Maxaa ka jira Eedeynta ay soomaali usoo jeedinayso dowladaha adduunka.

February 5, 2012 - Written by

Leicester :-Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah, naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeenii ayeey korkiisa ahaatay. Ka dib dhammaan akhris tayaasha sharafta iyo qadarinta mudanoow iga gudooma salaanta islaamka ah ACWW.Tan iyo burburkii Soomaaliya kolkii ay dowladii dhexe meeshaa ka baxday 1991kii, akhbaarta dalkeena ka soo yeeraysay waxa ay aheyd mid midda kale ka daran oo isku day walboo la sameeyo waxbaa laga sheegayey ama waa la durayey illaa aakhirka la fashiliyo. Waan qirayaa oo waa wax jira in ay faragelin shisheeye ay nagu jirto, waan qirayaa in dano badan nalaga leeyahay, waan qirayaa in aan naloo ogoleyn in aynu madaxa kor u soo qaadno, laakiin su’aasha waxa ay tahay yaa siiyay fursadaas oo laga faa’ideystay. Waxaan filayaa haddii aan la helin jawaab sax ah ama aan runta haba qaraaraatee aan la sheegin in weligeen aynu sidaas ku sii jireyno.

Waa wax jira oo dunidoo dhan ay soo martay in waddan walbaa uu ka dhaco dagaalo sokeeye, laakiin markiiba la xaliyo ama ay ummado kale u soo gurmato oo la helo xal. Annagu waynu isleenay oo waynu kala tagnay, aqoonyahanadeenii, waxgaradkeenii, culumadeenii iyo qof walboo doonayey in uu ka shaqeeyo wanaaga Soomaaliya waxa ay noqdeen wax la laayo iyo wax waddankii kasoo qaxay iyo inta hartay oo gacan ku gabad ah. Iyadoo loo jeedo qaladkii ayaa haddana leyska indha tirayaa oo qof sheegaya ma arkaysid sida runtu tahay. Ummad waliba waa ay leedahay dad wanaagasan oo mar walbaa ka taliya wanaaga iyo kuwo xun oo had iyo jeer leysaga hayo hangool oo waliba qaarkood xabsiyada loo taxaabo. Innaga hadeynu nahay Soomaali waxa aynu leenahay dad aad iyo aad u wanaagsan oo wanaag doon ah, nasiib daro waxa naga batay caadifada aynu u heyno qabiilka iyo danaha gaarka ah oo qof la ogyahay waxa uu ku sugan yahay ayeynu ku taageeraynaa xumaan uu u bareeray. Sidoo kale qof wanaagsan oo wanaag doon ah ayaa looga hor imaanayaa qabiil hebel ayuu ka dhashay.

Haddii aad gurigaaga dayacdo oo aadan albaabada u xirin oo wixii soo galaba aadan ka hadlin, Haddaba ogoow gurigaas ma badbaadiyo oo wax walboo jira ayuu halis u noqonaya. Haddaba sidee ayaad ku fekertay waan daneysanayaa oo haddii aan aqoonyahan ahay ama aan ahay qof uu Allaah hanti siiyay sidaan doono ayaan u soconayaa oo waxba igama gelin waxa dhacayaa, haddana waxaan rabaa in uu waddankeeygii ii badbaado, runtii waa labo aan meel wada geli karin. Waddanka adiga dayacay, adiga iska qaban waayey kaaga xun, adiga walaalkaa u arkay cadoow, adiga dhulkaagii kala fadilay, adiga kaaga wanaagsan u arkay shisheeye, adiga kii waddanka wax u qaban lahaa ka shaqeeyay sidi loo qaarijin lahaa, adiga hantidii waddanka ka dulaalaya, adiga dadka qaar yiri waa laangaab, adiga keenay in Soomaali ay is cunsuriyeeyso. Haddaba maxeynu u eedeynaynaa umadaha kale, waa lagu soo hunguriyeeynayaa qof wanaagaaga jecel iyo mid ku necebba. Waddan ma jiro adduunka oo ay dhibaato ka dhacdo. Illaa wuu kasoo kabsadaa. Waa yaabee adiga maxa ku heystay, hoos ma isu fiirisay.

Aayad quraan ah ayaa micnaheedu wuxuu ahaa { ha I eeydeyninee, ee idinku eedeeyaa nafsaddiina}, annagu aynu xisaabtano oo
aynu fiirino waxa naga qaldan. Waxaan aaminsanahay haddii aynu la nimaano xisaabtan dhab ah oo aynu iska qabano caado qaataha, gacan ku dhiiglaha cidduu doonaba ha u dhashee, kan dalkii gadanaya, kan nakala qeeb qeebinaya, kan cunsuriga ah ee nagu dhex jiraa, kan aan Allaah aaminsaneen ee dantiisa iska wata iyo mid walboo xun oo nagu dhex jiraa. Sidoo kalena aynu soo dhaweyno qof walboo wanaaga wada oo naga mid ah oo aynu u aragno Soomaali meeshuu doono haka yimaadee oo fiican qof walaalkay ah, oo magaalooyinka uu waddanka ka kooban yahay ay isku kaaya mid noqdaan, oo mar walbaa aad taageerto wixii xaq ah, kadibna aad Allaah talo saarato markaas ayaad gaareysaa heer lagaa heybeysto oo aan si sahlan laguu soo dhex galin. Soomaali maanta waxa ka maqan waa isku xirnaantii iyo wanaagii ay dhexdooda ku maamuli lahaayeen ee ma jirto cid nasoo dhex gali kartaa.

Waxaan hadlkeyga ku soo gabagbeynayaa waxa ma tareyso in aynu cid kale eedeyno ee aynu annaga xisaabtano raadinana waxa wanaagu uu ku jiro. Boqolaal shirar oo la qabto waxaan aaminsanahay haddii ayan innaga naga imaan meel lagu gaaraya ma jiraan. Soomaalia Soomaali baa dayacday ee innagaa nalaga doonaya sidi aynu u raadin laheyn midnimadii iyo qaranimadii dhulka lala galay. Inta uu qof walbaa iska qabanayo kiisa xun, uuna soo hormarinayo kiisa fiican ayaanu rajo leenahay ee soomaliyeey dhulka aynu iska qaadno. Innagaa isu keenay in nala yiraahdo Soomaaliya waa dowlad fashilantay oo waliba ay qaar naga mid ah ay kalimadaas ku raaxeysanayaan inta ay ka damqi lahaayeen. Waxaan aaminsanahay cid noo imaan kartaa ma jirto haddii aynu is habeyno oo aynu soo celino sharaftii iyo wanaagii nalagu yiqiin.

Allahayoow naga kor qaad dulliga ina heysta, Allahayoow Soomaali niyadeeda burcad isu mari oo Allahayoow naga qabo inta xumaanta wada ee nagu dhex jirtaa. Allahyoow talada wanaagsan na waafaji.

Wabilaahi Towfiiq

Qalinkii Cabdixakiim Jaamac Jooje

Social Development Adviser – Leicester UK

Leave a comment

*

Archives
February 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
272829  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online