Ra’iisul Wasaaraha DFKM oo Kulan la qaatay Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Yurub

February 8, 2012 - Written by

Muqdisho, February 8, 2012—-Ra’iisul Wasaaraha DFKM Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta Xafiis kiisa ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Yurub Alexander Rondes oo ay la socdeen Madaxa EU ee Soomaaliya iyo mas’uuli yiin kale. Kulankan waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka ahna Wasiirka Difaaca Mudane Hussein Arab Isse, Wasiiru Dowlayaasha Arrimaha Dibedda iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horreyntii soo dhoweeyey Ergeyga gaarka ah ugana mahadcelinayey imaatinkiisa Muqdisho kana codsaday in EU ay labo jibaarto dadaalkooda ku aadan sidii Shacabka Soomaaliyeed loogu heli lahaa nabad iyo amni waara. Waxey kaloo si gaar ah uga hadleen qorshaha iyo istraatejiyada Dowladda Soomaaliya ee ku wajahan goobaha iyo gobolada laga xorreeyey Al-Shabaab si shacabkaas loo gaarsiiyo adeegyada bulshada iyo gar-gaarka bani’aadanimo, lagalana shaqeeyo sidii shacabkaas ay u sameysan lahaayeen guddiyo amni iyo maamul ay iyagu doorteen.

Kulankan waxaa sidoo kale looga hadlay shirka London iyo sidii ay beesha caalamka ay hal meel uga soo wada jeesan lahaayeen xal u helidda arrimaha Soomaaliya, oo kulanka aad looga qiray inay jirto fursad dahabi ah oo Xukuumadda ay ku guuleysatay arrimo fara badan oo ay ka mid yihiin amniga iyo xasilinta waddanka.

Ergeygan Gaarka ah ayaa dhowaan Midowga Yurub u magacaabeen inuu wakiil uga noqdo Geeska Afrika oo uu sheegay inuu mudnaanta siinayo Soomaaliya. Waxaa muuqata dadaal weyn oo ay caalamku ugu soo jeesteen arrimaha Soomaaliya ka dib markii Xukuumadda ay guulo waaweyn ka sameeyey dhan walbo sida amniga, dastuurka cusub, dib-u-habeynta baarlamaanka, xiriirka maamulada iyo Dowladda dhexe iyo maamul wanaaga.

 

 

—-Dhamaad—-

Garad Salad Hersi
Communication Director, office of the PM
Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
February 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
272829  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online