Dagaal xalay ka dhacay degmada luuq ee Gobolka Gedo

February 5, 2012 - Written by

Luuq:-Waxaa xalay ka dhacay degmada Luuq ee gobolka Gedo dagaal u dhexeeya ciidanka DFKM iyo kuwa ururka Al-shabaab , dagaalka ayaa waxaa uu qarxay ka dib markii ciidamo ka tiran ururka Alshabaab ay dagaal gaadmo ah ay ku soo qaadeen fariisamo ay ciidanka DFKM ku lahaayeen duleedka degmada Luuq.

Dagaalka xalay oo in mudo ah socday ayaa waxaa ka dhashay khasaaro soo kala gaaray 2-da ciidan ee uu dagaalku ku dhexmaray degmada Luuq ee Gobolka Gedo, 2-da dhinac ayaa waxaa ay isku adeegsadeen hubka fudud iyo kan culus dadweynaha ku nool degmada Luuq ayaa cabsi iyo welwel ka muujiyey dagaalka iyo colaad ka socota Gobolka Gedo.

Dagaalka xalay ayaa waxaa ku dhintay ilaa 10 askari waxaan ku dhaawacmay  in ka badan 5 askari oo ka tirsan 2-da ciidan ee uu dagaalku dhexmaray colaada ka socota Gobolka Gedo ayaa ku soo beegmaysa xili ciidamada dowladda Kenya iyo kuwa Itoobiya ay wadaan qorshe ay gacan ku siinayaan ciidamo Soomaali ah si ay u qabsadaan Gobolka Gedo iyo Gobollada jubooyinka oo ay ka taliyaan ururka Al-shabaab.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
272829  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online