Dowro diini ah oo lagu soo gabagabeeyey Masjidka Ramadaan ee magaalada Gaalkacyo

February 5, 2012 - Written by

Gaalkacyo:-Masjidka Ramadan ee ku yaala xaafada Garsoor ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa lagu soo gabagabeeya Dawro diini oo halkaasi ka socotay mudo 10 cesho ah.Dawradan diiniga ah ayaa loo qabtay arday da dhigta Dugsiyada sare ee Magaalada Gaalkacyo waxaana Duruus isugu jirtay waano iyo wacdi siinayay culumo kala duwan oo loo soo xulay inay ka qeyb qaataan dawrdani diiniga ah ee lagu soo gabagabeeyay Masjidka Ramadan.

Xafladii Gabgabada Dawradan  Diiniga ah ayaa ardaydii gashay kaalmaha hore waxaa la gudoonsiyay abaalmarino kal gadisan kuwaasi oo isugu jirey Kutubo Qu’aan ah, Risaalooyin Cilmi ah iyo sidoo kale albunno qur’aan ah oo loogu talagaya inay ardayd dhageystaan,waxaana hadalo qiiro leh ka soo jeediyay xaflada culumo kale duwan kuwaasi oo ardayda kula dardaarmayay inaysan lumin waxyaabihii ay ka faa’id een dawrda.

Culumadii ka hadashay xafladii lagu soo gabagabeeynayay dawrada  waxaa ka mid ahaa Sh.Dr Aadan Maxamed Cigaal oo ah Gudoomiyaha Gudiga Dacwada Gobalka Mudug waxa uu si qota dheer uu uga hadlay ahmiyadii laga lahaa dawradii diiniga ahayd ee loogu talagalay inay ka faa’ideystaan ardayda dhigata Dugsiyada sare ee magaalada Galkacyo waxa uuna kula dardaarmay dhamaan ardaydii ka qeybqaadatay Dawrada inay sii gudbiyaan waxyaabihii ay ka faa’ideen dawrada intii ay socotay.

Xafladii xiraanka dawrada oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa ugu dambeyntii waxaa Abaalmarino kal duwan la gudoon siiyay ardaydii nasiibka u yeelatay inay ka qeybqaataan dawrada,waxaana tirade ardaydu ay gaareysay ilaa 100 arday oo ka kala socday Dugsiyada sare ee Magaalada Gaalakcyo ee Xarunta Mudug.

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
272829  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online