Ma La Wada Arkay Shirkii London? WQ:Sh.Maxamed Sh.Cabdiraxmaan Kaariye

February 27, 2012 - Written by

Malcolm X oo markii dambe magaciisa u bedelay Al-Xaaj Maalik Shabaas ayaa yidhi isagoo wax ka sheegaya sida ninka madoobi ugu wax la’aa Ameerikada cad sida hoos ku xariiqan: I’m not going to sit at your table and watch you eat, with nothing on my plate, and call myself a diner. Sitting at the table doesn’t make you a diner, unless you eat some of what’s on that plate. Being here in America doesn’t make you an American. Being born here in America doesn’t make you an American.” [Malcolm X Speaks, Selected Speeches and Statements; Edited with Prefatory Notes By: George Breitman; P: 26].

Tarjumada hadalkiisuna waa sidan:

“Ma fadhiisanayo miiskaad wax ku cunayso si aan kuu daawado adigoo wax cunaya, iyadoo aanay saxankayga cunto ku jirin, oon haddana  is moodo inaan wax cunayo. Inaad fadhiisato miis wax lagu cunayo kuma noqotid qof wax cunaya haddii aanad wax ka cunayn cuntada saxanka ku jirta. Inaad Ameerika joogtaa kaa dhigi mayso Ameerikaan. Inaad Ameerika ku dhalatayna kaa dhigimayso Ameerikaan”.

Hadalkani waxa uu wax badan ka sheegayaa maqane jooga walba oo arinkiisa iyo taladiisu gacanta ugu jirto nin kale.  Xaaladda Soomaali dii looga yeedhay Shirkii London ee uu hindisihiisa lahaa Ingiriisku ayaa noocan la mida, waayo  inkastooy meesha  ka muuqdeen haddana taladooda iyo ra’yigoogu labaduba way ka maqnaayeen miiska talada lagu gooyey.

Barta internetka ee Hiiraan-oline ayaa lagu qoray war dulicdiisu tahay sidan: “Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Meles Zenawi oo markii uu shirku dhamaaday la hadlay warbaahinta ayaa shaki ka muujiyey shirka isagoo sheegay inuu maqlay in warmurtiyeedka shirka laga soo saaray la qoray ka hor intii aan shirka la qaban.”

HOL waxay sheegtay inuu Meles Zenawi yidhi: “”Inkastoo aan rajeynayo in shirkan qodobbada ka soo baxay ay wanaagsan yihiin haddana waxaan maqlay in war-murtiyeedka shirka la qoray intii uusan shirkuba qabsoomin”. [Jimco, Feberaayo 24, 2012 (HOL)] Waxa jira wejiyo  kala duwan oo lagu fasiri karo hadalkan ka soo yeedhay Meles iyo ujeedada uu ka lahaa, haseyeeshee, waxa inaga khuseeya xogtan u baahi yay waa inuu kashifay sir  ay qariyeen Soomaalidii  loogu yeedhay shirkaasi  taladiisa hore loo soo go’aamiyay.

Shirka ka hor ayaa waxay saxaafada iyo dadka faaqiday mustaqbalka shirkaasi sii sheegeen  arinkan Meles Sanaawi kaga dhawaajiyay. Taasina waxay inoo tilmaamaysaa in waxa keliya ee nimankaasi loogu yeedhay uu ahaa in lagu dul akhriyo go’aano hore loo soo gaadhay iyo in joogistooda laga dhigo shaambad ama tiimbaro beena oo lagu soomaaliyeeyo shirka iyo go’aanadiisa aan lagala tashan.

Sharaxa keliya ee laga bixin karo arinkani waa inuu ahaa afgambi lagu inqilaabayay doonista, talada iyo aayatiinka Soomaalida oo la rabo in loo gacan geliyo shisheeye.

Qof walba oo wax ka yaqaana ama in uun khibrad u leh abjadiyaadka ama (101ka) qaabka, hanaanka, habka iyo dariiqada go’aan qaadashada iyo xallinta mashaakilku (decisionmaking process and problem-solving techniques), khaasatan sida loogaga dhaqmo dalalka Reer Galbeedka, wuxuu garan karaa in sidii shirkani u dhacay iyo khudbadihii laga akhriyay daaha ka faydayaan in ajandihiisa lagu soo falanqeeyay goloyaal kale, go’aanadiisana lagu soo go’aamiyay kulamo ay albaabadu u xidhnaayeen!

