Diyaaradaha dalka Kenya oo duqeeyey degaano ka tirsan Gobolka Jubada Hoose

February 4, 2012 - Written by

Kismaayo: Diyaaradaha ciidanka cirka ee dalka Kenya ayaa waxaa saaka ay duqeyn u geysteen degaano ka tirsan Gobolka Jubada Hoose gaar ahaan dhul u dhexeeya degaanka Badhaadhe iyo Kismaayo,diyaaradaha dalka Kenya ayaa ayaa madaafiic ku riday tuulooyinka Xaliimo Cadeey iyo Buulo Xaaji. Dhulka maanta ay diyaaradaha ciidanka dalka Kenya ay duqeeyeen ayaa ah dhul howd ah oo ay ku nool yihiin dad beeraley iyo xoolo dhaqato u  badan lamana oga in khasaaro ka soo gaaray duqeynta balse waxaa warka oo faahfaahsan uu soo bixi doonaa saacadaha soo socda.

Afhayeenka ciidanka Milatariga ee dalka Kenya Major. Emanuel Chirchir oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegtay in duqeyntii saaka ay ku dileen ilaa 10 askari oo ka tirsan ururka Al-shabaab, Afhayeenka ciidanka Kenya Major Emanue ChirChir ayaa ku dooday in duqeyntii saaka ay la beegsadeen fariisamo ay ciidanka Al-shabaab ku lahaayeen degaano iu dhexeeya degmada Badhaadhe iyo Kismaayo.

Saraakiisha dhinac dagaalka ee ururka Alshabaab ayaan ilaa hadda ka hadal duqeynta saaka iyo guulaha ay ciidanka dalka Kenya , Raaskaambooni  iyo ciidamo daacadau ah DFKM ka sheegteen dagaaladii u danbeeyey iyagoo sheegtay in ay qabsadeen degmada Badhaadhe iyo kudhaa ciidankooduna uu hadda ku sii jeedo magaalada xeebta ah ee Kismaayo.

Cabdi Yare
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
February 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
272829  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online