Hogaamiyaha Al-shabaab oo shaaciyey in ay ku biireen ururka Al-Qaa’icda

February 10, 2012 - Written by

Hogaamiyaha ururka Al-Qaacid Dr Ayman Dawaahir ayaa shalay si rasmi ah u shaaciyey in ururka Al-shabaab ay ku biireen ururka Al-qaacid , Cajal lagu faafiyey barta Inter netka ee lagu qoro wararka Al-qaacid oo uu ka soo muuq day Hogaamiyaha ururka Al-Qacida Dr Ayman Dawaahiri iyo cod lagu lifaaqay oo uu leeyahay hogaamiyaha ururka Al-shabaab Axmed Cabdi Godane (Abu Zubeyr) ayaa waxaa ay sheegeen in ay dadka Islaamka ay farxad gelinayso talaabadaan ay ururka Al-shabaab ugu biireen  urur ka  Al-Qacida iyadoo arrinkaas ay ka caraysiinayso  dadka gaalada ah.

Guddoomiyaha ururka Al-shabaab  Sh Axmed Cabdi Godane (Abuzubeyr ) ayaa sheegay in uu isagu yahay askari ka mid ah ururka Al-qaacida  balan uu la galay Hogaamiyaha ururka Al-qaacida Dr Ayman Dawaahiri , Hogaamiyaha ururka Al-shabaab Sh.Axmed Cabdi Godane (Abu Zubeyr) ayaa sheegay in uu isaga oo wakiil ka ah ururka Al-shabaab iyo madaxdiisa uu Bayco ama balan la galayo ururka Al.qaacida arrinkaas oo uu soo dhaweeyey Madax ururka Al-shabaab Dr Ayman Dawaahiri.

Hogaanka Ururka Al-shabaab ayaa horey u sheegtay inay wadashaqan ka dhexeyso ururka Al-Qacida, bishii Junna sanadkii hore ka dib markii ciidanka Maraykanka ay dileen Hogaamiyihii Al-Qacida Shiikh Osman Bin Laden iyagoo sheegay in ay adeecayaan amiirka cusub ee loo magacaabay Al-Qaid ee Dr Ayman Dawaahiri.

Dadka u dhuun dalool dhaqdhaqaaqyada  Islaamiga ah ayaa iyagu horay u ogaa  in ururka Al-shabaab iyo Madaxdiisu ay wada shaqan  buuxda ay ka dhexeysay ururka Al-shabaab haddan aysan noqon wax lala yaabo in ururka Al-shabaab uu si toos ugu biiro ururka Al-Qaacid.

A/cawaale
Halgan.net

12 Comments so far

Leave a comment

  1. ACWW. ALSHABAAB IYO ALQAACIDA WAA DAMEER IYO LABADIIS DHEGOOD! ALLAAH KHAWAARIJTA CASRIGAN HAYNAKA QABTO, KII ALLE HANUUN UQORAYNA ALLE HA TOOSIYO, KIIKALENA ALLE SHARTIISA IYO INXIRAAFKIISA HAYNAKA FOGEEYO “MEEL DARAN IYO MINAN JAANNA ALLE HAAW TUURO”. LI ANNA FIKIR TAKFIIRI, KHAARIJI, XAGJIR AH AYEY FAAFINAYAAN, WAXAYNA UMARAYAAN JID WALBA XAQ IYO BAADILBA, WAXAYNA XAQDARRO KU DAADINAYAAN DHIIGGA MUSLIMIINTA.

    UMMADDA SOOMAALIYEEDNA WAA UMMAH MUSLIMAH, AHLU SUNNAH BILCUMUUM, SHACAB WA DAWLAH. AQBALINAMAYSO TAKFIIRI IWM AH INSHA,LLAAH.

