Wasiirka Horumarinta iyo xariirka Caalamiga ee dalka Norway oo Muqdisho soo gaaray

February 19, 2012 - Written by

Muqdisho:-Wafdiga oo uu hogaaminayay Wasiirka Horumarinta iyo xariirka Caalamiga ah ee Dowladda  Norway Erik Solheim ayaa saaka soo gaaray magaalada Muqdisho waxaana uu kulan  la qaatay madaxweynaha DFKM Sheekh Shariif Sheekh Ahmed kulanka ayaa waxaa uu ahaa mid ay albaabada u xiran yihiin .

Ka dib markii uu soo dhamaaday kulankii ay wada qaateen Madaxweynaha DFKM Shariif Sh Ahmed iyo Wasiirka Horumarinta iyo xariirka Caalamiga ah ee Dowladda Norway ayaa waxaa warbaahinta magaalada Muqdisho la hadlay Wasiirka G/dhiga DFKM Xuseen Carab Ciise wuxuuna sheegay in madaxda DFKM iyo wasiirka Horumarinta iyo xariirka Caalamiga ah ee Dowladda  Norway  ay ka wada hadleen xaalada dalka Soomaaliya iyo sidii wax looga qaban lahaa iyo xoojinta xiriirka labada dal.

Wasiirka Horumarinta iyo xariirka Caalamiga ah ee Dowladda  Norway Erik Solheim oo isna la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in amaanka Magaaladda Muqdisho uu yahay mid aad u wanaagsan islamarkaana la isku haleyn karo, wuxuuna xusay in dowlada Norway ay garab istaagi doonto shacabka Soomaaliyeed oo ay dowlad la,aan heysay mudo ka badan 21sano.

A/cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
272829  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online