Lama sheegin meel lagaga niqaashay ajandihiisa, lama arag meel loogu codeeyay go’aamadiisa, lamana  yaqaano meeshii lagu doortay iyo ciddii dooratay gudiyadii loo saaray dejinta,  falanqaynta iyo u codaynta ajandihii iyo go’aamadii shirkani ka soo baxay ee la doonayo in lagu fuliyo dadka Soomaaliyeed.

Miyuuna qaabka shirkani u dhacay xitaa lid ku ahayn diimuqraadiyada Galbeedka oo ku baaqda in go’aanada dadka khuseeyaa u dhacaan qaab shafaafiyad leh oo muuqda oo dadku ka qayb qaataan (system of transparency and public participation). Maxaad u malaynaysaa hadduu arinku khuseeyo dad iyo dal xornimadiisa iska leh, oo dowlado kale ku sameenayaan fara-gelin qaawan oon geedna loogu soo gaban? Taasi miyayna kuu sheegeen munaafaqada Galbeedka iyo siyaasadiisa laba wejiilaha ah? Jawaabtu way caddahay.

Madhaafaanka runtu waxa weeyi in Shirka London uu ahaa afgabmi iyo afduub la doonayay in lagu xado arinka, qadiyada, talada iyo aayatiinka dadka Soomaaliyeed ee Muslinka ah. Ragii ka qayb galayna doorka ay ku lahaayeen maxfalkaasi ma dhaafsiisnayn suudhadhka qaaliga ahaa ay ku labisnaayeen iyo dadaalka xooga leh ay ugu jireen inay ka dhex muuqdaan sawirada sidii rag iyagu arinka gooynayay ama talo ku lahaa! Waxana ku dhaboobaya hadal uu lahaa shaacir Carbeed oo yidhi isagoo tilmaamaya qabiil laga itaal roonaa  oo arimahooga la go’aamin jiray iyagoo golaha ka maqan, hadday joogaana  laga warsan lagalana tashan:

ويقضي الأمر حين تغيب تيم*** ولا يستــــأذنون وهم شهـــود

 

WQ: Sh.Maxamed Sh.Cabdiraxmaan Kaariye Faafinta Qoraalada
Sheikha Waxaa ay Gaar u tahay Alyaqiin.com iyo Halgan.net

13 Comments so far

Leave a comment

  1. Assalaama Caleykum Waraxmatulaahi Wabarakaatuhu.

    Mahad Idaylkeed Allaah swt baa iska leh, naxariis iyo nabadina ha gaadho Rasuulkeenii Muxammed Ibnu Cabdillaah iyo intuu ku raacday wanaaga iyo ixsaanka ilaa maalinta dambe ee Allaah swt loo noqonayo.

    Run ahaantii Qoraaladda Sh Maxammed Sh Cabdiraxmaan Kaariye wax badan baan ku celceshaday si aan dulucyo iyo marino badan ka eego, waana qoraal run ahaantii umadda soomaaliyeed iyo tan islaamka ee dhibkani haystoba tusikara, hagi kara, isla mar ahaantaa ka badbaadin kara dhibaatooyin badan oo hada haysta iyo kuwo kuwoo food lehba.

    Sidda walaaladda qaar ay soo qoreen waxaad iyaddana aad moodaa in dad badan aanay muudsanin qaar badan oo ka mid ahaa dulucdii iyo ahmiyadii uu sheekhu soo qoray oo sida aan u fahmay ahayd in shirkaan soomaalida loo waadixiyo wuxuu ku salaysnaa, muuqaalka iyo duubka sare aan arkaynayna hoos looga daadago. Walaalka Maxammed Geele jazaakallaahu khayral jazaa waxaa uu na soo hordhigay su’aalo jawaab nooga baahan, waliba culimadda cilmiga arimahaan fahmaya sida Sh M Sh C/Raxamaan Kaariye uu u ban baxo si umaddu u fahamto cidda maanta na qaribaysay, kufsanaysay, dhibaataynaysay, dilaysay umadda soomaaliyeed culimadeedii, caruurteedii, waxgaradkeedii, caruurteedii.

