Dagaal ka qarxay deegaanka Deegaanka Sool-Joogto oo 25 km u jirta degmada Buuhoodle

February 8, 2012 - Written by

Buuhoodle:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Ceyn ayaa sheegaya in uu dagaal culus ka qarxay  Deegaanka Sool-Joogto ee duleedka Degmada Buuhoodle ka dib markii ay ciiamo ka tirsan S/lland ay soo weerareen fariisamo ay degaanka Sool-Joogto ku lahaayeen ciidamada degaanka Buuhoodle oo taageersan maamulka Kaatumo State Of Somaliya oo dhawaan
lagu dhisay magaalada Taariikhiga ah ee Taleex.

Deegaanka Sool-Joogto  oo 25 km u jirta degmada Buuhoodle ee gobolka Cayn ayaa waxaa isku horfadhiyey ciidanka deegaanka Buuhoodle oo taageersan Maamulka Khaatumo State iyo ciidanka S/land .Dagaalka saaka ayaa ku bilaawdey Madaafiic goosgoos ah oo la isk dhaaf saday labada dhinac.

Lama oga khasaaraha ilaa haatan uu dhaliyay dagaalkan ka socda  Sool-Joogto  ,hase ahaatee wariye madax banaan oo ay la hadlay Halgan.net ayaa sheegay in dagaalka uu socdo gawaarina laga qabsaday ciidanka S/land .Culumada iyo waxgaradka ka soo geeda gobalka Ceyn iyo Burco ayaa soo jeediyey in la joojiyo dagaalka micno darida ah oo ay ku dhimanayaan dad ehel iyo daris ah balse dhag jalaq looma siin .

M_M Deeq
Halgan.net

1 Comment so far

Leave a comment

  1. alle ha qaboojiyo colaada nin weerar ah iyo nin difaac ah midna uma fiicna.

Leave a comment

*