Ra’iisul Wasaaraha DFKM Dr Cabdiweli Cali Gaas oo saaka soo gaaray Djibouti

February 4, 2012 - Written by
Ra’iisul Wasaaraha DFKM Dr Abdiweli Mohamed Ali ayaa Sabtigii 4ta February soo gaaray Djibouti si uu uga qeybgalo shirka Kooxda Xiriirka Caalamiga (ICG). Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa lgu wadaa inuu shir-guddoomin doono shirka IC, khudba dna ka jeedin doono furitaanka shirka oo socon doona labo maalmood 5ta iyo 6da February. Sidoo kale waxaa lagu wadaa in Madax weynaha Djibouti Ismail Omar Gelle uu isna halkaas qudbad ka jeedin doono furitaanka shirka.
Shirkan ICG ayaa ku soo toosaya waqti xasaasi ah oo Dowladda Soomaaliyeed ay ku howlan tahay dhaqangelinta Roadmap ka iyo sidii loo soo afjari lahaa xilliga kala guurka ah oo ku eg 21ka August 2012. Sidoo kale Dowladdu waxey ku howlantahay dib-u-habeynta baarlamaanka iyo dhameystirka Dastuurka. Shirkan ayaa looga hadli doonaa arrimaah Roadmapka iyo shirka London lagu qaban doono 23 February.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Jimcihii kula kulmay Nairobi Wasiirka Arrimaha Dibedda ee UK Willaim Hague oo ay ka wada hadleen shirka London iyo sidii labada dowladood ay isaga kaashan lahaayeen in shirku uu noqdo mid najaxa. Ra’iisul Wasaare Abdiweli ayaa u sheegay William Hague in shacabka Soomaaliyeed ay ka sugayaan shirka London inuu xal u helo sidii xal loogu heli lahaa Soomaaliya, isla markaana uu shirka London u sii cayilin lahaa horumarka laga sameeyey Roadmap ka iyo Garowe Principles.
 
Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor to the Prime Minister of Somalia
& Spokesperson of the Government
Tel: +253783542 – Djibouti
Tel: +252615479911
Tel: +252699998854

 

Leave a comment

*

Archives
February 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
272829  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online