Xiisad Colaad oo laga dareemayo gobolka Jubbada hoose iyo diyaarado Duqeeyey Hoosingow

February 1, 2012 - Written by

Kismaayo:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in saaka dhiiloo colaadeed iyo dhaqdhaqaaq ciidan uu ka jiro deegaanada ay isku horfadhiyaan ciidamada huwanta ah oo ay garab siinayaa ciidamada Kenya iyo Ciidamada Al-Shabaab.

Ciidamada  Kenya iyo ciidamada huwanta ah oo taageerayaan ayaa saaka waxay bilaabeen in ay ciidamadooda galiyaan heegan iyaga oo la maqlayo hub ay tijaabinayaan.

Dhanka kale ciidamada Al-Shabaab ayaa difaac iyo diyaargarow ka wada Degmada Afmadow waxaana ay bilaabeen in ay tijaabiyaan gawaarida Tiknikada ah iyaga oo isku diyaarinaya in Difaacaan deegaanada ay duuleeen ku yihiin ciidamada Kenya iyo huwanta la socta .

Deegaanada ay dhaqdhaqaaqa ciidan ka wadaan ciidamada Kenya waxaa ka mid ah  deegaanada Qooqaani, Taabto iyo Xayo ee gobolka Jubbada hoose.

Sidoo kale waxaa maanta duhurkii duqeymo u geystay Diyaaradaha dagaalka ee dalka Kenya waxayna duqeeyeen  deegaanka Hoosingow ee gobolka J/hoose oo ka mid ah deegaanada ay gacanta ku hayaan Ururka Al-Shabaab .

Ilaa haatan si rasmi ah looma shaacin cida wax ku noqotay Duqeynta ay geysteen diyaaradaha dagaalka ee dalka Kenya kuwaas oo caadeystay in ay bartilmaamsadaan shacabka rayidka ah ee aan ku lug lahay dagaalada .

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
272829  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online