Madaxweynaha DFKM Shariif Sheekh Ahmed oo xafiiskiisa ku qaabilay William Hague

February 2, 2012 - Written by

Muqdisho:-Madaxweynaha DFKM Shariif Sheekh Ahmed ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hogaaminayo  xoghayaha arimaha dibadda ee dowladda Birtain William Hague oo saaka Muqdisho  soo garay.

William Hague iyo wafdigiisa ayaa waxaa ay u yimaadeen magaalada Muqdisho sidii ay madaxada DFKM uga dhaadhicin lahaayeen ajandaha shirka ay marti galinayso Birtain kaas oo lagu wado in uu ka furmo London 24-Feb 2012.

Markii uu soo idlaaday kulankii ay wada qaateen Madaxweynaha DFKM Shariif Sheekh Ahmed iyo hoghayaha arimaha dibadda dalka  Ingiriiska William Hague  ayaa waxay la hadleen saxaafada waxaana uu sheegay Mr.William Hague  in madaxweynaha DFKM Shariif Sheekh Ahmed in uu ka aqbalay ka qeybgalo shirka  ka dhici doono London 24 Feb 2012 kaas oo looga hadli doono arimaha Soomaaliya.

no images were found

Madaxweynaha DFKM Sheekh Shariif ayaa la hadlay saxaafada wuxuuna sheegay in uú ku faraxsan yahay in wafdiga ka socda dalka Birtain ay soo gaaraan Muqdisho wuxuuna ka gudoomay sidoo kale waraaqdii  aqoonsiga safiirka cusub ee Dowladda Ingiriisku u soo magacawday Soomaaliya .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
272829  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online