Wasiirka G/dhiga ee DFKM Xuseen Carab Ciise iyo wafdi la socda oo gaaray Baydhabo

February 29, 2012 - Written by

Baydhabo:-Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka gaashaandhigga ee DFKM Xuseen Carab Ciise  iyo ayaa goordhaweyd ka degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay waxaana si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Baydhabo.

Wasiirka G/dhiga ee DFKM  Xuseen Carab Ciise ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliya saraakiil sare oo ka tirsan DFKM waxaana amaanka garoonka Diyaaradaha ee magaalada Baydhabo aad u sugay ciidamo ka tirsan DFKM iyo kuwa Itoobiya. Socdaalka wasiirka G/dhiga ee DFKM Xuseen Carab Ciise  ayaa wuxuu ku soo aaday xili ay xiisado colaadeed iyo dagaalo ay ka socdaan gobalada Bay iyo Bakool kuwaas oo u dhexeeya ciidamada DFKM oo ay taageerayaan kuwa Itoobiya iyo ciidamada Ururka Al-shabaab ee ku biiray dhawaan ururka Al-Qaacida.

A/Cawale
Halgan.net

1 Comment so far

Leave a comment

  1. BISMILLAAH.

    ………….. quudaan jirin qoryo u guro ………………

    sow la yaab ma ahan inaad maanta maqasho waziir difaac soomaali ah oo axmaar u hanbalyaynaya ! see ku dhacday inuu
    tago magaalo lagu laayay axmaaro ku soo duushay ? taas macnahedu waa magaalada baydhabo oo uu rabo inuu kula shirkoobo axmaaro qabsatay !.

    axmaarada iyo inta la socota way halaagsami doonaan inshaa ALLAAH waxaana shaki lahayn in ay ku khasaari doonaan dagaalka ay ka wadaan soomaaliya kaasoo ay wakiilo u yihiin
    sahyuuniyadda caalamiga ah iyo gaalada kaafiriinta ah ee aduunka qasaysa.

    waa in muslimiintu midowdaa kuna midowdaa kitaabka iyo sunnada
    RABBINA wuu noo gargaari inshaa ALLAAH.

    WALLAAHU ACLAM
    khaadimulislaam
    binfaqiih@hotmail.com

Leave a comment

*