Nadwo diini ah oo loogu talagalay dhalinyarada oo ka dhacaysa Masjid Iqra

February 13, 2012 - Written by

Waxaan lagu wargelinayaa bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Danmarka iyo Jaaliyaadka dibada ina ay jiro Nadwo diini ah oo loogu talagalay dhalin yara kana bixi doonta Masjidka Iqra ee magaalada Odense, Nadwadaan loogu tala galay dhalin yarada ayaa waxaa ay bilaabanaysaa 24 ilaa 26 bisha Febraur ,Nadwadaas ayaa waxaa ka qayb qaadan doona culimao kale duwan oo ay ka mid yihiin.

 

1- Sh. Mustafe Xaaji ismail

2- Shiikh Bashiir Shiil

3- Shiikh Said Raage

4- Shiikh Cabdiraxmaan Abyad

5-Shiikh Mustafe C/llahi Aadan

6-Shiikh Maxamuud Shiikh  Xassan

Wixii Faahfaahin la xiriir Masjidka Iqra ee magaalada Odense

Halgan.net

 

 

1 Comment so far

Leave a comment

  1. Maasha allaah Ilaahay ha barakeeyo walaalahanno reer Denmark iyo dawrkooda dacwada siiba cinaayadooda ku aadan dhallinta soo koreysa ee denmark iyo guud ahaanba dhallinyarada qurbaha ee yurub ku nool, waxaanan bogaadinaynaa sheekhooda sh c/raxman abyad ahna sheekheenna sidoo kale oo kaalinta ugu weyn kaga jira dacwada qurbajoogta soomaaliyeed gaar ahaan yurub.

    Waxaanu leenahay dhallinyaradu waa lafdhabarta bulshada haday hagaagtona bulshada wax weyn baa u hagaagey hadii majaruhu ka lumana bulshadaas qallooc ayaa galay marka ku dedaala walaalayaal dhallinta soo barbaareysa oo xilliga maanta een ku jirro ay ku hardamayaan tayyaarro fara badan oo khatar gelinaya naftooda aakhiro iyo adduunba, siiba kuwa qurbaha jooga ee khataraha badan ku sugan,waxaan allaah uga baryeynaa culimada inuu alle noo xifdiyo, oo dhagarta cadawgooda ka qabtaa, maanta cadawga layska ilaaliyo waa laamo batey oo kuwii sokeeyaha ugu dhaw la bidayey ayaaba wax walba ka khatarsanaadey mar hadiiba si calani ah oo alle ugu dhowaad ah loo banneystay culimada dhiigoodii,iyadoo kaliya waxa lagu laynayo ee hadafka dhaw ay u noqdeeni ay tahay “maxaad xaqqa u sheegteen maad aamustaan hadiiba aad nasoo raaci waydeen”. calaakullixaal ilaahay xaqqa ha na waafajiyo oo ha nagu dilo..

Leave a comment

*