    Waxaan Sheekh Maxammed uga mahad celinayaa qoraaladiisan, waxaana ka arday ahaan codsan lahaa inay qoraaladdu socdaan oo sannadahan dambe culimadii baa qalinka qaadatay, hala cadeeyo manhajka salafka isaga oo qoraal ah, hana la gaadhsiiyo dhamaan meelaha wax lagu qoro oo uu ka mid yahay webkeena halgan.net.

    Ugu dambayntii waxaan mahad iyagana u celinayaa walaalaha halgan oo na soo gaadhsiiyay qormooyinka baal dahabiya in lagu qoro u baahan ee culimaddu na soo gaadhsiiyaan iyo walaalaha sida xushmadda leh ugu niqaashay goobtaan.

    Maxammed Ibraahim Cawad ( Abuuhureyra )
    Xidhiidhka Dhinaca Culimadda
    Altaqwaa Islamic International

  2. Asc. Bacda salaan dadka qaarkii dulucda hadalka ama qoraalka..qoraagu hadafkuu kalahaa maba fahmin. Sheakha jazamullahu kheyran. wuxuu un iftiimiyi dhagarta gaalada. Iyo shirkii london maxaa lagu duldhisay. Maxeesa tahay ujeedka laga lahaa ikhwaani digdigta iyo sida adiga kula qurxoonate hala iska daayo. Waxaa intaas kasii daran. Ujeeedka qoraalka oo laluminaayo.

  3. Bismilaah, walaal Mohamed Geele salaan midda ugu sharaf badan ayaan ku salaamayaa waana Asalaamu calaykum. walaal maqaalkaaga waan kugu raacsanahay 100% khaasatan mida hormarka bulshada ka anamaa inaad maskaxdayda ka qodhay laakiin aan u soonoqdo nuxurka naqaashkii hore.
    Hadii aan ka doolo paragraph kaaga 1 aad sidaad utiri hadii loogu sheego sidii maxaakiimtii naloogalin inkastoo ay eeda wax ku lahaayeen cirka iyo dhulkana waanagala xirin oo nala cuna qabatayn hadii siyaasad lagula macaamilana mayeelayaan la,ana waa inaad danahooda kashaqaysaa laguna tababaraa waxaan sidaa uleeyahay hal ama toban 1 or 10 ayaa umad badali kara saasoy tahay boqollaal iyo kumanaan adoo kale ah ayaan haysanaa mana larabo in lalahadlo uguyaraan waa inaad madaxda carabta oo kale tahay sida Mubark, Qadafi iyo kuwa africa intooda badan waana soo marnayoo waa meeshii nagala soo galay ee carada allaah nagu dhacday hadase dadka aqoontooda diineed ayaa hormartay marka ma umalaynayo in sida reer galbeedku rabaan shaqaynayso waana sidaan horey usheegay waxaanahay umal kooda jaahilka ah tukado waxyaalaha musuqmaasuqa ah ama korabshaka waa jecelnahay laakiin soomaali gaalnimo inay aqbasho waa adagtahay dhalin badan alshabaab fikir kooda ka soohorjeeda uraacay gaalnimo iyo gumaysi diid caqiidadooduna saxantahay.

    Ilaahow nasug.

  4. After salaanta Islaamka, walaal Amina waad mahad santahay. Sheekha 100% ayaan fahmay arintu uu ka hadleyna 100kiiba 200 waa sax.
    waxaa la yiraahdaa qasri ama dawlad ama caasimad ma qabsankaraan ciidan dibada ka soo duula ilaa ciidanka difacayaa daciifaan ama is khilaafaan. Arintayda haddaan si kale u dhigo waxay ahayd sidan;-
    1. goormey somaalidu oran dalkan anaga ayaa leh oo sun, gaalo iyo xaalufin uma rabno.
    2. goor may garan inay yihiin muslim, walaalo Ilaahna nimcooyin badan siiyay.
    3. goormey is kaalmeyn oo kooda da’da ah, ama sebiga ah, ama islaamaha xaamilka ama da’da ah loo hiilin.
    4. goormey joogsan anigu aan guleysto adna khasaar.
    5. goormaa la ogaan in qofkasta oo somaali ah inuu muhiim yahay iyada oon loo eegin qabiil, dhaqaale ama xoog.
    6. goormaa ixtiraam gaar ah oo sare la siin Culimada diinta iyo kuwa cilmiga maadiga, waayo dadka raaca dadkooda aqoonyahanada, wax garadka waa ay hor mareen, cilmiguna haddii la fahmo laguna dhaqmo, wuxuu qayb weyn ka qaataa nabada, dhaqaalaha iyo caafimaadkaba, aakhira waad og tihiin wanaaga culimada.

