Madaxweynaha Puntlland oo dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe

February 7, 2012 - Written by

Madaxweynaha dowllada  Puntland Dr. Cabdiraxmaan Faroole ayaa maanta waxaa uu dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntlland,Madaxweynaha Puntland ayaa markii uu ka soo degay Garoonka diyaaradaha ee Garoowe waxaa uu saxaafada uga waramay socdaalkii uu ku tegay dalalka Imaaraadka carabta iyo Jabuuti.

Madaxweynaha dowllada Puntlland Dr.Cabdiraxmaan Faroole ayaa waxaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Garoowe ku simaha Madaxweynaha Puntlland ahna Madaxweyne ku xigeenka Puntlland Gen. Cabdisamad Cali Shire, madaxweyne ku xigeenka Puntlland Gen Cabdisamad Cali Shire ayaa warbixin kooban oo uu bixiyey ku sheegay in degaanada Puntlland ay ka jirto nabad marka laga reebo colaad ka aloosan degmada Buuhoolde ee Gobolka Cayn oo hadda nabad badan aysan weli ka taagnay.

Madaxweynaha dowllada Puntlland Dr.Cabdiraxman Maxamed Faroole ayaa warbixn kooban ka siiyey saxaafada isagoo sheegay in safarkii uu ku tegay dalka Imaaraadka looga hadlay arimaha burcad badeeda Soomaalida, maadaam dalka Imaaraadka Carabta uu gacan ka siiyo dowllada Puntlland tababarka ciidanka badda ee loogu talagala in lahgula dagaalamo burcadbadeedka ,waxaa kale oo Dr Faroole xusay in dowllada Imaaradka uu kala hadalay arrimaha ku saabsan Batroolak maadama arrimahaas ay u leeyihiin khibrad ku filan waxaase uu ku gaabsaday wixii uu kala hadlay in Golayaasha dowllada uu faahfaahin ka siin doono.

Madaxweynaha dowllada Puntlland ayaa mar uu soo hadal qaaday shirkii ICG ee ka dhacay dalka Jabuuti waxaa uu xusay in shirkaas uu ku dhamaaday guul la is lana qaatay midnimada dalka Soomaaliya in ay tahay muqdas. waxaa kale oo uu sheegay in dowllada Puntlland lagu casumay in ay ka qayb gasho shirka ka dhacay London ayna tegi doonaa  loona baahan yahay in laga tashto wixii soomaali lala qaybsan lahaa iyo wixii gaar u ahaan lahaa Puntlland.

M_M_Deeq
Halgan.net

 

 

 

Leave a comment

*

Archives
February 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
272829  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online