Diyaarada kuwa wax basaasa ah oo ku soo dhacday magaalada Muqdisho

February 3, 2012 - Written by

Muqdisho:-Diyaarad ah nooca wax basaasa ee loo yaqaan Drone ayaa ku soo dhacday magaalada Muqdisho gaar ahaan meel u dhow xerada barakacayaasha ee Badbaado, Ciidanka AMISOM iyo kuwa DFKM ayaa si dhaqso ah ku soo gaaray goobta ay diyaaradu ku soo dhacday waxaan ay qaadeen burburkii diyaarada. Diyaarada ku soo dhacday agagaarka xerada Badbaado ee magaalada Muqdisho ayaan ilaa hadda la shaacin wax khasaaro ah ka dhashay balse dadka barakaca yaasha ee ku nool xerada Badbaado ayaa arrinkaan waxaa uu ku abuuray cabsi iyo welwel.

Ma ah ,markii ugu horaysay oo diyaarada wax basaasta ee aan cidna wadin ay ku soo dhacdo gobollada Koonfureed ee dalka Soomaaliya gaar ahaan duleedka Muqdisho ,Diyaaradaha noocaan ah oo ah kuwa wax basaasa ayaa dhowr jeer oo hore waxaa ay gudaha Soomaaliya ay ku dileen rag ay ku tilmaameen in ay ka tirsan yihiin ururka Al-qaacid gacana siinayey ururka Al-shabaab ee dagaalka kula jira ciidanka AMISOM iyo DFKM.

Wixii faahfaahin ah oo ka soo baxda diyaarada ku soo dhacday  magaalada Muqdisho dib baan idinkaga soo tabin doonaa insha Allaahu

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
272829  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online