    FII AMMAANILLAAH
    WWW

  2. acww
    horta ma la hubaa in ayman uu si dhab ah u aqoonsaday alshabaab mise waa wax alshabaab soo malmaluuqay oon sal iyo raad lahayn?
    hadii si dhab ah loo hubiyo oo ay xaqiiqo noqoto in ayman alshabaab aqoonsaday, alshabaab hada ka dib waa la yaqaan meesha loo raaco iyo fikirkooda, waxaana kugu muhimsan kitaabta alqaacida kuwan
    1-alcumdatu fii icdaadilcuda-al imaam
    2-aljihaad wal ijtihaad-abu qataada alfalastiini
    3-idaaratu altawaxush- abu bakar alnaaji
    waana afkaar marna ayna culimada iyo ummada soomalidu aysan u dulqaadan karin laguna qasbi karin.
    laakiin hadii waxani yahay wax aan sal lahayn oo ay soo dhoodhoobeen alshabaab waxay arintaasi albaabka u furaysaa tuhunkii laga qabay alshabaab cida ay yihiin.
    Culimada soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxaa la gudboon in ay qaadaan talaabooyin camali ah oo ka tarjumaya dariiqa toosan.
    Ethiopia,Kenya,Maraykan iyo alshabaab qaybta takfiirka ah waa khatarta ugu badan ee soo wajahaysa ummada soomaaliyeed loogana baahan yahay culimada soomaaliyeed in ay xal u keenaan.
    Hadaan alshabaab la colowno oo aan dayno ethiopia,kenya iyo maraykan waxay noqon in aan cadowgii daraa daynay mid yarna aan xooga saaray,ugu yaraan waa in isku si loo dagaalamo.
    wcww

  3. @ Ibeaahim sheekh
    wallahi shakiga adiga kugu jira ana wuu igu jiraa waxaaban ka shakiqabaa alqacida inuu yahay urur uu maraykanku usamaystay islaamka si uu dhulkooda ugu qabsado markay hadlaanba uudhoho wakuwaas nimankaan sheegayay meelkastoy kuduulaan waxay ugu mar marsiiyoodaan alqacida
    alqacidaduna mid khayrle mahoo meeshay gashaba dadka way ku baabi isaa wax ay gaalayso oo ay rido ku xukunto iyo wax ay xabadeeda kudisho unbay u qaybisaa wuxuu shaki kaa gali war nimankani yay u dagaalamyaan yayse la dagaalamayaan ma gaal bay col la yihiin mise muslim bay col la yihiin kala garan maysid arintan hada soo baxdayna way iska cadahay waa shirqool labada dhanba ay shacabka udhigayaan .
    illahay baa umdan u maqan dhankasta waa lagaga yimid qolakastaana waxay ka talinaysaa bur burkeena iyo baa bi’inteena

  4. Ibraahim, walaal waan kugu taageersanahay arrimaha shakiga ku galiyey xaq baad u leedahay inaad is waydiiso, anigana laftayda waa wax aan in badan is waydiiyey waayo Alshabaab waa koox in lagu ciqaabo soomaaliya loo sameeyey isla markaana laga maamulo meelo aan la aqoon isla markaana dadka sheeganaya inay hogaamiyaan waa magac u yaal isla markaana loo yeeriyo hadalka ay idaacadaha iyo warbaahinta ka sheegayaan. Markaa su’aasha meesha taalla waxay tahay Alshabaab ayagoon Alqaacida ku biirin ayaan aragnay dhibkooda ee markaas haddii ay ku biiraan alqaacida maxay samayn doonaan?

  5. a/c walalayaal waxaan ku fikir ahay ebraahiim waxaa iswaydiin mudan maxaa kooxahaan is maqiiqa iyo kaq iskatuurka kawada simay? waayaab xagee sunnada ooga jirtaa qar iskatuur iyo madax adayg waxa lagu madax adaygayana waa ahlul cilmigii iyo rabaaniyiintii hadhowna waxaa la orandoonaa BOOLOSAANA waanu qaldanayn maray xeero iyo fandhaal kaladhaceen

  6. Asc wr wb … Taladii shabaab haday toora boora ka dhacday, tolow yaa ka daba tegi doona,
    ayadooo lala yaabanaa sababta ina godane la muuqan waayey, tolow hadii asaga la qanciyo xagee laga helayaa dawaahiri.

