Ciidamada Itoobiya iyo kuwa DFKM oo dad ku xirxiray magaalada Baydhabo

February 24, 2012 - Written by

Baydhabo:-Wararka caawa naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay ayaa sheegaya in ciidanka Itoobiya iyo kuwa DFKM ay dad ka qabqabteen gudaha magaalada Baydhabo ka dib howlgalo ay ka sameeyeen gudaha magaalada Baydhabo shalay ilaa maanta.Ciidanka Itoobiya iyo kuwa DFKM ayaa dadka ay soo qab teen waxay u badan yihiin dad rayid ah ooo ay uga shakiyeen in ay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab dadka ay soo qab teen ayaa waxaa ku jira ganacsato laga yaqaan magaalada Baydhabo.

Ciidamada Itoobiya iyo kuwa DFKM ayaa cabsi ka qaba in qaraxyo aan ka joogsi lahay lagu qaado sida ka dhacaday magaalada B/weyne ee xarunta gobalka Hiiraan oo ay qabsadeen ciidamo Itoobiyaan ah iyo kuwa Soomaali ah.

Ciidamada Al-shabaab ayaa ka baxay magaalada ka dib markii ay ku soo dhawaadeen ciidanka Itoobiya waxaana ay balan ku qaadeen in ay weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ay ku qaadi doonaan ciidamada huwanta ah sidda uu warbaahinta u sheegay afhayeenka dhinaca howl galada ururka Al-shabaab Sheekh C/Casiis Abu Muscab.

C/casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
272829  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online