Qarax ka dhacay Degmada Berdaale oo 55 u jirta magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay

February 21, 2012 - Written by

Ceelbarde:-Wararka naga soo gaaraya Degaanka Berdaale  ee Gobolka Bay ayaa sheegaya in qarax miino uu ka dhacay duleedka Berdaale waxaana  ku dhintay ugu yaraan lix qof halka 10 in ka badan ay ku dhaawacmeen ka dib markii gaarigii ay saarnaayeen ay miino la kacday .

Gaariga ayaa marayey  duleedka degmada Berdaale ee gobolka Bay wuxuuna ku sii jeeday magaalada Luuq ee gobalka Gedo waxaana gurmad u fidiyey dadkii ku waxyeeloobay qaraxa gaari kale oo ka danbeeyey. Dadka dhaawaca ah ayaa qaarkood uu dhaawacoodu uu culus yahay waxaan alle ugu baryeynaa in caafimaad siiyo kuwa dhintayna alle uu u naxariisto .Dhamaan dadkii ku dhaawacmay qaraxa miinada ayaa waxaa loo qaaday isbitaal ku yaalla Baydhabo oo ay gacanta ku hayaan Ururka Al-Shabaab.

Qaraxan ayaa wuxuu imaanayaa xilli ay ciidammo Itoobiyaan ah iyo kuwa DFKM ay ka wadaa dhaqdhaqaaq ciidan iyada oo dhanka kale ay diyaargarow culus ay ku jiraan ciidamada ururka Al-Shabaab .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
272829  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online