Gudoomiyihii xaafadda Israac ee magaalada Gaalkacyo oo caawa la dilay

February 5, 2012 - Written by

Gaalkacyo:-Wararka caawa naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa sheegaya in kooxo hubaysan ay caawa ku dileen magaalada Gaalkacyo gudoomiyihii xaafadda Israac ee magaalada gaalkacyo  Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle salaadii cishe ka dib.

Laba nin uu ku hubeysan bastoolado  ayaa la sheegay inay dileen gudoomiyihii xaafada Israac ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo ka dibna ay si sahlan u baxsadeen ,waxaa horey loogu khaarajiyey magaalada Gaalkacyo  gudoomiyihii hore ee xaafadda Israac Axmed Cilmi Cismaan “Gaatax” 22-kii bishii Agoosto ee 2011 .

Dilalka Qorsheysan ee lagu khaarijinayo Masuuliinta Puntland iyo haldoonka Puntland ayaa laga nastay ka dib dilkii alaha u naxariisto Sheekh Dr Ahmed xaaji C/raxmaan ka dib markii howgalo badan oo lagu sugayo amaanka laga sameeyey magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
272829  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online