Ciidamada amaanka magaalada Boosaaso oo qabtay gaari uu saarnaa Hub iyo Raashin

February 28, 2012 - Written by

Bosaaso:-Ciidanka amaanka magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa maanta waxaa u suurta gashay in ay qabtaan gaari u rarnaa Buuraha Golis gaarigaas oo ah nooc loo yaqaan Fuusaha oo ay sheegeen in gaari uu saarnaa hub ,raashin iyo qalab kale duwan  oo uu ku jiro kuwa wax lagu qarxiyo.

Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Buuraha Galgala Col. Jaamac Siciid Warsame oo shirjaraaid ku qabtay Saldhiga bartamaha ee Bosssaso ayaa sheegay in xog ay ka helleen ciidanka Booliska ee magaalada Boosaaso ay dabagal ku hayeen gaariga ay maanta qabteen isagoo  xusay in gaarigaas uu u socday  Al-shabaab ah iyo Al-qaacid sida uu hadalka u dhigay.

Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Buuraha Galgala Col. Jaamac Siciid Warsame ayaa sheegay in qalabka ay qabteen ay ku jireen qalabka loo adeegsado miinada dhulka lagu qarxiyo iyo qalab kale oo loo adeegsado in lagu buuxiyo Mobilada marka dabka uu ka dhaco, Col. Jaamac Siciid ayaa ku nuuxnuuxsaday in ciidanku ay sii wadi doonaa dagaalka ay kula jiraan dadka cadawga u ah diinta , dalka Calanka iyo qof kasta oo caqli u saaxiib ah.

Baabuurka ay ciidanka amaanka Boosaaso ay qabteen ayaa waxaa saarnaa sidoo kale raashin  bur ,sonkor,saliid,Ninka gaarigu u rarnaa oo la yiraahdo Axmed Cabdi Gurxan oo isaguna la hadlay saxaafada ayaa waxaa uu qiray in gaariga uu isaga u rarnaa darawalka iyo nin dhalinyaro ah oo la socdayna aysan wax danbi ah  lahayn.

Axmed Cabdi Gurxan ayaa yiri waxaa ahay Islaankii ka shaqeeya nabad hadda waan xira nahay laakiin haddii la i sii daayo waan u geynaa wax walba oo ay rabaan dhalinyaradaas saaran Buuraha ee xaniban.

no images were found

Axmed Cabdi Gurxan ayaa la dhaafay gaariga Kontroolka ka dib markii ay is afgarteen askari ku sugaan Kontroolka balse markii uu dhaafay Koontroolka ayaa waxaa ka daba yimid ciidamo ka tirsan daraawiishta Puntlland ka dibna joojiyey.

Waa markii ugu horeysey oo ay ciidanka amaanka ee Boosaaso ay qabtaan gaari ay sheegeen in uu saanad hub iyo raashin u waday dhalinyaro hubaysan oo ku biiray Ururka Al-shabaab kuwaas oo ku sugan Buuraha Calmadow ee isku xira gobolka Bari iyo Sanaag.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
272829  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online