Madaxweynaha DFKM Shariif Sheekh Ahmed oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

February 26, 2012 - Written by

Muqdisho:-Madaxweynaha DFKM Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho kadib markii ay ka soo qeybgaleen Shirkii lagu qabtay magaalada London ee xarunta dalka Britain

Madaxweynaha DFKM Shariif Sheekh Ahmed ayaa markii uu dalka ku soo laabtay ayaa saxaafada la hadlay waxaana uu u sheegay in shirka London uu guul ku soo dhamaaday waxaana uu ugu baaqay ciidamada DFKM iyo xulufadooda in ay adkeeyaan amaanka goobaha ay ka saareen Al-Shabaab .

Madaxweynaha DFKM Shariif Sheekh Ahmed ayaa waxaa uu si rasmi ah u sheegay in goobaha ay qabsadeen ciidamada dalka Itoobiya lagu wareejin doono ciidamada AMISOM wuxuuna intaas raaciyey in ciidamada Itoobiya ay ka bixi doonaan goobaha ay haatan ku sugan yihiin markii lagu wareejiyo ciidamada AMISOM.

Xaalada dalka Soomaaliya ayaa marba marka ka danbeysa sii fogaaneysa iyada oo dhibta ugu badan ay gaareyso dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan waxaana dad badan ay is weydiinayaan waxa ay ku kala duwan yihiin ciidamada AMISOM iyo kuwa Itoobiya iyada oo qolo walba ay wadato ajanda u gaar ah oo ay ka leedahay dalka Soomaaliya.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
272829  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online