Hay’adda Samafalka Imaam Khumeyni oo ka bilaawdey shiicaynta dhalinta Soomaaliyeed

February 12, 2012 - Written by

Muqdisho:-Xaalada uu marayo dalka Soomaaliya ayaa waxay sahashay in qolo walba ay ka adeegato waxaana baryahaan si weyn loogu arkay hay,ado badan oo kala duwan kuwaas oo leh ajandooyin u gaar ah waxaase ishayda ay qabatay Hay’adda Samafalka ee Imaam Khumeyni ee dalka Iiraan taas oo caan ku ah faafinta madhabka baadilka ah ee Shiicada. Hay’adda Samafalka Imaam Khumeyni ayaa ka dhistay machad ay ku sheegtay in lagu baranayo  diinta Islaamka iyo xirfooyin kala duwan iyada oo dooneysa in dhallinta aan diinta aqoonin ay barto madhabka Shiicada iyaga oo isticmaalaya Tuqyo.

Machadka ay fureen Hay’adda Samafalka Imaam Khumeyni ayaa waxaa uu ku yaal degmada Xamar-weyne  waxaana furitaanka machadka ka qeyb galay Masuuliin iyo xidhibaano ka tirsan baarlamaanka DFKM. Cabdul-Zahar Al-Saciidi oo ka mid ah madaxada  hay’adda Imaam Khumeyni ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in Hay’adda Samafalka Imaam Khumeyni ay machad ka hirgaliyaan Muqdisho isaga oo sheegay in machadka uu bixin doono Shahaadooyin kala duwan.

Dowladda Iran ayaa awood iyo dhaqaalo badan galisay Soomaaliya si ay uga faa,iidaysato dowlad la.aanta iyo dagaalada iyo dacwadii Salaf ka oo sidii hore u socon si ay ugu faafiso Soomaaliya Madhabka Shiiciga ah.

C/casiis Maxamed
Halgan-net

4 Comments so far

Leave a comment

  1. Alloow Sahal Umuuraha! Walaalayaal ma ahan in aad la yaabtaan arrintan waayo dadkii diinta ehelka u ahaa iyagiibaa isku mashquulay.Marka Alle ayaa u maqan Umaddan Somaliyeed.Aqoonyahankeedii golayaal fadhi ku dirir ah ayay ka dhamaan waayeen oo “Guri gubanaya ayay shuruucdiisii ka doodayaan, halkii looga fadhiyay in ay dabkaa damiyaan marka hore” Umad waxaa badbaadiya horyaalkeeda,balse Somalida horyaalkeeda waa kuwo usoo shaqo tagay in ay ka macaashaan dhibka umadda haysta.

  2. ma jirto musiibo ka weyn oo waayahan la soo deristay shacabka soomaaliyeed in maanta shiico ay si geesinimo leh ugu dhiirato inay mabaadiideeda inxiraafsan ee haddamada ah ka fidiso dalka soomaaliyeed oo maanta ah hilib bisil oo haadda iyo bahalladu dhinac kasta kasoo hororayaan, mas,uuliyadda arrinkana waxaa qeybaha ugu waaweyn dusha u ridanaya aakhiro iyo adduunba nimanka isku sheegay inay diin ilaahay u gargaarayaan ee inta qori shanshada ku dhegey ka tallaabsaday wax walboo shacabkaan lagu sabata bixin karey oo diintooda iyo dalkoodaba ku ilaashami lahaayeen waa (Alshabaabe).
    Bal ilaahay baan idinku dhaarshaye 20 sano oo hore oo soomaali soo baaba,aysay weligeed shiico ma soo dhexgelin dadka soomaaliyeed kumana aanay soo dhiirran inay si sidaan u cad ugu soo tafaxaydato inay manhajkeeda shiiciga ah ku faafiso oo waliba xarun abadi ah uga furato caasimadii dalka, waxaan oran karaa waxa u sahlay ee shacabka u nugleeyey inay aqbalaan hawaan ilaa xaddaas ah waa ururkaan Alshabaab ee soomaali intii soo hartay godka ku arooriyey ee khabiith kastaayi wadaantiisa usoo ritay, waxaan soo xasuustaa kelmadii sh maxamed idriis ee ku cabbirayey xaalka soomaaliya halka uu marayo muxaadaradiisii qiimaha badneyd ee ahayd ” in Habar kastoo liidata oo meel kastoo liidatay oo caalamka ah ka timid ay gorgorinayso soomaaliya oo araxda tuujinayso” maantana mad-habkii khabiithka ahaa ee khumeyni ayaaba kusoo dhiiraday inuu ka dhaqan galo muqdisho…wallaahul-mustacaan.
    nacam way u ahaatey taasi maxaadse kala yaabtaa waxaabad arkeysaa sida ay usoo noolaadeen khuraafadii 20 iyo dhawr sano aan kayaanka ku lahayn soomaaliya ee xiddigoodii dhacay inay hadda damaashaadyo waaweyn oo dawlad dabaaldegeysa oo kale ah ay ku damaashaadayaan caasimadaha caalamka eega waxa ka dhacay Nairobi iyo kampala ee suufiyo ay usoo rogaal celisay, eega sida hay,adaha kanasigu ay si cad oo aan gabbasho lahayn diintooda ugu bandhigayaan shacabka soomaaliyeed ee baylahda ku ah xeryaha qaxootiga ee dalalka deriska ah nafbaasta kula cararay markii ay ka quusteen dalkoodii iyo dadkoodiiba kuwii qabqablayaasha iyo kuwii wadaadada ahaa lagu soo baqan lahaaba, waxaa kaaga daran in shacabkii maanta uu xataa miciin biday oo Itoobiyaankii iyo gaalo madowdii ay weligood lasoo halgami jireen.maxaad kala yaabtaa kolka nin isagu dadkuba aanay xaqiiqadiisa dhabta ah aanay wax saas ah kala soconin oo muslim sheeganaya ( waa shiicadee)oo shacab baahi iyo silac la kufaa kacayey ku yiri wax baan idiin qabanayaa…kuwii halkaas dhigayna ay inta darbiga ka boodeen ay toodii maanta ku ciirsan tahay diin ay u gargaaraan iskaba daaye uu xaalkoodii marayo ilaahayow i bixi oo haddana si cad ay u sheegteen inay qeybtii soomaali ay ka haysteen ay dabada ugu xireen doonta laga hagayo afghanistaan iyo 10naan kun oo km ka shishe…..hadal wuxuu kusoo koobayaa hadalkii ninkii gumeysiga ka ooyey ee yiri “aan ooyee Albaabka ii xir”

