Shirkii ka socday magaalada Garoowe oo caawa saq dhexe la soo afmeeray iyo hishiis la kala saxiixday

February 18, 2012 - Written by

Garoowe:-Shirkii Dastuur u sameynta Soomaaliya ee loogu magac daray Garowe2 isla markaana magaalada Garoowe ka soconayay saddexdii maalmood ee ugu dambeysay ayaa caawa saq dhexe la soo gabogabeeyey iyada oo lagu gaaray heshiis buuxa oo ku aadan Nidaamka dalka lagu dhaqayo, Nooca Baarlamaan ee uu yeelanayo iyo weliba hirgelinta Mabaadii’dii Garowe.

Xaflad aad u heer sareysa oo caawa ka dhacday xarunta Jaamacadda PSU ayna ka soo qeybgaleen dhamaan madaxda Soomaalida oo uu ugu horeeyo madaxweynaha Dowladda Federaalka Shariif Sheekh Axmed, Guddoomiyaha Baarlamaankan Mudane Shariif Xasan Sheekh. Aadan, Ra’iisul Wasaaraha DFKM Dr. Cabdiweli Maxamed Gaas, Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiraxmaan Faroole, Madaxweynaha Galmudug Maxamed Caalin, iyo hogaamiyaha Ahlusunna Waljamaacah.

Munaasabada ayaa sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa Ambassador Mahiga oo ah ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Q/midoobay, Wasiirka Awqaafta iyo arriimaha Diinta ee Dowladda Jabuuti Xaamud Suldaan, kuxigeenka Ambassadorka midowga Afrika ee Soomaaliya Hon. Wafula Wmanyiyi iyo ergooyin kale oo matalaysay beesha caalamka.

Madaxweynaha Puntland Dr. Faroole oo ugu horeyntii munaasabada ka hadlay ayaa ku tilmaamay heshiis taariikhi ah oo ay wada gaareen madaxda Soomaaliyeed, wuxuuna xusay in ay jireen caqabado fara  badan balse alle mahadiis markii dambe looga gudbay is faham iyo is qancin, isaga oo si gaar ahna u xusay in heshiiskani uu yahay mid u qalma masiirka ummadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Ambassador Mahiga oo goobta ka hadlay ayaa ku bilaabay hadaladiisa “Wey hagaagtay, waana la guuleystay, dhamaanteena waxaanu nahay kuwo guuleystay” ayuu si kaftan ah u yiri wuxuuna dhanka kale dadweynaha u sheegay in markii la saxiixay heshiiskan uu durba la xiriiray xoghayaha guud ee Q/midoobay Bankimoon uuna u sheegay in Soomaalidu heshiisay.

“Markii aan u sheegay Bankimoon in la heshiiyay, wuxuu igu yiri waa arrin wanaagsan, hadda ayaana u sheegayaa adduunka oo dhan” ayuu mar kale yiri isaga oo xusay in sidoo kale uu ku wargeliyay heshiiskan Mr. Jing Ping oo ah guddoomniyaha midowga Afrika.

Madaxweyne Shariif oo isna ka hadlay heshiiska caawa ayaa ku tilmaamay mid taariikhi ah oo umadda Soomaaliyeed kuwa gudaha iyo kuwa dibaddaba ay ku farxi doonaan.

Dhanka kale, dhamaan madaxda Soomaaliyeed waxay dadweynaha hortooda ku saxiixeen heshiiska, waxaana xusid mudan in heshiiskan uu kaga duwan yahay heshiisyadii hore marka laga tago in gudaha dalka Soomaaliya uu ka dhacay, haddana waxaa la saxiixay caawa saqda dhexe abaara 12:00 ama, waxaana ugu dambeyn xafladu ay soo gabogabowday 01:00 pm.

—- DHAMAAD——

Garad Salad Hersi

Communication Director
Office of the PM
Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
February 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
272829  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online