Culumada oo loo qaybiyo Rabaaniyiin iyo Culuma’usuu waa kalmad xaq ah oo loola jeedo baadil: Qaybtii 3-aad‏

February 24, 2012 - Written by

Akhristoow qoraaladii hore waxaan uga soo hadalnay tilmaamaha culumada rabaaniyiinta iyo culumaa’usuu, waxaad u jeedaa maanta dad aan garan karin xaqa culumada inay ku xukumeen culumadii lagu bartay wanaaga inay yihiin culumaa’usuu, laakiin su’aashu waxaa weeye adiga oraahdaada iyo aragtidaada guracan miyay ku noqonayaan culumaa’usuu, taariikhda ayaa ka markhaati kici doonta cidii culumaa’ usuu ah.  Su’aalo badan waxaan iska waydiin doonaa 2dii qormo ee hore waxaanan arki doonaa culumadeenii wanaaga lagu bartay inay yihiin rabaaniyiin iyo raasikhiin, waxayna ka muuqan doontaa halkay ka istaageen dagaaladii sokeeye laga soo bilaabo 1991 markii dagaalada sokeeye wadanka hareeyeen wadaadaduna dhex boodeen.  Waxaan tusaale u soo qaadan doonaa Sheekh C/qaadir Nuur Faarax , mawaaqiftiisa iyo manhajkiisa aan isbadalka lahayn oo ay ka muuqato raasikhnimada cilmiga iyo sugnaanta xaqa, alloow diinta nagu sug.

1991 waxaan ku jiray dadkii u qaxay magaalada kismaayo, intuuna dhicin dagaalkii wadaadadu la galeen Jeneraal Caydiid, waxaa yimid magaalada kismaayo gaar ahaan goobtii wadaadadu deganaayeen (xeradii guulwadayaasha) Sheekh C/qaadir Nuur Faarax, Sh. Cali Warsame, Macalin Maxamuud Macalin Nuur Allah ha u raxmadee iyo culumo kale, waxay rabeen inay baajiyaan dagaalka wadaadadu la galayaan Caydiid, waxaan xusuustaa dhaqdhaqaaq badan oo xerada ka socday oo dhalinyaradu wadeen oo looga soo horjeeday culumada waaweyn ee rabaaniyiinta iyo raasikhiinta cilmiga ku ciraystay.

Habeenkii markii la isagu yimid goobtii culumadu dhalinyarada kula hadlayeen waxay soo jeediyeen culumadu hadalo wanaagsan oo wacdi iyo xikmadiba ka buuxdo, waxaa hadalkii qaatay wiilal dhalinyara ah, qaar koodna maata diideen sunada Nabi Muxamad (nabad galiyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee) oo ay ku biireen qolyaha loo yaqaano “Quraaniyiin”, wuxuu ii sheegay nin Sheekh ah inuu indhaha saaray ninkii habeenkaas ugu hadal kululaa ee culumada ka horyimid oo dabagaab qaba, gabar ajnabi ka ahna gacanta haysta, dhalinyaradu waxay u arkayeen ninkaas xiligaa 1991 rabaani, sida maantaba kuwo la mid ah ama kaba sii aqoon yar loogu yaqaano rabaani cirka ka soo dhacay.

Mid ka mid ah dhalinyarada ayaa wuxuu akhriyay aayada ku jirta suuratul toobah ee nambarkeedu yahay 31 إتخذوا أحبارهم ورهبانهم أربابا من دون الله isagoo wiilkaa yar ujeedadiisu aheyd inuu raga kale ku diro culumada oon warkooda la qaadanin, hadii la qaatana macsiyo lagu raacay ileen jihaadkay diidan yihiine, waa sida aragtidiisa guracani tusisay, Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo aad u fahamsanaa ujeedada dhalinyarada iyo fahamkooda qaloocan ayaa wuxuu aad uga xumaaday tusaalaha dhalinyaradu u soo qaadatay Culumada.  Wuxuuna fasiray macnaha aayada oo ah in laga dhigto culumada iyo suufiyada ilaahyo la caabudo alle sokadii, laguna raaco culumada macsiyada alle, waxay xalaalee yaana la qaato waxay xarimaana laga tago, waana qisadii dhexmartay Nabigeena suuban (nabadgaliyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee) iyo saxaabigii cadiyi bin xaatim.

Sheekha iyo culumadii la socotay maalintaas waxay lahaayeen war dhalinyarada yaan dabka lagu shubin, war curdankaan la beeray yaan la goosanin xiligiisa ka hor, waana maalinkii ugu horeeyay ee dhalinyaradu u adeegsadeen eraga culumaa’usuu culumadoodii diinta soo bartay.

