R/W DFKM oo kulamo la qaatay ACP iyo mas’uuliyiinta Belgium(Warsaxaafadeed)

February 21, 2012 - Written by
Belgium:-Ra’iisul Wasaaraha DFKM Prof Abdiweli Mohamed Ali oo booqasho rasmi ah ku jooga Brussels si uu kulamo ula qaato mas’uuliyiinta Midowga Yurub ayaa Isniintii kulamo kala duwan la qaatay ma’uuliyiin ka tirsan dalka Belgium, Kooxda Caalamiga ah ee Africa, Caribbean iyo Pacific (ACP) isla markaana kormeer ku tagey Safaarada Soomaalida ee Belgium iyo Hoyga Safaaradda.
 
Ra’iisul Wasaaraha ayaa kormeer ku sameeyey xafiiska iyo hoyga safaaradda Soomaalida isla makraana u kuurgalay howlaha safaaradda.
 

no images were found

Ra’iisul Wasaare Abdiweli ayaa kulan si heer sare ah loo soo agaasimay la yeeshay Guddiga Safiirada ee dalalka Africa, Caribbean iyo Pacific oo ku mideysan ururka caalamiga ah ee ACP. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa halkaas ka jeediyey khudbad taariikhi ah oo uu warbixin ka siiyey safiirada ACP xaaladda dalku marayo, horumarka Dowladdu ka sameysey dhinacyo fara badan sida amniga, dastuurka, dib-u-heshiisiinta & xiriirka maamulada, arrimaha gar-gaarka bani’aadanimo iyo maamul wanaaga. Ra’iisul Wasaarahu waxuu sheegay in Somalia ay ka mid aheyd aasaasayaashii ACP, haddana la rajeynayo in Soomaaliya ay doorkii saliimka ahaa ee ay ku laheyd ACP dhowaan ka qeyb qaadan doonto.
 
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu kulan la yeesho Jaaliyadda Soomaaliyeed, isla markaana uu kulamo muhiim ah la yeelan doono madaxda Midowga Yurub oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Mr Barosso iyo mas’uuliyiin kale. Sidoo kale waxaa lagu wadaa in Ra’iisul Wasaaraha uu khudbad taariikhi ah ka jeedin doono Golaha Ammaanka ee Midowga Yurub.
 
Ra’iisul Wasaaraha ayaa marka uu dhameysto booqashadiisa rasmiga ah ee Belgium uu u gudbi doono dalka UK si uu uga qeybgalo Shirka London ee 23ka Febraayo.Xafiiska Raisulwasaaraha DFKM
Abdiahman Omar Osman (Eng. Yarisow)

Leave a comment

*

Archives
February 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
272829  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online