Muxaadarooyin lagu qabtay Masaajida Cali Mataan iyo Al-Huda ee magaalada Hargeysa(Dhageyso)

February 25, 2012 - Written by

Hargeysa:-Waxaa ku sugan magaalada Hargeysa qaar ka mid ah culimada dalka Soomaali yeed waxaana ay ka bixi yeen masaajidda kala ah Masjidka Cali Mataan iyo Masaajidka Al-Huda ee magaalada Hargeysa Tawjiihaad iyo muxaadarooyin kala duwan waxaana si weyn uga faa,ideystay muxaadaraadkaas dad weyne aad u tiro badan. Masjidka Cali Mataan ayaa waxaa muxaadaro ka jeedshay Sheekh Maxamed Shaafici Khaliif  wuxuuna ka hadalay Sh Shaafici Ahmiyada waraca iyo sidda Islaamka uu ahmiyada u siiyey xalaal miiradka.

Hoos Ka Dhageyso Muxaadaradii Sheekh Maxamed Shaafi ka jeedshay Masjidka Cali Matan ee Hargeysa.

[audio:https://halgan.net/Mp3/warac1.mp3]

Masjidka Al-Huda ayaa waxaa sidoo kale Nadwo ku qabtay culumada kala ah Sheekh Maxamed Shaafici Khaliif ,Sheekh Maxamuud Abu Sheyba Iyo Sheekh Cabdalle Baashe waxay nadwadooda uga hadleen الوسطية عند أهل السنة والجماعة Sidoo kale Machadka Al-Dacwa iyo darasadka Islaamka ayaa waxaa kulan diini ah ay u qabteen ardayda dhigata Machadka waxaana muxaadaro u jeedshay Sheekh Maxamed Ibaarhim Shakuul iyo Sheekh Dr.C/risaaq Maxamuud Takar waxayna ka hadleen Masuuliyada saaran dhalinyarada.

Hoos Ka dhageyso Muxaadaradii Sheekh Maxamed Ibaarhim Shakuul iyo Sheekh Dr.C/risaaq Maxamuud Takar ka jeedsheen Machadka Al-Dacwa iyo daraasaadka Islaamka

1-Sheekh Maxamed Ibaarhim Shakuul

[audio:https://halgan.net/Mp3/Masuuliyada1.mp3]

2-Sheekh Dr.C/risaaq Maxamuud Takar

[audio:https://halgan.net/Mp3/Masuuliya2.mp3]

Nadwada lagu qabtay Masjidka Al-Huda ee magaalada Hargeysa ayaan dib idiinka soo gudbin doonaa marka ay na soo gaarto hadii alle idmo Inshalaah .

Halgan.net
Hargeysa

1 Comment so far

Leave a comment

  1. asc walaalayaal nala soo socod siya muxaadarooyinka cusub

Leave a comment

*