Qaramada Midoobay oo Liiska xannibaadda ka saartay shaqsiyaad iyo shirkado Soomaali ah

February 23, 2012 - Written by

Go’aan ka soo baxay golaha amaanka ee qaramada midoobay ayaa  Liiska Alqaacidda looga saaray gancsade Axmed Nuur Cali Jimcaale iyo todobo iyo toban shirkadood oo Soomali ah. 17-kii febraayo 2012. Guddiga  golaha amaanka u qaabilsan Al-qaacida waxay go’aansadeen in ay ka saareen liiska xanibaadda ee al-qaacidda shaqsiyaadka iyo shirkadaha Soomaalida, Axmed Cali Jimcaale iyo 17 shikadood oo u badan shirkadihii la isku dhihijiray “Barakaad Group of Companies” ayuu qoraalku caddeynayaa in ay ka qaadeen xanibaadihii saarnaa.

Qaraarka oo wata lambarka SC/10549 ayaa caddeynaya in hantida, safarada, iyo hubka kuna cadaa qaraarka lambarkkisu ahaa 1989{2011} ee lagu soo rogay magacyada shaqsiyaad iyo shirkadaha hoos ku qorani laga qaadaay. Magacyadaas ayaa u qoran sida tan.

1 Axmed Nuur Cali Jimcaale

2 Barakaad Bank of Soomaaliya

3 Albaraka Exchange  L.L.C.

4 Barakaad Telecommunication company

5 Barako Trading Company

6 Al-Barakaad

7 Al-Barakaat Bank

8 Al-Barakaad Bank of Somaliya “BBS”

9 Al-Barakaat Finance Group

10  Al-Barakaad Financial Holding. Co

11 Al-Barakaad global Telecommunications

12 Al-Barakaad Group of telecommunications

13  Al-Barakaat international

14 Al-Barakaat investments

15 Barakaat Group of Companies

16  Barakaat Red-sea of companies

17  Barakaat international companies {BICO}

18 Barakaat telecommunication company Limited.

Qaraarkan ayaa lagu sheegay in shaqiyaadka iyo shirkadaha laga saaray liiska Al-qaacida lagu gaaray Go’aan ay gaareen guddiga golaha Amaanka u qaabilsan la socoshada hantida, socdaalada iyo hubka ee ururka Al-qaacida. Kow iyo tobankii sanadood oo shirkadahaas oo miisaan weyn iyo miimaba ku lahaa guud ahaan ay xanibnayeen isla markaasna hadda ay timid in liiska xanibaada laga saaro ayaa waxaa nasiib daro ah in aas aasihii shirkadahaasi uu wili ku sii kale oo heer Gobol ah.

Wax garadka iyo dhammaan dadaweynaha Soomaaliyeed ayaa aad ugu faraxsan in ay maqlaan dhawaaqaan farxadda leh iyagoo rajeynaya in inta dhimana laga saaridoona liiska.

 Nuqulkii asalka ahaa ee Qaraarka Golaha amaanka oo English ah halkaan ka furo

http://www.un.org/News/Press/docs/2012/sc10549.doc.htm

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
272829  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online