    anigoo ka faaideysanay fursanadaan waxaa talo iga ah sidan;-
    1. dadka aan masuulka ka nahay ee qurbaha keenay aan ilaalino diintooda, aana kucaawino dalalka ay joogaan inay waxka bartaan, si beri naftooda iyo dalkoodiiba wax ugu taran.
    2. caruurtiina la socda waxbarashadooda, kana caawiya wixii ku adkaada waayo caruurta soomaalida waxaa lagu amaanay faham wanaag,waalidku sidii soomaliya yaaney u fakarin.
    3 caruurtiina kula taliya inay bartaan maadooyinka muhiimka ah sida sayniska iyo xisaabta si ay u bartaan hadhow caafimaadka, macalinimo, xisaabiyayaal, pharmacy iyo wixii la xiiriira.
    3.caruurta ay ku adkaato maadooyinkani yaan la khasbin waayo caruurtu isku faham ma aha ee koorasyo farsamo haloo raadiyo si ay ugu shaqeystaan siiba wiilash.
    4 caruurta intay yar yihiin halaga caawiyo qorida iyo akhrinta luqaha ,Somnaliga, carabiga iyo tan dalka ay jogaanba, ogaadana luqada hooyo waxay fure u tahay fahamka cilmi yada kale.
    5.waxaa la sheegaa dhalinta ku jira xabsiyada 100kiiba 4 ayaa form buuxsan kara, waana tan keentay inay ka tagaan waxbarashada.
    inaga waxaa laynaga rabaa inaan dalkii kula noqono islaamnimo iyo aqoon.

    iga raali ahaada qormadan dheer oon waliba khusayn arintii laga hadlayay (this artcle comes from heart).
    Ustaad Mohamed(Geele)

  5. To Maxamed Geele walaal qoraalkaaga waan akhriyey waxna waa sax waxna ma saxna la,anna aduunkaan waxaa la cayaaraa politic siyaasiya matalan hadii adigu aad damacdo inaad somaliya wax uqabato ama shirarka ka qaybgasho laguuma ogala what so ever hadaan la is,idhatiraynin waayo ninkasto wax garad ah oo dadkiisa udanqanayaa warqadihiisa miiska hoostiisa laga tuurayaa miyaad maqashay Cabdi Ismaaciil samtar looma ogala shirarka somalida inuu ka hadlo sidookale wiil arimaha qaxootiga ka shaqeeya oo seattle,wa jooga waa loodiday shirka Londan waayo ajendaha shirka iyo asagu islama socdaan. Sababtu waxaa weeye somaliya waa wadan kooda jaahilka ah uu tukado oo islaanimo ka qoyantahay aduunkuna waxay rabaan dawlad calmaaniya marka islamashaqayn karaan waxaan waa wax illaahey wato in aduuku isbadalo ama somalidu isbadasho maa hee marka sh qoraalkiisa fahan khayr alaha kusiiyee.

  6. maxamed geele qoraalka uu sooqoray commentiga waa dahab
    ee qofwalba akhari

    mahamed geele thunks

  7. Sheekha qoraladiisa laga daali mayo, sheekh umal baa markuu fasirayay ayada 54aad ee suurada Zukhruf wuxuu ku tacliiqiyay in-hadal macnihisu ahaa-in mujtamac walba haday xun yihiina mid xun madax looga dhigayo haday fcnadan oo toosana mid wanagsan ilahay uga dhigayo, wa tacliiq qiime badan qofkii raba ha radiyo . Marka hadan annagu fcnano kuwo fcn ba ilahay Madax nooga dhigayaa,hadaan xumanana dee mid anaga naga mid ah baa horkaca noo jiidaya!