1992 dagaalkii ka dhacay gobolada bari ee dhexmaray wadaadada iyo beelaha daga goboladaas, Sheekh C/qaadir wuxuu lahaa war dhalin yarada yaan dabka lagu shubin, war curdanka yaan la boobin, cidna dhag jalaq uma siinin, dagaalkiina waa la galay mashaqadii la ogaana way ka dhalatay wiilal dhalinyaro ah ayaa maalintaana Sheekha ku lahaa beeshiisuu la saftay, odayaashii qabiilkana gadaal buu marsaday, waxaan xusuustaa inuu gabay tiriyay Abshir Nuur Faarax (abshir bacadle) Allah ha u raxmadee oo Sheikh C/qadir Nuur Faarax uu ku durayay, allahayoow u danbi dhaaf maanta dhulka hoostiisuu ku jiraaye.

2006 xiligii Maxaakimtii Islaamiga ka soo ifbaxday gobolada koonfureed ee Soomaaliya Sheekh C/qaadir iyo Culumadii kale ee la joogtay waxay dhaheen maxaakimta xaaladeedu macadam, wax badan baa isku dhex jira, bal aan sugno oon aragno biyo dagooda, wax yar ka dibna waxaa cadaatay ujeedooyinkii badnaa iyo danihii isbahaysigii maxaakimta, kuwo dollar rabay, kuwo diin rabay, kuwo dagaal rabay, kuwo nabad rabay iyo kuwo risiq rabayba way isugu jireen, ninba dhan u badi.

2008 waxaan joogay gobolka Minnesota ee cariga Maraykanka mar Sheekh C/qaadir muxaadaro uu ka jeedinhayay masjidka Abubakar As Sidiiq ee ku yaala gobolka Minnesota, isagoo lagaga soo xiray wadanka Kenya qalabka la iska arko, wuxuu ku celcelinayey sheekhu war dhalinyarada yaan dab lagu gurin, waryaan curdanka la dadajinin, war bilaash kuma imaanin, dhalinyarada yaan la marin habaabinin.

2011 maalintii Aaskii Sh. Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan waxaa kalimad ka jeediyay Sheekh C/qaadir Nuur Faarax wuxuu ku soo celiyey kalimadii lagu bartay ee ahayd; waryaan dhalinyarada dab lagu shubin, ileen dhalinyartii dishay sheikha ee fikirka qaloocani galay kuwo kale oo fikirkaas qaloocan uu ku dhax gaboobay ayaa u fatwooday dilka culumada una sheegay in jano lagu galaayo.

2012 ugu danbeentii bishii hore ee Janaayo aakhirkeedii anigoo qoraya maqaalkii labaad ee qaybinta culumada ayaa waxaan dhagaysana yey qolka islaamiga ah ee Al-taqwa iyo kan 114 oo lagu sooxiray nadwo ay ka qayb galayeen Sh. C/qaadir Nuur Faarax, Sh. Axmed C/samad iyo Sh. C/qani Qorane dhamaantoodba alle ha xifdiyee, waxaa markiiba igu soo dhacay hal ku dhagii Sheekh C/qaadir, anigoo niyada ku haya eraygii aan ka maqlay sheekha 1991 anigoo hor fadhiya ayuu ku soo celiyay bishii koowaad ee sanadkan 2012, intaan dhigay qalinkii aan wax ku qorayay yaa waxaan iri allow nagu arzaaq sugnaanta Sheikh C/qaadir oo kale, is badbadal ma leh, midabeyn ma leh, caadifo ma leh, mowqif aan isbadal laheyn iyo manhaj cad ayay xanbaarsan yihiin Culumada uu ka midka yahay Sheekh C/qaadir Nuur Faarax.

Akhristoow maxaad ka qaadatay qoraaladii qaybinta Culumada, yaa rabaaniyiin iyo raasikhiin ah yaase culumaa’usuu ah.  Rabaaniyiin waxaa lagu gartaa: Cilmi, Aqoon, ku dhaqan, Ikhlaas, raacida Nabiga (nabadgaliyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee), Akhlaaq wanaagsan iyo Aflagaadada culumada oo la iska dhowro, waxaan filayaa inaad igu waafaqsan tahay in culumadeenii wanaaga aan ku baranay ay ku sifeysan yihiin tilmaamahaas. Culumaa’usuuna waxaa lagu gartaa: diinta waxay dhaafsadaan aduunyo, xaqana way qariyaan oo ma sheegaan, waa jaahiliin, umadana waxay ku kala xukumaan wax aan alle soo dajinin, waxay ku been abuurtaan Allah, waxay raacaan hawadooda iyo wixii naftoodu u qurxiso.

