Dagaal Culus oo ka Qarxay Deegaanka Dalaayad ee Gobolka Jubada Hoose

February 7, 2012 - Written by

Kismaayo:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose  ayaa sheegaya in goordhow uu dagaal aad u culus uu ka qarxay  deegaanka Dalaayad oo qiyaastii 25-km dhanka bari kaga beegan degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada hoose ka dib markii ay ciidanka DFKM ,Kaambooniyiinta iyo kuwa Kenya ay dagaal ku qaadeen Deegaankaas .

Dagaalka ayaa ah mid culus oo ay ka qeyb qaadanayaan diyaaradaha dagaalka ee dalka Kenya ciidanka Al-Shabaab oo difaac kaga jiray  deegaanka Dalaayad ayaa si weyn isaga difaacaya weerarka ay soo qaadeen kooxaha huwanta ee wada socda iyaga oo raba in ay u talaabaan dhanka magaalada Kismaayo.

Dagaalka ayaa waxaa la isku adeegsanayaan labada dhinac hubka noocyadiisa kala duwan ilaa haatan si rasmi ah looma ogaan karo khasaaraha uu dhaliyey dagaalka iyo guulaha ay kala gaareen isgaarsiinta oo aad u xun awgeed.

Wariyaha Halgan.net ee magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in gurmad ay u direen ciidamada Al-Shabaab Deegaanka Dalaayad oo uu haatan dagaal culus ka socdo.

Deegaanka Dalaayad ayaa sadexdii maalmood ee la soo dhaafay waxaa isku horfadhiyey ciidamada DFKM Kaambooniyiinta ,iyo ciidanka Kenya oo isku dhinac ah iyo ciidamada Al-Shabaab waxaa ay diyaaradaha Kenya dhowr mar duqeeyeen deegaanka dalaayad saaka inta uusan dagaalka foolka foolka ah bilaaban.

Cabdi Yare
Kismaayo

Leave a comment

*

Archives
February 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
272829  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online