Ciidamada Kenya oo lagu weeraray inta u dhexeysa Kulbiyoow iyo Degmada Badhaadhe

February 27, 2012 - Written by

Kismaayo:-Ciidamada Al-Shabaab ayaa maanta weerar gaadmo ah ku qaaday ciidamo kolonyo ah oo ka tirsan dowalada Kenya iyo kuwa DFKM dagaalka ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka u dhexeeya  Kulbiyoow iyo Degmada Badhaadhe waxaana warar hordhac ah oo soo gaaray Halgan.net ay sheegayaan in  ciidamada Kenya laga gubay halgaari.

Dagaalka ayaa socday in ku dhow saacad waxaana guulo ka sheegtay ciidamada AL-Shabaab iyo kuwa DFKM sarkaal u hadalay ciidamada Al-Shabaab ayaa sheegay in ay dileen 10 askari halgaarina ay gubeen.

Dhanka afhayeen u hadalay DFKM ayaa sheegay in ay fashiliyeen weerar gaadmo ah oo ay soo qaadeen ciidamada Al-Shabaab wuxuuna ku faanay in ay dib u celiyaan .

Ciidamada Kenya ayaa ilaa intii ay soo galeen gudaha dalka Soomaaliya waxaa ku socday weeraro gaadmo ah oo ay qaadayeen ciidamada Al-Shabaab taas oo hakisay in ay horey u socdaan ,ciidamada Kenya ayaa waxaa ka soo gaara weerarada gaadamada ah Khasaaro xooggan waloow ay qariyaan khasaarahooda .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
272829  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online