  8. Sheekh salaanta islaamka ayaan kugu salaamey, ka dib qoraalaada hadda ayaa igu horeysa runtiina aaad u sareyaan, qofka khriyaana ka daali maayo. Laakiin waxaan ka xumahay dadka aad leedahay diintooda iyo mustaqbalkooda ayaa la afgembiyay xagee jogaaan, ma waxaad ka shekeynaysaa Saudi Arabiya ama masar ama Turkiya. dadka aad ka hashey 20 years yaa qixinayay?, yaa kufsanayay, yaa dawlad iyo heshiis ka hortaagnaa, warlordskii ku ciyaaray human rights ma ingiriis bay ahayeen, kuwa hadda ka laynaya saraakiisha, culimada iyo macalimiintu yaya yihiin, miyaaney wiilasheenii ahayn, mujaahidiinteenii ahayn.
    yaa diin inoo diiday?
    yaa ina yiri isu dila isuna dhaca sidaa loo kal xoog weyn yahay?
    yaa dumarka iyo caruurta qaxinaya?
    yaa somaaliya dawladnimo udiidan?
    yaa inay dalkoodii dhistaan udiidan?
    diinta Somaaliya aad ku sheegtay ee loo didan yahay inaan ku dhaqano, maxaa waxaad ka hadleysaa masaajida iyo kitaabada, labaduba yurub waa yaaliin dadkana xaquuqdooda laguma xadgudbo oo sharci iyo kala dambeyn ayaa ka jirta. Aniga waxay ila tahay dambiga somaali gaashay yaan dad kale la saarin diintuna taa ma qabto. Ingiriis waan naqaan qodobada shirkana inay diyaar ahayeen qof kasta aa ogaa oo dadkuna sida aroos ayay markhaati ah ayeen waxaase nasiib lahaa haddey jireen qolo wax ka ogaa. waxay ila tahay canaanta qolada ubaahani waa shacabka iyo madax ku sheega somalida ee ma aha dad shisheeye. dawladeenii inaag burburiyay qabyaalad ayaa maanta ina gaarsiisay in sidaa layna yeelo ee xal ma u haynaa. haddey tahay maya dumarka iyo caruurta somaliya ku haray aan ka soo qaadano. fii amaani laah.
    Mohamed Geele

  9. qoraaga waxaan odhan lahaa wakhtigii soomalidu cid kale eedayn lahayd waa lasoo dhaafay ee waa in culayska la saaraa sidii umadan loo wada hadal siin lahaa gaar ahaan qoladan hadda alqaacida ku biirtay waa in culayska lagu saaraa inay umadooda wax la qayb sadaan .

    wax macno ah samayn mayso ninkii aabayaasha gumaysan jiray inaad tidhaahdo wuu i khiyamaynayaa!! oo maxaad ka filaysay !!.

    soomaalidu iyadu ha is eedayso wixii ka khaldana ha saxdo caadifadana ha joojiso .

  10. Sh Mohamed sh abdirahman kaariye xayaakallaah wa bayaak sida waanagsan ee hadalka u dhigtay ilaahey ha inaga yeelo kuwii garta dhagarta gaalada ay maleegayaan iyo dadka magac u yaalka laga dhiganayo ee xidhan shaararka somalinimo qalinkana lagu saxiixayo taasi wa iska cadahay allaaaaaaaaaaaaah ha naga so gaadho umadan nagu soo wada yaacday ee islaamnimadeena ka dhimanaya ilaahow na sug o no gargaar aamiin yaa allaaaaaaaaaaaaaaaaaaaah

  11. scw
    walaal khayr alaha wayni ha kaasiiyo, miisaanka xasanaadkana alaha wayni ha kugu daro

  12. ASCWB Sheekh waa runtaa markaad tiri,”Maxaad u malaynaysaa hadduu arinku khuseeyo dad iyo dal xornimadiisa iska leh,” Laakiin SOMALIYA maanta xor ma’ahan.CATTOW hada waxba na tari maayo. Hadaan kaftamono hada talada LONDON bay ka imaneysaa awal SODERE iyo tuulooyin xabashi bey ka iman jirtay. Ilaa ruuxa somaliga tooso arinkoodana toosi maayo waa sunnaha ilaahey. hada fursad baa jirto mujtamaca Soomaliga lagu toosiyo caruurta si fiican wax haloo baro

  13. mumina
    xasbunulaah wanicman wakiil waxaan dhamaanteen shaahid ka noqonay in soomaaliya xeeradii lagu ritay oo la isugu wacday. asheeq al faadil maxamed kaariye jasaa kalaahu qayran baraarujinta waanaagsan.

Leave a comment

*