Madaxweynaha Puntlland Dr Cabdiraxmaan Faroole oo lagu soo dhaweeyey London

February 21, 2012 - Written by

London:-Wafdi ka socda Dowladda Puntland uuna hogaaminayey Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiraxman Maxamad Maxamud ayaa xalay [20 Feb 2012] ka soo degay Magaalada London halkaasoo loogu balansanyahay inuu ka furmo Shirweyne caalami ah oo ku saabsan arrimaha Somalia.Wafdiga Puntland waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Gen. Cabdullahi Axmed Jamac (Ilkajir), Wasiirka Waxbarashada Md. Cabdi Farax Siciid (Juxa), Wasiirka Warfaafinta Md. Axmed Cali Askar, Wasiiru-dowlaha Xiriirka Caalamiga Md. Cabdulqadir Cabdi Xaashi, Gudoomiyaha Guddiga Doorashada ee Puntland Md.Maxamad Xasan Barre, iyo sarakiil ka tirsan Madaxtooyadda Dowladda Puntland.

no images were found

Wafdiga Puntland ayaa waxaa garoonka Heathrow International Airport kusoo dhaweeeyey Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Ingriiska (Foreign and Commonwealth Office – FCO) iyadoo Wafdiga loo galbiyey Qeybta VIP-da ee garoonka Heathrow.

Intaasi ka dib ayaa Wafdiga Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiraxman Farole waxay la kula kulmeen gudaha garoonka dayuuradaha xubno ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada London halkasoo Madaxda Dowladda Puntland si weyn loogu soo dhaweeeyey.

Shirka Caalamiga ah ee arrimaha Somalia ayaa furmi doona 23 Feb 2012 iyadoo ay ka soo qeybgali doonaan in ka badan 50 Dowladood. Shirkii Dastuurka Somalia (Garowe II) ayaa lagu soo gabogabeeyey xarunta Dowladda Puntland ee Garowe maalintii Jimcaha 17 Feb 2012, iyadoo ay Madaxda Somalia shirkaasi ku saxiixeen Garowe Principles II oo ah heshiis qeexaya habsocodka barnaamijka Dastuurka

Federaalka ee Somalia.

Communications Office

The Puntland Presidency

Puntland State of Somalia

E-mail:

info@puntland-gov.net

Web:

www.puntland-gov.net

Leave a comment

*

Archives
February 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
272829  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online