Wasiirka arrimaha dibada ee dalka Uganda Oriemo Okello oo soo gaaray Muqdisho

February 13, 2012 - Written by

Muqdisho:-Wafdi uu hogaaminayo wasiirka arrimaha dibada ee dowlladda Uganda Oriemo Okello iyo Taliyaha ciidanka dalkaa Uganda Gen. Katumba Wamala ayaa saaka soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya waxaan garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Muqdisho ku soo dhaweeyey Ra.iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka Gaashaandhigga DFKM Xuseen Carab Ciise, Taliyaasha ciidanka DFKM iyo kuwa AMISOM.

Wasiirka arrimaha dibada ee dowlladda Uganda Oriemo Okello iyo Taliyaha ciidanka dalkaa Uganda Gen. Katumba Wamala ayaa waxaa ay salaan sharaf ka qaateen cutubyo ka tirsan ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa dalka Uganda oo ku suganaa dugsigii tababarka Ciidamo Xalane ee magaalada Muqdisho. Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM ayaa  wafdiga wasiirka arrimaha dibada ee dowlladda Uganda Oriemo Okello iyo Taliyaha ciidanka dalka Uganda Gen. Katumba Wamala waxaa ay u galbiyeen xarunta Villa Soomaaliya oo ay degan yihiin Madaxda DFKM iyadoo la filayo in wafdi gaan ay saacadaha soo socda ay kulan la qaadan doonaa Madaxweynaha DFKM Sh Shariif  Sh. Axmed iyo Ra.iisul wsaaraha DFKM Dr. Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas.

Socdaalka wasiirka arrimaha dibada ee dowlladda Uganda Oriemo Okello iyo Taliyaha ciidanka dalkaa Uganda Gen. Katumba Wamala ayaa ku soo beegmay xili ururka Al-shabaab ay abaabuleen saaka banaanbax lagu taageerayo ku biiritaankoodii ay ku biireen urur weynaha Al-Qaacid , banaanbaxa taageerada ayaa waxaa uu ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho gaar ahaan Baraxada weyn ee Calamada oo u dhexeysa magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye.

A/cawaale
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
February 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
272829  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online