    Taladii haadaan bay ka tuureen, aaanse sugnoo , aragnooo hadiii soomaali ogolaato in nin dhuumanaya oo carab ah oo meel uu joogo la aqoon in ay amar ka qaataan ….

    Waxaase yaab badan si sanka la isaga geliyey, hadaa dad badan loo layn doonaa, alqaaciduu ka hor yimid, ama fikirka qaacida ma aaminsana …

    Iska suga, maraaay tolotaba

    ALLOW NOO SAHAL ..

  7. Waxaan marka hore wax ka oranayaa hadalka ah in Alshabaab ay ku biireen ururka Al-qacida waxaan oran karaa taasi ma filayo in ay wax weyn kusoo kordhinayso saaxada soomaaliya, waana hadal ujeedo gooni ah laga leeyahay ulajeedada looga golleeyehayna waxaa weeyaan wax hogaamiyeyaasha kooxdaani Alshabaab ay doonayaan inay niyadda ugu dhisaan ciidamadooda khalalka iyo jabka weyni kasoo foodsaarey dagaalada ay kula jiraan kooxaha kala duwan ee isku soo bahaystey la dagaalankooda sida AMISOM DKMG RAASKIYANBOONIYIINTA iyo dhinacyada kaleba sida muuqatana ururka alshabaab oo dib u gurasho weyn oo maalin kasta ah ku jira waxaa ay lumiyeen oo gacantooda ka baxay magaalooyin iyo goobo badan oo gacantoodii ku jirey illaa gebi ahaanba magaaladii muqdisho ahayd si xoog ah loogaga saarey iyo gobolada dalka qeybo ka mid ah haba ugu dambeyso magaalo istiraatiiji ah oo ay waayeen last week taasoo ahayd BADHAADHE, taasoo ah waddada ugu halisan ee dhanka koonfurgalbeed kaga imaanayesa magaalada kismaayo khatar weyna ku ah qabsashadeeda, marka uruka alshabaab maadaama guuldarrooyinkaas is xigxigayi qabsadeen oo waliba in badan oo ciidamadooda ka mid ah ay maalin kasta ka baxsanayaan amaba isku dhiibayaan DKMG ayaa xilligaan waxaa ay u arkeen in ay inta hartey iyo baaqiga niyadooda u sameeyaan wax ay weheshato ,iclaamin la iclaamiyo in lagu biiray ururweynaha Alqacidana waa mid ka mid istiraatiijiyadda kala duduwan ee qaadada urukaan Alshabaab ay ku badbadalaan khidadkooda, mase aha mid wax weyn soo kordhinaysa xagooda oo ma jiro xoog siyaasi ama mid millateri oo ugu soo kordheysa ku dhawaaqidooda arrinkaas.

