Ra’iisul wasaaraha DFKM Dr.Cabdiweli Gaas iyo wafdi la socda oo u dhoofay Garoowe

February 14, 2012 - Written by

Ra.iisul wasaaraha DFKM Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ka dhoofay garoonka diyaaradaha  ee Aadan Cadde isagoo ku sii jeeda  magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntlland, Wafdiga Ra.iisul wasaaraha Dr Cabdiweli Gaas ayaa waxaa ka mid ah xubno wasiiro ah oo ka tirsan Golahiisa xukuumada. Wafdiga Ra.iisulwasaaraha ayaa intii aysan ka dhoofin garoonka Aadan cadde waxaa ay saxaafada u sheegeen in ay ka qayb geli doonaa shirka wadata shiga wajigiidii labaad oo ka dhacay Garoowe loogana hadli doono RoadMapka iyo siddii dastuurka loogu samayn lahaa dowllada Federal ah oo ay dhisi doonaa beesha caalamka oo iyagu hadda taageera DFKM oo xiligieedu ku eg yahay bisha Augusto.

Dhinaca kale wafdi uu hogaaminayo guddoomiayaha baarlamaanka DFKM Shariif Xassan Shiikh Aadan ayaa la filayaa in ay gaaraan magaalada Garoowe si ay ugu qayb galaan shrika ka dhacay Garoowe ,wufuud badan oo ka socota Qaramada Midoobay iyo xubanaha beesha caalamaka ee taageera DFKM ayaa saaka soo gaaray magaalada Garoowe si ay qayb uga noqdaan shirka.

Amaanka guud ee magaalada Garoowe ayaa aad loo adkeeyey waxaan magaalada amaankeeda sugaya ciidamo gaar ah oo loo xulay waxaan ay ku sugan yihin goobaha ay degan yihiin Madaxda Puntlland iyo goobaha loo asteeyey in ay degaan wufuuda loogu tala galay in ay ka qayb galaan shirka wada tashiga wajigiisa labaad oo furmi doona maalinta beri ah.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
272829  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online