Gaadiid ay leeyihiin ciidanka AMISOM oo ku jiiray is-goyska KM-4 wiil dhalinyaro ah

February 12, 2012 - Written by

Muqdisho:-Gaari kuwa dagaalka ah oo ay wateen ciidanka AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa jiiray wiil dhalinyaro ah oo marayey is-goyska KM-4 ee magaalada Muqdisho, Ciidanka AMISOM ayaa markiib ay jiireen wiilka aan istaagin dibna aan ugu soo noqon arrinkaas oo uu xaqiijiyey  afhayeenka AMISOM ee magaalada Muqdisho. Goob jooga ku suganaa goobta uu falku ka dhacay ayaa saxaafad u xaqiijiyey in ciidanka AMISOM ay wiilka yar ka jiireen madax ka dibna ay carareen iyadoo saacado uu wiilka yar meydiisku yaalay is-goyska KM-4 ee magaalada Muqdisho, falka ay ku kaceen ciidanka AMISOM ayaa ah mid dadku aysan la yaabin maadaama ciidanka AMISOM ay duqeyn iyo weeraro la beegsadeen goobaha ay degannyihiin dadka rayidka xiliyada weeraro lagu qaado fariisamahood.

Afhayeenka ciidanka AMISOM, Col. Paddy Ankunda oo la hadlay saxaafada ayaa xaqiijiyey in ciidankoodu ay jiireen wiil yar ah oo marayey  Isgoyska KM-4 ,afhayeenka ayaa sheegay in arrinkaas ay ka xun yihiin ayna tahay fal waxashnimo ah baaritaana ay si deg deg ah u samayn doonaa sidda ugu dhaqsaha badan. Ciidanka AMISOM ayaa dhowr jeer oo hore falal noocaan oo kale ah ka geystay xaafadaha magaalada Muqdisho dhibaatana u geystay dad rayid ah iyadoo arrinkaas ay ugu wacan tahay weerarada ay ku hayaan fariismahood ciidanka ururka Al-shabaab oo khalkhal ku riday iyo cabsi badan.

Wiilka yar ee gaariga AMISOM uu jiiray ayaa waxaa goobta ka qaaday ehelkiisa gaar ahaan hooyadiis iyo walaalihii iyagoo sheegay in wiilkoodu uu ahaa wiil yar oo ka shaqaysta jaadka waxaan ay baaq u jeediyeen madaxda DFKM iyo saraakiisha ciidanka DFKM iyagoo ugu baaqay in talaabo haboon ay qaataan ayna la xisaabtamaan Ciidanka AMISOM.

A/cawaale
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
February 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
272829  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online