    Sababta aan saas u leeyahayna waxaa ay tahay Alshabaab awal horaba 100% awaamiirtooda iyo taladooda waxaa laga soo maamulayey khaarijka oo rimout-cotrol ayaa lagu hagayey mana ahayn wax iyagu ay maamulaan taasina ninkii raacraacayey arrimaha soomaaliya sanadadaan dambaba waa dareemi karaa, hadaan waxyaabo arrimahaas ku tusinaya tusaale ahaan usoo qaato:
    1-ninkii xasuusta ayaa xasuustee 2008kii markii itoobiyaanku wadanka ka baxeen waxaa magaalada muqdisho isugu yimid culimo soomaaliyeed oo ahaa intii ugu caansaneyd uguna indheergaradsaneyd kuwaas oo halkaas ku sameeyey hay,adda culimada soomaaliyeed soona saarey bayyaan weyn oo ku aadanaa dhinacyadii hubeysnaa ee kusoo harey saaxada soomaaliya iyo sidii loo gaari lahaa heshiis wada jir ah loogana hortegi lahaa wax isku dhac ah dalkana shareecada islaamka loogu dhaqi lahaa, sidoo kale waxaa ay talo kasoo jeediyeen in ciidamada watey magaca AMISOM ee dawladii c/laahi yuusufi keentay ee ka yimid Ugandha iyo Burudi oo markaas tiradoodu gaareysay qiyaastii illaa 2000-3000 loo siin laha fursad ay dalka kaga baxaan oo ay u qabteen muddo illaa 4bilood ah laakiin nasiib xumo taladaas iyo bayaankaas waxaa cagta ku dhuftay oo wax kama jiraan ka soo qaadey hogaamiyihii hore ee Alqacidda (usama bin laden) oo markaas noolaa ka dib markuu mudo usbuuc ka yar kusoo direy jawaab uu leeyahay ” yaan la dhegeysan nimankaas culimada isku sheegay ee aan waxba la soconin” isagoo markaas hadalka ku wadey ururka Alshabaab, hadalkii kaas ku xigeyna waxaa uu kasoo yeeray hogaamiyaha Alshabaab Axmed godane oo halheys ka dhigtey ” LABBEYKA YAA USAAMAH)wuxuuna soo direy hadal dheer oo uu kaga hor imanayo bayyaankii culimada uuna ku tilmaamey in ay yihiin ” culamaau suu” markaasi kaasi waa markhaatiga ugu xooga badan ee ku tusinayo in Alshabaab kolkii horeba ay majaraha u hayeen ururka Alqacida.
    2- kan labaad waxa ay ahayd markii abaarihii macluusha watey dhaceen ee shacabkii soomaaliyeed dersin dersin u la,deen ee nin walba meeshii uu beegsan karey beegsadey macluusha daranina ku habsatey dalka haba ugu sii darnaadeen goobihii Alshabaab gacanta ku haysay, waxaa ururka alshabaab ku dhawaaqeen in dadka soomaaliyeed cid kastoo u gurman karta ay usoo gurmato gaalo iyo islaamba waxaana sisaad yiri oo shir jaraaid kaga dhawaaqey sheekh cali dheere, laakiin waxaa la yaab yeelatey in usbuuc ka dibba ay hadalkoodaas badaleen oo ay yiraahdeen soomaaliya macluul saas loo buunbuuniyo kama dhicin sidaas darteed waan ka noqonnay goaankii hore waxaanay halkaas ku mamnuuceen hay’adihii ay markii hore fasaxeen waa isla usbuuc gudihiise, taasi waxaa ay marka ku tusineysaa in amar dusha kaga yimid oo lagaga hor imaadey ogolaanshaha ay hay’adaha u ogolaanayaan goobaha ay gacanta ku hayaan.
    3-tan sadexaad sida la wada ogyahay ragga hadda hogaamiya ururka Alshabaab (Axmed godane iyo ibrahim afghan ) labaduba waxa ay ka yimaadeen 90meeyadii waddanka afganistaan oo tababarro ay kusoo qaateen sida wararka lagu hayo illaa maalinkaas illaa maantana waxay wakiil ka ahaayeen ururka alqacidda, oo talo iyo tusaaleba ay u joogaan, marka hadalka waxaan kusoo koobayaa Alshabaab awal horeba waxaa ay ahaayeen Agent fulinaysay danaha Alqacidda ee soomaaliyeed sidaasaa ku biiritaankooda hadda ay leeyihiin waanu ku biirnay uusan u keeneyn macno weyn, kaliya sida aan soo sheegayna waa mid looga gaolleeyahay in niyadda loogu dhiso dhallinyarada xaaladdu imika ku xuntahay ee dabka lagu gurayo, waxaan iyadana meesha laga saari karin ujeedo tan ka weyn oo ah tan uu tilmaamey al-akh Ibrahim sheekh oo runtii tuhun weyn ku galin karta….si kastaba ha ahaatee ilaahey shacabkaan soomaaliyeed ha ka qabto hagardaamooyinka kuwo badan oo cadawgeeda ah oo isugu jira kuwo shaarar kala duwan qaba wabbillaahi tawfiiq.

