Culimo’udiinka iyo masuuliyiinta rugta ganacsiga Boosaaso oo lacag tabarucaad ah guraya

February 19, 2012 - Written by

Boosaaso:-Waxaa maalmahaan ka socda magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Gobolka Bari lacag aruurin ay wadaan culimada , wax garadka iyo masuuliyiinta rugta ganacsiga iyo warshadaha Puntlland iyadoo lacag tabaru caad ah dibada iyo gudaha loo aruurinayo Suuqii weynaa ee magaalad Boosaaso oo bilo ka hor ku gubtay Boosaaso. Culimo’udiinka magaalada Boosaaso ayaa in dhawaalo ah waxaa ay ku howlanaayeen  lacag tabarucaad ah oo ay u aruurinayeen dadkii ku hanti beelay Suuqii weynaa Boosaaso , dad fara badan oo ganacsato ah oo xoolo kulahaa magaalada Boosaaso ayaa markii uu gubtay Suuqa Boosaaso ku cayroobay.

Culimo’udiinka magaalada Bosaaso ayaa nadawaad ay ku qabteen Masjidka Rowda ee Boosaaso waxaa ay ugu baaqeen ganacsatada iyo dad weyna ku nool Boosaaso iyo deegaanada ku xeeran in ay gargaar deg deg ah u fidiyaan dadkii ku hanti beelay Suuqa Boosaaso ,culimada ayaa howsha waxqabad kaas waxaa ay u xilsaareen allaha u naxariistee Sheekh Dr axmed Xaaji C/raxmaan oo habeen ka dib ay dileen 3dhalinyaro ah oo bistoolado ku hubeysan.

Guddoomiye ku xigeenka rugta ganacsiga Puntland Maxamed Caydiid Jaamac oo saxaafada la hadalay ayaa xusay in  howsha loogu aruuri nayo lacag dadkii ku hanti beelay suuqii gubtay ee magaalada Boosaaso ay weli socoto kulamo kale duwana ay la qaateen culimada iyo wax garadka iyo ganacsatada waaweyn ee leh shirkadaha ilaa haddan ay aruuriyeen lacag gaaraysa ilaa 60 kun oo dollar.

Guddoomiye ku xigeenka rugta ganacsiga Puntland Maxamed Caydiid Jaamac ayaa xusay in hanti ku luntay Suuqa Boosaaso ay aad u badan tahay laguna qiyaasay lacag dhan  15 milyan oo doolar sidaas darteedna loo baahan yahay in Jaaliyaadka dibada ku nool iyo kuwa gudahaba ay u istaagaan in ay gargaar u soo fidiyaan dadkii ku ceyroobay Suuqa Boosaaso.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
272829  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online