Hadaba akhristoow culumadeenii diinta darteed qaarna loo laayay qaarna loo xirxiray ma dhihi karnaa diintoodii aduunyay dhaafsadeen? kuwii xaqa sheegi jiray ee xabsiyada laga buuxin jiray ma dhihi karnaa waa culumaa’usuu? Kuwii diinta ina soo baray ee xaqa iftiimiyay ee suufiyo iyo khuraafo inaga soo saaray ma dhihi karnaa waa jaahiliin? kuwii xaqa cadeeyay ee xukuumaadka ka horyimid ma oran karnaa hawadooday raaceen? hadaba akhristoow xukunku aduu kula jiraa, kubadana dhankaagaan u soo laadaye shabaqa ku rid.

“Waryaan dhalinyarada dab lagu shubin” Hadalkaas Sh. C/qaadir Nuur Faarax wuxuu noqday hadal waaray ilaa maantana taagan.

Qormada xigta hadii alle idmo waxaan ka hadli doonaa xukunka iyo natiijada ka dhalan cayda culumada iyo eraygan culumaa’usuu aloow diinta nagu sug.

W/Qoray Sh.Ahmednuur Macalim C/qaadir
Imam Masjid Abu-Bakr Islamic Center Seattle, Washington
midnimo14@gmail.com

4 Comments so far

Leave a comment

  1. sida uu sheegay walaaka iga horeeyey waan xasuustaa canaatii habeenkaas wuxuuna baajiyay dhiig si fahan xuma ah ku daadan lahaa markuu ku qanciyey maamulkii jamacada inay u fasaxaan si ay ula hadlaan una dajiyaan dhalinyarada makay yeelena hadaldaas iyo kuwa ka adag ayuu mesha ka sheegay,sheekh allha xifdiyee asga iyo culumadaba kalaba.waxaan kaloon wali xusuutayda ka goin inuu sheekhu ka jeediyey muxaadaro masaajidkii waheliye ee dabka hoostiisa ahayad uuna jeedinayey aradayda jamacad markii ay adkaatay in kanbaska ay ku sii wataan muxaadarooyinkoodii wuxuuna dhalinyarada tusaaleeyay inay sahlanan dadka oo aan ilaahooda la barin inaan xukun islaamig ah lagu qasbin karin sabatuna ay tahay daka badankiis waxaa illah u ah oo ay caabdaan calooshada malintay baahadana dibadda ayey soo baxayaan awoodna laguma maquunin kara wadan dhan iyo ummad badan halkaas wuxuu sheekhu naga tusaaleeyey inuu jidku dheeryahay mashaqo badana ay ka sokaysa oo aan la goosan karin mira aan bislaan

  2. Sh.AxmedNur Allah ha kuxifdiyo,Adiga iyo Culimada kula midka ah.
    waxaan goobjoog ahaa SH.Cabdiqadir Nuur Farx iyo Cabdullahi Cali Xaashi ayaa Muxaadaro noogu qornaa Masjikii Jamacadii Gahayr1989.Kadib ayaa Culimadii loo leexiyay xaga maamulka Jamacada kadib wiil baa noo soo galay isagoo oo leh “ALLAHU-AKBAR”Culimadii waa la leexsaday,kadib waxaan weerar ku qaadnay Maamulkii kadib ayaa naloo dalbaday Ciidankii Hangashta habeenkaa Dhiig badan ayaa daadan gaadhay,kadib maamulkii waxay go’aansadeen inay noo soo daayaan Culimadii.Sheekh Cabdiqadir hadalkiisiii waxaa ka mid ahaa “Ma muxaadaro ayaad Caawa Dhiig u daadin gaadheen”Aad ayuu noo Canaantay habeenkaa isaga oo ka digaayay Fudaydka nagu jiray.habeenkaa laga bilaabo Sh.Cabdiqadir Nuur Farax ilaa maanta hadalkiisa iyo Mawqifkiisu waa isku mid. ALLAH HA XIFIDIYO CULIMADA RABAANIYIINTA.

  3. masha alaah ilaahay adna ha ku xifdiyo anana ha naga dhigo kuwa xaqa fahma culimadeena waa rabaaniyiin hadii run la rabo dhalintase leh waa culumaa,usuu waxay ila tahay awr kooda ayay ku kacsanayaan iyaba way ogyihiin badan koodu xaqiiqda saxwada salafiga somaliya culumaa keentay intii horoo dhanna way saxnaayeen oo rabaaniyiin bay ahaayeen markay shabaab ka soo horjeestenna way xumaaden dhamantod !!! allaah qofku markuu hadlayo wanaagsanaa in uu garsooro

  4. Mashallah waa wax wax lagu qaato, Jazaakallah sheekh Axmednur.

Leave a comment

*