Shirkii ICG oo lagu soo gabogabeeyey Dalka Djibouti

February 6, 2012 - Written by
Ra’iisul Wasaaraha DFKM Dr.Abdiweli Mohamed Ali Gaas ayaa maanta soo xiritaankii shirkii ICG ee magaalada Djibouti ka soo jeediyey khudbad xiri taan ah (Closing Statement). Shirka ICG oo shalay iyo maanta ka soc day Djibouti ayaa waxaa looga hadlay arrimo fara badan oo ay ka mid yihiin arrimaha amniga, gaar ahaan sidii loo sii wadi lahaa howlgaladda looga soo horjeedo kooxaha Al-Shabaab, Waxaa kaloo laga had lay sidii shacabka Soomaaliyeed loogu abuuri lahaa nolol gaar ahaan degmooyinka iyo gobollada laga xorreeyo Al-Shabaab.Waxaa kale oo si gaar ah looga hadlay Shirka magaalada London ee 23 February 2012 oo la isku raacay in shirkaas uu noqdo mid maslaxadda Soomaaliyeed ay ku jirto oo looga hadlo sidii xal waara looga gaari lahaa arrimaha amniga iyo ugu danbeyntii waxaa la isla gartay in xilliga kala guurka ah la soo afjaro 21 August 2012, isla markaana la dar-dar geliyo dhameystirka Dastuurka iyo dib u habeynta baarlamaanka oo la isku raacay in baarlamaanka cusub uu noqdo mid tayo leh oo ay jiraan shuruurda sida waxbarasho, in shaqsiga uusan danbi hore u galin ama uusan soo noqon warlord, isla markaana sumcad ku dhex leh bulshada dhexdeeda.
Ra’iisul Wasaaraha DFKM Dr Abdiweli Mohamed Ali ayaa ka codsaday beesha caalamka inay mowqif mideysan yeeshaan oo shirka london lagu xoojiyo sidii ciidamda Soomaalida iyo hay’adaha amniga dib loogu dhisi lahaa iyo in roadmap ka iyo Garoowe Principles ay noqdaan saldhigga dooda iyo waxqabadka.

Xafiiska Raiisul Wasaaraha DFKM
Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas

Leave a comment

*

Archives
February 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
272829  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online