Madaxweynaha DFKM Shariif Sheekh Axmed oo khudbad ka jeedshay shirka London

February 23, 2012 - Written by

London:-Madaxweynaha DFKM  Sh.Shariif Sh.Axmed ayaa khudbad ka jeediyey shirka ka socda magaalada London kaas oo lagu gorfeynayo arrimaha Soomaaliya . Madaxweynaha DFKM Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa codsaday in laga qaado dowladiisa  cunno-qabteynta hubka, si ay dowladiisa u soo celiso kala danbeyntii .

Madaxweynaha DFKM Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa khudbadiisa ku akhriyey afka carabiga waxaana uu uga hadalay arrima badan oo ay ka mid yihiin guulaha ay dowladiisa ka gaartay dagaalka ay kula jirto Ururka Al-shabaab isaga oo sheegay in magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobollada dalka laga saaray Ururka Al-shabaab .

Madaxweynaha DFKM Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo kale ka codsaday beesha caalamka in laga caawiyo dowladiisa sidii ay ula dagaalami lahayd kooxaha burcad badeeda wuxuuna balan qaaday in dowladiisa ay fulin doonto wixii ka soo baxay Shirkii Garoowe 2 iyo heshiiska Roadmap kaas oo qeexayey in dowlad loo dhan yahay la dhiso marka la gaaro bisha August 2012.

Madaxweynaha DFKM  Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa Ugu dambeyntii wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay shirka haatan ka socda London in ay ka soo baxaan arrimo dhaxal gal ah oo xaliya Muskilada Soomaaliya.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
272829  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online