  8. Hadan somali nahay alqacida wan jeclan jirnay wagi hore wayo bbc unban kamaqli jirnay waxan uheysanay dad islamka masul ka ah hada xarada ayey noguso galen wanabaranay waxey yihin tolow intey islam ama masakin layen iyo intey gal cadow ah dilen yabadan? Hadad latalisana adeyba kutuhmayan wana kudilayan hadana

  9. asalamu caleykum w
    walaalayaal arimahan noocan ma cusba,
    waana wax shaki weyn igu abuuray. ee an isweydiiyay alqacidadu mayhiin sida aan moodno ama naloo sheego marwaliba .
    shakigu wuxuu yahay maxaa marwalba kulmiya (WEYSHA IYO WEEDHA)
    MARWALBEE GAALO DOONTO IN AY SOMALIYA ARIMO WAAWEYN KAFULISO ,waxaa soo baxa arimo hordhac iyo gogol xaar looga dhigo, howshooda, ood moodid , in ayba meeshu wada shaqeyni kajirto, BILLAAHI CALEYKUM ufiirsada ,USAMA wuxuu sheegay 1993 dagaaladii muqdisho kadhacay in ay iyagu wax kawadeen.,
    xilligii ethoobiyo dalka kusoo socotay waxaa laga soo hormariyay ,cajalad usama kasocota , hadeeroo shir sheydaan ladoonayao in lagu qabto london si operations loo sameeyo waxaa laga soo hormariyay AYMAN ALZAWAHIRI IYO ABUZUBEYR waad ogaan doontaan
    fariintaan uu soo diray waxey noqondoontaa TOPIC ugu muhiimsan shirka. WAXAANA laga dhigan doonaa HALKUDHI AH (THEY HAVE UNITED) WAA MIDOOBEEN sidaa darteed xaqbaan uleenahay in aan ku duulno somaliya ,
    waayo wadamada badan ee shirka ku casuuman maba garanayaan waxa layiraahdo ALSHABAAB marka si loogu qeexo waa inuu maga guud noqdaa ALQACIDA , WAXAAN DAREEN SANAHAY WALAALo BADAN OO KATIRSAN kooxda shabaab inaanay ku baraarugsaneyn , waxa meesha kasocda ,ALLAAHU ACLAM.
    HADAL KEYGU Wuxuu kusaleysanyahay su`aalo aan in badan isweydiiyay iyo tuhun iga galay kooxahan EE MAAHAN hadal aan leeyahay waa wax lahubo ,
    wabillaahi towfiiq

    • walaalayaal soomaaliyey waa la idiin tashaday idina waad hurudaan ee hurdada ka kaca oo dalkiina iyo x
      diintiina difaacda.
      waa suaale yaa xilkeen u diibey al shaydan iwm.
      walaalaha somaaliyeed waxaan ugu baaqayaa in khatarta so socota loo midoobo

  10. waa tii ay ku baabi lahayeen o ay somalia uga guuri lahayene ragaan allhaa naga qabto cadowga umada somaliyeed inta gacmaha la isqabsado halmar ka cdoon ha lagu sameeyo

  11. Waa wax lagu farxaa oo ilaah loga mahdiya in muslimiintu hashiis kugalaan daba galinta iyo hirgalinta suu koonka uga tali laha sharciga eebe waxana umah celinyaa amiirkeena somaliya sh.abuzuber alaha xafide iyo amiirka guud ee mujahidiinta dafaha dunida wada joogo ilaah ha ina sugo

Leave a comment

*