Ra’iisul Wasaaraha DFKM Dr Cabdiweli Gaas iyo wefdi uu hogaaminayo oo maanta gaaray magaalada Garoowe

February 14, 2012 - Written by

Garowe:-Ra’iisul Wasaaraha DFKM Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefdi ka kooban Wasiiro ayaa maanta si diiran loogu soo dhoweeyey magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, iyadoo la filayo in maalinta berri ah uu ka furmo shirka Garoowe2.

Wefdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa si diiran ugu soo dhoweeyey garoonka madax uu horkacayay madaxweynaha Puntland Dr Cabdi raxmaan Maxamed Faroole iyo madaxweyne kuxigeenka Gen.C/samad Cali Shire iyo sidoo kale Wasiiro Xildhibaano, saraakiil, iyo dad weyne aad u tiro badan, wuxuuna R.wasaaruhu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidankan dowllada Puntland.

no images were found

Ra’iisul Wasaaraha oo warbaahinta la hadlay ayaa u sheegay in imaatinkiisu uu la xiriiro shirka maalinta berrito ah lagu wado inuu ka furmo magaalada Garoowe isaga oo ku tilmaamay shir muhiimad gaar ah xambaarsan maadaama looga arrinsanayo sidii dalka loogu sameyn lahaa Dastuur ay ku dhaqanto maadaama la qaatay Nidaamka ku dhisan Federaalka.

“Waxaan halkan u imid sidii aan uga qeybgali lahaa shirka Garoowe2 oo daba socda shirkii horay halkan uga dhacay, wuxuuna xambaar san yahay muhiimad gaar ah maadaama looga hadlayo sidii dalka loogu sameyn lahaa Dastuur” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo tilmaamay inuu filayo in shirkani ay ka soo baxdo natiijo wanaagsan.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in diirada la saari doono dabogalna lagu sameyn doono go’aanadii ka soo baxay shirkii midkan ka horeeyey ee (Garowe Principles), si looga gun gaaro go’aanada iyo balanqaadyadii horey loogu heshiiyay.

 

Garad Salad Hersi
Communication Director,
office of the PM
Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
February 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
272829  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online