Jaamacadda ESU QARDHO oo lagu qabtay qeybtii labaad ee Bandhig Cilmi Baaris(Sawiro)

February 26, 2012 - Written by

Qardho:-Iydoo dhawaan si rasmi ah Jaamacdda Bariga Soomaaliya ay u daah furtay barnaamij bandhiga cilmi baaris oo la doonayo in arday Jaamacadda iyo weliba dadka aqoonyahanka ah ay baaritaan ku sameeyaan sidii looga qeyb qaadan lahaa horumarka degaanka. Barnaamijkaan ayaa waxaa si weyn looga hadlay qaabka ay dunidda maantay horumarka u sameeysay iyadda oo tusaale loo soo qaatay dalal badan oo maantay caalamka horumaray ah.

Eng. Yuusuf Cali Xidig oo ka tirsan Aqoonyahanka u dhashay magaalada Qardho ayaa si weyn uga hadlay sida dalka maantay ay horumarka u sameeyaan, isaga oo sheegay in jirtaanka dal ama da’diisa aysan ku xirneyn horumarka uu dalka gaaro. Dalka Masar iyo India oo jiray 2000 oo sanno ayaa waxaa ka horumarsan, dalka Austriala iyo kuwa badan oo ka tirsan Yurub oo jiray 150 Sanno keliya, isaga oo sheegay in Maantay Qardho oo degmo loo aqoonsaday 82 sanno ka hor aysan weli gaarin halkii la rabay. “Maantay dadka Soomaalida ah waxa ay aaminsan yihiin oraahda ah , We are in this state because we see something done wrong and say “Let it be” oo ah in dadka maantay wax walba oo khalad ah aysan isku dayin xataa in ay wax ka qabtaan, ayuu barnaamikiisa si weyn uga hadlay.

no images were found


Cali Maxamed Cali Maamulaha Jaamacadda ayaa isaga sheegey in baaristaan ay waxa weyn ka tari doonto guud ahaan shacabka Qardho in ay isbedel dhab ah lagu sameeyo xagga horumarka degaanka. “ Ninka Qardho ku korey waxaa uu la mid yahay 100 qof, waayo waa mid leh han libaax oo kale oo shacabka uu la nool yahay waxa badan ayuu kaga duwan yahay xagga fekerka iyo hamiga, waayo Qardho raggii Soomaaliya taariikhda ku lahaa oo dhan ayaa ka soo jeeda” ayuu yiri Cali Maxamed Cali.


Barnaamijkaan ayaa waxa uu noqnayaa mid wax weyn ka tara guud ahaan shacabka, iyadda oo si rasmi ah qeybta Cilmi bariista ee Jaamacadda ESU ay u hirgelin doonto in magaaladda wadooyinkeeda iyo weliba bilicda magaaladda.Dhawaan ayaa la filayaa in ay arday Jaamacada ay soo bandhigan qeybtii ugu horeysay cilmi baaris ay ku sameeyeen guud ahaan magaaladda Qardho, sida uu sheegay Cabdiraxman Maxmed Cali “Black” Afhayeenka Ardayda Jaamacadda Bariga Soomaaliya.
Waxaa hubaal ah in magaalada Qardho ay leedahay arrimo badan oo horseedi kara inay si tayo leh u korto una saan-qaaddo horumar hadii qurba joogta u dhaltay Qardho ee dibaddaha jira ay gudaha ka sameeyaan maal gashi, sida magaalooyinka kale ee puntland ay qurba joogta u dhaltay horumarkeeda uga qeyb qaateen.
Waxaa laga ma maarmaan ah in qaabka horumarintu noqdo mid lagu asteeyo qorshe marxaladaysan oo ballan qaadaya horumarinta degmada si ay u noqoto geyi cammiran oo soo jiita maal-gashiga, ganacsiga,mashaariicda adeegyada, kuwa xanaanada xoolaha, warshadaha iyo kaabayaasha la xiriira,taasoo u baahan in si hagaagsan loo maalo khayraadka iyo fursadaha degmada ka jira ee uu Eebbe ku mannaystay uguna hiiliyey.
Xafiiska Warfaafinta Jaamacadda Bariga Soomaaliya
 info@eastsomaliauniversity.com
www.eastsomaliauniversity.com
Qardho-Soomaaliya

1 Comment so far

Leave a comment

  1. s/c
    xaqiiqatan aad ayaan ugu farxay jaamacadaan qiimaha badan ee qardha iyo durbadiiba dadaalka iyo dardarta ay bilaawday
    waa hubaal hadalka sxbkay cali in hal qof oo reer qardhaa uu i00 udhigma asaga ayaaba kow ka ah kkk
    si walbaba guul ayan leeyahay iyo good ruselt
    s/c

Leave a comment

*