Dhaq dhaqaaq ciidan oo saaaka laga dareemayo duleedka magaalada Muqdisho

February 14, 2012 - Written by

Muqdisho:-Wararka saaka naga soo gaaraya saaka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dhaqdhaqaaq ciidan laga dareemayo duleedka magaalada Muqdisho waxaana soo dhoobtay difaacayda ciidamada AMISOM ciidamo tiro badan kuwaas oo bilaabay in ay ku durkaan deegaanka  Sarkuusta oo u dhexeysa xeradii hore ee Asluubta iyo Jaamacadda Shabeelle oo ka fogeyn  deegaanka KM13.

Waxaa kale oo saaka xiran waddada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye, iyadoo dagaal laga baqayo waxaana baaraya gawaarida u kala goosheysa Muqdisho iyo Afgooye ciidamada DFKM iyo kuwa AMISOM.Ciidamada AMISOM iyo kuwa DFKM ayaa fariisin ka sameystay deegaanka  Sarkuusta oo aan meel aan sidaa uga fogeyn ay difaac kaga jiraan ciidamada Ururka Al-Shabaab

Ilaa iyo hadda ma jiraan wax iska horimaadyo ah oo dhacay, waxaana socda diyaargarow labada dhinac iyada oo qolo walba ay adkeysaneyso difaacyadeeda. Taliye ku Xigeenka Ciidamadda Midowga Afrika Audace Nduwumunsi, ayaa waxaa uu sheegay isbuucii la soo dhaafay  inay weeraro ku yihiin Degmada Afgooye, halkaas oo saldhig weyn u ah Ururka Al-Shabaab .

Afhayeenka ururka Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere ayaa wacad ku maray in ay iska difaaci doonaan duulaan kasta oo kaga yimaada  ciidamada AMISOM iyo kuwa DFKM.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
272829  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online