Dagaal iyo iska horimaad ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

February 23, 2012 - Written by

Afgooye:-Dagaalo culus ayaa caawa waxay ka socodaan duleedka magaaladda Muqdisho kaas oo u dhexeeya ciidamada AMISOM kuwa DFKM iyo Al-Shabaab dagaalka ayaa waxaa uu si culus uga socdaa xarumaha kala ah  Xeradii Asluubta, Xaafadda Xoosh iyo qeybo ka mid ah Jidka Warshadaha halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada AMISOM. Waxaa si weyn looga maqlayaa caawa duleedka magaalada Muqdisho sawaxanka madaafiicda iyo BM ka waxaana uu dagaalku yahay mid ay soo qorsheeyeen ciidamada Al-Shabaab iyaga oo laba jiho ka soo weeraray ciidamada AMISOM.

Ciidamadda Midowga Afrika ee AMISOM ayaa waxaa ku dhacay jahwareer waxaana ay Madaafiic u ridayaan dhinac walba waxaana dib loogu durkay fariisimahooda sida uu Halgan.net soo gaarsiiyey ilo wareed lagu kalsoon yahay oo ku sugan Ceelasha Biyaha.

Dadka Rayidk ah ee ku haray Deegaanada loo-barakacay ee Ceelasha Biyaha ayaa waxaa ay ka walaacsan yihiin in ay soo gaaraan Madaafiicda habowga ah ay tuurayaan ciidamada AMISOM.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
272829  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online