Shirka London oo furmay iyo Madax kale duwan oo khudbooyin ka jeedinaya

February 23, 2012 - Written by

London:-Caasimada dalka Ingriiska ayaa goordhoweyd waxaa ka furmay shir loo qabtay madaxda DFKM , Puntland , Somalilland  Gal-mudug, ururks Ahlusunaha shirka ayaa waxaa ka soo qayb galay madax fara badan oo ka kala socoda caalamka  waxaan ka mid ah Kenya ,Ethiopia ,Uganda ,Maraykanka ,Ingriiska, Turkiga , Imaaradka Carbeed ,Sweden ,Midowga Afrika ,Midowga Yurub ,iyo Qatar  iyo Xoghayaha guud Qaramada Midoobey Ban Ki Moon.  Ilaa ku dhowaad 40 hogaamiyaasha iyo madaxda ururada caalamiga ah ayaa madasha shirka ku sugan.

Shirkaan ayaa waxaa ay Beesha caalamka ku sheegtay in ay ku qaadan doonto go,aan midaysan oo ku saabsan siddii arrimaha Soomaaliya hal go,aan looga qaadan lahaa waxaa shirka loog doodayaa sidda wararka soo baxaya ay sheegayaan.

1-Amaanka (Security) gaar ahaan sidii dhaqaalo loo siin lahaa ciidanka AMISOM iyo kuwa DFKM iyo Garsoorka

2-Hawlgalka Siyaasadeed ( Political Process) in madaxda Soomaalida ay ku heshiiso wax xiga marka ay DFKM xiligeedu uu dhamaado bisha Augsto 2012.

3-Xasiloonida Gudaha Dalka (Local Stability) in la dhiso koox caalami ah oo taageero u fidisa Gobollada Soomaaliya. ee nabada ah .

4-La-dagaalanka wax loogu yeero Argagixisada (Counter-terrorsim) in la cusboonaysiiyo la dagaalanka kooxa  xagjirka ah ama argagixisada  ee ka jira Soomaaliya.

5-Burcadnimada (Piracy) in lala dagaalamo kooxaha burcadbadeedka ah ee ka howl gala xeebaha dalka Soomaaliya

6-Bini’aadanimada (Humanitarian) in caalamku ay gacan ka geystaan dhibaatada  bini’aadanimo Somalia.

7-Iskuduwida Caalamka (International Coordination) Heshiis in laga gaaro qadiyadaha dowliga ah xaalada Somalia.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
272829  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online