Dhakhtar Dr.Faaris oo lagu dilay Koonfurta magaalada Gaalkacyo

February 1, 2012 - Written by

Gaalkacyo:Waxaa allaha u naxariistee koox hubeysan oo dhagarqabayaal ah ku dileen Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarun ta Gobolka Mudug Dhaqtar caan ahaa oo ka howl geli jiray Koofurta Gaal kacyo lana yiraahdo Dr. C/qaadir Maxamed Salaad laguna naanayso Dr.Faaris.

Dhakhtarkaan caawa la dilay ayaa gaari uu saarnaa waxaa rasaas huwiyey koox hubeysan oo markii ay dilka geysteen ay ka baxsa day goobta ,Dr Faaris ayaa waxaa uu gaarigiisa uu la marayey xiliga  kooxda hubaysan ay dileen agagaarka Hotelka Embassy oo ku yaal Koonfurta Gaalkacyo.

Afhayeenka maamulka Gal-mudug  Axmed Maxamed Baasto oo la hadlay saxaafada  ayaa u xaqiijiyey dilka lagula kacay caawa Dr. C/qaadir Maxamed Salaad oo ahaa dhaqtar ,dilka Dr. C/qaadir Maxamed Salaad  ka dib  ayaa waxaa Koonfurta Gaalkacyo laga dareemay kacsanaan iyadoo rasaas badan ay dhacday.

Ilaa hadda si cad looma hubo cid dishay Dhakhtar Dr. C/qaadir Maxamed Salaad  balse waxaa uu dhakhtarku ka mid noq day dad ahaa indheergaradkii iyo waxgaradkii kale duwanaa ee magaalada Gaalkacyo lagu laayey.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
272829  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online