayna keenin in aad cadaalada ka tagtaan ood sidiisa samaysaan deedna aad kusheegtaan wax uuna ahayn oo barito sidaad beentanba usoo qabateen la idiin soo qabto hadalada qofka oo la jarjaro waxay keentaa dhibaato badan sida hadalkanba aad ku aragtaan anuu hada kahor baan dhagaystay muxadarda dadkii aan dhagaysan lakiin way layaabayaan ahdalka saa u go,an ee uu shahiid usama u tiiriyay ninkastaa wuu ku xanaaqi waan hubaa dad badan baa sheekha ku dambaabay oo waliba cirdigiisa wax ka sheegay oo waliba aan aqaano lakiin la yaabimaayo oo hadal goo go,an bay maqleen deedna run bay moodeen
    waa amrkii noloshayda iigu horaysay ee aan arko walaalaha difaaca shabaabka nin kamida oo ku tilmaamaya inay khalad cad tahay in sheekha hadalkiisa sidaa loo jar jaro @waaniye illahay hakaa ajarsiiyo iyo geesinimada aad muujisay eed ku tilmaantay khaladka dhalinta ugamaanaan baran inay khaladka qirtaan e

  31. Salaamu Calaykum
    Walaahi waa yaab ragu been badanaa miyeysan xishooneyn subxaanalaaah ilaahow culumadeen noo xifdi

  32. asc w wb reer halgan waad mahadsan tihiin ilaahy ha idin xafido sida aad been abuurka u cadayseen waad ku mahadsan tihiin dad badan baa shiiqa ku danbaabay aniga xitaa waan naxay markaan eraygaa maqlay

  33. Salaamu Calaykum

    Masdhalaah ilaahay na noo daayo walaalaha Halgan.net oo u taagan daafaca Manhajka saxda ah iyo culumadeena walee taariikhda baa qori doonta xusina doonta Halgan.net iyo shaqaaleheeda ilaahay ha idin xifdiyo

  34. Salaamu Calaykum

    Walaalaha Halgan ilaahay kahayr ha idin siiyo sida aad u qabtaan mark kasta tuugada beenta dhaqan ka dhigtay walee ceeb looma dhinto kkkkk

  35. scw

    Walaahi waa la yaab been meel ma gaarto cid aad is haysaana kaama celiso ee culimada ha laga haro been ka sheegooda iyo xumaanta dusha laga saarayo allena ha loo noqdo aad baad u mahadsan tihiin Halgan.net
    iyo walaalka warbixintaan diyaariyey

    ws

  36. waxaan salaamayaa shabakada halgan salaan kadib

    horta anigu waxaan kamid ahay dadka difaaca alshabaab difaaci doonana inta ay xaqa kusugan yihiin

    laakiin waxa wax laga xumaado ah inaa qof hadalkiisa lakala jaro kadibna been abuur lagu tilmaamo

    taasina waa qalad cad oon geed loogu soogabanin mana garanayo sababta keentay arrintaas waana wax lala yaabo

    laakiin waxaan leeyahay dhamaanteen waxaa la inaga rabaa cadaalad

    haduu sh xasan takar wax qalad ah sameeyayna macnaheedu maahan inay alshabaab qaldanyihiin
    mahadsanidin

    • salamu calaykum Wrx Wbr
      wa bacda salaan, akhii waligaa difaac ciddii xaqqa ku taagan oo dhan ha ku gaar yeelin urur kaliya. Teeda kale cid xaq ku taagan been abuur intaa le’eg ma samayso ee Xaqa Ilaahay ha na wada waafajiyo.

  37. Salaamu calaykum

    Waxaan u mahad celinayaa walaalka maqaalka diyaariyey iyo Maamulka halgan.net waxaana alle uga baryayaa in uu ajar ka siiyo kuwa Beenaalayaasha la qabtay ma ka joogi doonaan beenta u maleyn mayo waa diintooda iyo dhaqankooda beenta ilaahow na badbaadi oo khaatumada noo hagaaji

  38. Salaamu Calaykum

    Alahu Akbar Mashalaah tuug la qabtay talo ma leh ilaahay ha xifdiyo Sh Maxamuud Shible iyo walaaha Halgan.net iyo tasjiilaadka Al-Taqwa ee magaalada Gaarisa. waan sugaynaa muxaadarada sh shible ee ay soo jarjarteen reer Afbuub ilaahay idin soo qabay been kama xishoodaan ileen waa ahlu bidace.

  39. Salaamu Calaykum
    Halgan.net alaha idinka abaal mariyo sida aad u difaaceysaan culumada kuwa culumada isku dayaya in ay nagu diraan waa riyoonayaan waan sugayaan muxaadarada oo dhameystitan walee reer been hawaas war baa heysta waxaa aad ii cajabiyey gabaygii ay walaashey cubtan ku riday abu fadumo oo lahaa.
    Waxbase hadalku yuu ila gudbine waxaan ku gaabshay
    Inaad magaca gadaal dhigato ood kunyo ku geeraarto
    Oo gantaalada weerarka ah muslimka gowda kaga saarto
    Gar Ilaahay maahane ninyahow geesinmo muuji
    Oo magaca kuu gaarka ah golaha how diidin
    Amase inaad gar daran tahay ogow oo gujada jooji.

    • Alxamdulillaah waa Ilaah mahaddiis haddii beentaas la qabtay halgannet allaha idin barakeeyo ajarna idin ka siiyo faydida been abuurka culumada. Walaal Mohamad khayr Allaha ku siiyo adiga iyo walaasheen cubtanba waxaanse tabaynaa rageena maxaysan abuuyadan gabay ugu dayin waayo abuu faadumo waa laga yara nastay tan iyo markii walaasheen cubtan u naseexaysay wuu gabban yahay walow ay dhici karto inuu kunyadii badashay

  40. halgan waa halgamaada sanadka waa been abuurkii 2aad ee ay soo bandhigto webka Halgan.net kii sh cabdulqadir nur farax iyo midka sh shibile allaha idin xifdiy culumadana sharta khawaarijta allaha ka ilaaliyo aamin yaa rabi

  41. waad mahadsan tihiin halgan iyo qoloda studio-ga garissa

    walaalayaal waxaan idinka codsanayaa sidoo kale inaad soo galisaan

    xasan takar iyo axaadiistiisa aan u bixiyay(Al-mowduucaati Attakariyah الموضوعات التكرية) oo video isagoo hadlaya ah, iyadoon waxba ka maqnayn intuu af carabi kusheegay iyo intuu turjumayaba
    waad mahadsan tihiin.

Leave a comment

*