Xaaladda magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo saaka degan

February 12, 2012 - Written by

Hiiraan:-Xaaladda magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa saaka waxaa laga dareemayaa deganaansho ka dib markii dagaal xooggan uu shalay ku dhexmaray gudaha magaalada B/weyne  labo maleeshiyaad oo kuligood sheegay in ay taabacsan yihiin DFKM.Waxgaradka iyo Odayaasha Gobalka Hiiraan ayaa ku guuleysatay in ay xabad joojin dhexdhigaan labada ciidan iyaga oo  haatan ka dhex wada dhexdhexaadin iyo in wixii khilaaf ah lagu dhameeeyo wada hadal lana joojiyo in shacabka lagu dhexdagaalamayo.

Saraakiisha Ciidamada Ethiopia ee ku sugan magaalada Beledweyne ayaa kulan la qaatay labada dhinac ee shalay ku dagaalamay magaalada B/weyne lamana oga ilaa haatan waxay ku wada hadleen iyaga oo soo galiyey magaalada B/weyne ciidamo dheeraad ah.

Wasiirka amniga Qaranka ee DFKM Cabadisamad Macalin Maxamuud oo ka hadlayay dagaalkii Beledweyne ka dhacay shalay ayaa sheegay in uu ka xun yahay in magaalada B/weyne uu dagaal ka dhaco wuxuuna sheegay in magaalada B/weyne la geyn doono ciidamo ka tirsan AMISOM .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
272829  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online