Wasiirada arrimaha dibedda ee dalalka IGAD oo Jabuuti shir uga furmayo maanta

February 10, 2012 - Written by

Jabuuti:-Waxaa maanta si rasmi uga furmi doona magaalada Jabuuti Shir gaar oo yeelan doonaan wasiirrada arrimaha dibedda ee urur gobolleedka IGAD, waxaana shirkaas lagu falanqeyn doonaa arimaha Soomaaliya ,kulanka ayaa waxaa DFKM uga qeyb gali wasiirka arrimaha dibedda Maxamed Maxamuud Xaaji Ibraahim  iyo wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga caalamiga ah C/llaahi Barre Goodax

Shirkan maanta uga furmay wasiirrada arrimaha dibedda ee urur gobolleedka IGAD ayaa waxaa sidoo kale looga hadli doonaa shirka bishan gudaheeda ka furmi doona magaalada London kaas oo sida la sheegay xal loogu raadinayo arimaha iyo qalalaasaha ka socda dalka Soomaaliya mudo ka badan 20 sano.

Kulanka ay saaka yeelanayaan wasiirrada arimaha dibeda ee urur gobolleedka IGAD ayaa waxaa ka horeeyey shir ay yeesheen kooxda ICG iyaga oo hadlay arimaha ay ka mid yihiin arrimaha amniga, gaar ahaan sidii loo sii wadi lahaa howlgaladda looga soo horjeedo  Al-Shabaab, inshacabka loo abuuro nolal gaar ah iyo in la taageero Shirka magaalada London ka furmaya  23 February 2012.

Shirka ka furmi doona magaalada London 23 February 2012 ayaa waxaa dhagaha u wada taagaya shacabka Soomaaliyeed iyada oo ay durba so baxayaan in la doonayo in la galiyo Soomaaliya Maxmiyad ka dib markii ay Soomaalidii ku fashilmeen in ay heshiiyaan oo ay dhistaan dowlad u gaar ah taas oo ay masuuliyadeeda qaadi doonaa wadaad iyo waranle

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
272829  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online