Dagaal xalay ka dhacay degaanka Geed-weyn oo ka tirsan gobolka Gedo.

February 25, 2012 - Written by

Luuq:-Waxaa xalay ka dhacay degaanka Geed-weyne oo u dhexeeya degmooyinka Luuq iyo Doolow ee gobolka Gedo dagaal u dhexeeya  ciidamo taageersan DFKM iyo cidanka Al-shabaab , dagaalka ayaa xalay qarxay ka dib markii fariisamo ay ku lahaayeen  ciidanka DFKM  degaanka Geedka-weyn ay weerar ku qaadeen ciidamo ka tirsan ururka Al-shabaab.

Dagaalka xalay ayaa waxaa ku dhintay sida ay sheegayaan warar hordhac ah ugu yaraan ilaa 10 qof oo ka tirsan dhinacyadii uu dagaalku dhexmaray oo kala ah ciidamada Al-Shabaab iyo kuwa DFKM oo ay taageerayaan ciidamada Itoobiya.

Dhinacyada dagaalamay ayaa mid walba waxaa uu saxaafada u sheegay in guul ay ka gaareen dagaalkii xalay ka dhacay degaanka Geed-weyne. Qaar ka tirsan dadka degaanka Geed-weyn oo la hadlay saxaafad ayaa u sheegay in dagaalka xalay uu ahaa mid aan waxba la iskula hari oo 2-da kooxood ee uu dagaalku u dhexeeya ay hubka kale duwan ay u isticmaalayeen dagaalka.

Dadka rayidka ah ee deganaa degaanka Geed -weyne ayaa bilaabay in ay ka barakacaan guryahood iyagoo ka cabsanaya in dagaalku uu saameyn ku yeesho nolashooda .

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
272829  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online