  3. Waa arin layaab leh oo aad looga xumaado,
    culumada iyo dhamaan dadka xariisiinta ah waajibka ka saaran ayaa ah in laga hortago caqabadan cusub, madahabka shiiciga ah si daqiiq aha yuu bulshada ugu faafaah, wadamada khaliijka ee hada ay isku balaarsheen qaar kamid ah sida baxreyn iwm qarnigii laso dhafay dhamaadkiisa nisbo yar bay ku bilaabmatay shiicidu balse mudo aan 20sano kayar wxay isku day een iney nisbo weyn ku yeesheen dhulalakaas, taas waxay ifin in madahabaka shiicigu ka khatarsan yahay madahaabita kale waayo wa madahab jaah iyo maal lagu faafinayo labadaasna nafta aan imaanka laheyn wa ay iska qaadan, koleyba kuwa shiicada aan waxba dhaamin baa dalkeenka joogay oo somali hadan nahay suufiyada ayaa shiico inoo ahaan jirtay balse hada kuwa iyaga ka daran baa food ina so saaray ee walaalayaal arinkaan xog hoolaga hortagao, hada inta ay sahalan tahay haddi aan wax laga qaban dhawr sano kadib ayaa la arki donaah somaali badan oo shiico isu badashay, marka
    1: culmada dacwada
    2: dhalinyarada ardayda
    3: aqoonyahanka dalka
    4: waxgaradka iyo ismida
    ilaahay waajibka uu saaray ayaa kamid ah in diinta la dhawro oo maqsad sharciya ah kan ugu weyna ah, ee hala kacoooooooooooooooy

  4. asc walal ine shiico ka furato wadankeena qeeyb ay dhalinteena
    ku barto mabda ooda qaldan wexe kamid tahay masiibada wadankii ku dhacday
    iyo dayaca ladayacay dadki iyo doorkii lagu bari laha dadkeena diinta
    islaamka alaha wax ka baryeena inuu na barqabto dadka soomaaliyeed ne
    waxaanku dhihi lahaa iska jira shiico iyo afkarteeda mahan dad walaalahiin ah wa dad cadowku ah islaam meel walboo ay joogaan wa dad diidan nabi muxamed (scws)qof walboo diidan suubanaha (scws) xukunkiisa wuu cad yahay soomaaline hadii iiraan ay maqasho wexeey umaleeyaan dad muslin ah oo weey u hiiliyaaan lakiin nasiib daarada wexeey tahay dadka soomaaaliyeed ma ogo wexee tahay iiraan waxaan idin dhihi soomaaliyeey iska jira gaalada oo iska jira iiraan wa isku mid iiraan iyo reer galbeed inee idiin kala sokeeyaan ha u maleenina wabilaahi toowfiiq ascwwr

Leave a comment

*